Xafiiska Badhasaabka Awdal Oo Laydhkii Laga Jaray Kadib Markii Mudo Sanad Ka badan Uu Lacagtii Iska Bixin waayay

0
Wednesday February 04, 2015 - 16:35:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska Badhasaabka Awdal Oo Laydhkii Laga Jaray Kadib Markii Mudo Sanad Ka badan Uu Lacagtii Iska Bixin waayay

    Boorama (xogreebnews.com- Shirkada Korontda ee ALOOG ee magaalada Boorama ayaa maalintiii shalay gabi’ahaanba laydhkii ka jartay xafiiska Badhsaabka Gobolka Awdal, waqti uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boorama (xogreebnews.com- Shirkada Korontda ee ALOOG ee magaalada Boorama ayaa maalintiii shalay gabi’ahaanba laydhkii ka jartay xafiiska Badhsaabka Gobolka Awdal, waqti uu
Boorama (xogreebnews.com- Shirkada Korontda ee ALOOG ee magaalada Boorama ayaa maalintiii shalay gabi’ahaanba laydhkii ka jartay xafiiska Badhsaabka Gobolka Awdal, waqti uu badhsaab Cabdoo ka maqan yahay magaalada, una dalxiis tagay magaalada hargaysa.madaxda shirkada Aloog ayaa u sheegay shabakada inay go’aanka ay nalka uga damiyeen xafiiska cabdoo aayar qaateen kadib markii ay mudo ka badan hal sano ka waayeen wax lacag ah”waxa aan sugnay mudo ku fulin sanad way ka badan tahay waxa aan lacagta ku leenahay, ninkii cabdoo ahaa lama gaadhayaba dabadiisii, waxa aan ku leenahayna waa lacag badan oo kun doolar kor u dhaafaysa, dhawrkii bilood ee u dambeeyayna waxa uu noogu doo koobayba in uu na yidhaa war ka qaata dawlada hoose, iyagiina way na meermeerinayaan” inkasta oo uu wasiirka Arimaha Gudahu ka galay waan waan isla markaana maanta lagu celiyay xafiiska cabdoo laydhkii ayaa waxa ay wararku sheegayaan in cabdoo aayar uu ku dacwooday wasiir waran cade isla markaana uu dalbaday in lacagta laydhka laga bixiyo ama la sii daayo saxeexyada baanka Boorama oo uu badhsaabku ogyahay inla xanibay kad+ib markii looga shikiyay ama ay soo shaac baxeen tuhuno musuqmaasuq iyo wax is daba marin dhinaca madaxda degmada boorama ah.
tan kale ee jirta waxa la ogyahay in xafiiska gobolka awdal uu dawlada dhexe ka qaato lacag gaadhaysa 100 milyan oo shilin oo u dhiganta in ka badan 10 kun oo doolar, lacagtaasna tan iyo intii uu gobolka yimid cabdoo noqotay mid aanan shaqayn sababtuna ay tahay mar walba ama inta badan oo uu badhasaabku la maqan yahay saxeexyada, sidoo kalena uu saxeexa u diiday in uu ku wareejiyo badhsaab ku xigeekiisa. waxana aan meesha ka maqnayn in uu jiro tuhun oranaya, lacagtaas gobolka oo dhan inta badan waxa ay ku baxdaa kharashaadka safarada iyo habeen dhaxyada badan ee xadka ka sii baxaya ee cabdoo uu ku qaato Hargaysa. waxa kale oo jirta oo arintan ku soo beegmaysaa waqti khilaaf hor leh oo dhinaca maamulka ahi ka dhex curtay maayarka iyo maayar kuxigeenka degmada Boorama,islamarkaana uu meesha ka maqan yahay cabdoo aayar oo kala saaridooda horeba ugu guul daraystay maantana xafiiskiisiiba laydhka laga jaray.
Sidoo kalena uu aayarka Awdal habeenimadii xalay oo ay taariikhdu ahayddtii Feberuary.2015 uu magaalada ka maqnaa, taasna ay dad badani qabaan inay sabab u tahay ka maqnaashihiisu cabdsi aawadeed, kadib markii ay kooxo nabaddiid ahi shaaciyeen inay magaalada khalkhal galin doonaan. loona micnaysan karo in isaguba uu ka dambeeyay in laydhka laga jaro si uu qiil ugu helo cabsida ku jirty. waxa ay noqonaysaa markii ugu horaysay ee tan iyo mudo dheer la maqlo in xafiiskii gobolka awdal laga jaray laydhka, waqti ay magaaladu ku jirto xaalado xasaasi ah oo loo baahnaa in uu badhsaabku ku nagaado xafiiskiisa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured