Axmed Muumin Seed Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Badhasabaka Awdal Gud. Ahmed Mumin Seed

0
Tuesday February 03, 2015 - 17:50:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Muumin Seed Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Badhasabaka Awdal Gud. Ahmed Mumin Seed

    Hargeysa(xogreebnews.com — Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muum, in Seed ayaa ka jawaabay eeddo iyo dhaliilo uu u soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdo Axmed Aayar. Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muumin Seed o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com — Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muum, in Seed ayaa ka jawaabay eeddo iyo dhaliilo uu u soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdo Axmed Aayar. Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale
Hargeysa(xogreebnews.com — Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muum, in Seed ayaa ka jawaabay eeddo iyo dhaliilo uu u soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdo Axmed Aayar.
Guddoomiye ku xigeenka XIsbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada oo wakhtigii loogu talagaay uu ka hadhsan yahay Afar bilood.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo aanu ugu horeyn wax ka weydiinay sida uu u arko dhalihii uu u soo jeediyey Badhasaabka Gobolka Awdal Cabdo Axmed Aayar, ayaa ku jawaabay “Anigu Xisbi Mucaarad ah ayaan ka soo jeeda, taladii dalkana gacanta kuma hayo, hawlahan uu sheegayaana Cabdo Axmed Aayar waa hawlo ay sabab u tahay Xukuumaddan uu ka soo jeedo, Somaliland waxa ay jirtaa 24-sanno, Xukuumaddani afartii Sanno ee taladda dalka haysay ayey Jabhado baxeen, dhibaatooyin, dilal, cabashooyin, ayey soo kordheen, masuuliyadii uu isagu lahaa ayuu anigia igu soo riixay, haddii ALLE yidhaahdo, haddii aan kursiga gaadho, markaas ayey ii taala waxa aan ka qaban karayo, balse isaga ayey hadda u taala hawsha uu aniga igu sii raxay”
Axmed Muumin Seed ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi ”Qabsoomidii Doorashaaada wakhti kooban ayaa inooga hadhay, laakiin anaga Xisbi ahaan waxa aanu is leenahay haddii ay Xukuumaddu u guntato, Madaxweynuhuna daacad ka noqdo, oo Madaxweynuhu fuliyo balantiisi ahayd inay Doorashadu dhacayso, oo aanu Maalin ku dari doonin, Doorashadu wey dhacaysa, madaama uu isagu yahay hogaamiyihii dalka, anaguna waanu ku kalsoonahay inay Doorashadu dhacayso oo laga gaadhsiin karo haddii daacad loo noqdo” Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa mar aanu waxa ka weydiinay haddii ay Doorashadu dib u dhacdo, waxa u qorsheysan, waxaanu ku jawaabay “Qarankani waa Qaran muddo badan Doorashooyin soo galay, Doorashaduna maaha sida ay hadda wado Xukuumaddani, oo waxa nasiib daro ah in Madaxweynaha oo balanqaaday inay Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, in Wasiiro ay mar walba ka daba hadlayaan oo hadalkii Madaxweynaha beeninaya, oo leh muddo kordhin ayaa Madaxweynaha loo sameeyn karaa, Doorashaduna dib ayey u dhici kartaa, waxana u arkaa in Xukuumaddani ku tumanayso nidaamkii Dawladnimada, anagu diyaar ayaanu u nahay inay Doorashadu dhacdo, laakiin haddii ay dhici weydo labadayda Xisbi Mucaarad WADDANI iyo UCID, hore ayaanu go’aan ugu soo saarnay, go’aankaas aanu soo wada saarnayna wax iska bedelay ma jiraan, waxaana ku heshiinay in haddii Xukuumaddani Doorasho qabsan weydo xilligii loogu talagalay, in aanu ka tashan doono Xukuumaddan, oo aanu sameeyn doono ciddii daadin lahayd dalka”.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo aanu waxa ka weydiinay sida uu u arko Tabashadii Odayasaha reer Awdal ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha ayaa ku jawaabay “Odayaashu sifo Sharci ah oo wanaagsan ayey u gudbiyeen wixii ay tabayeen Gobol ahaan, illaa haddana jawaab sax ah oo waafiya ma hayaan, waxaana ka xumahay in dadku siyaabo kale duwan jawaab u qaataan, Odayaashu ilaa hadda waxa jawaab ah ma hayaan, balse Madaxweynaha ayey balanqaadka ka sugayaan, ee haddii uu qancin waayo dalku Doorasho ayuu galayaa ee cidii taladda dalka qabta ayey la xaali doonaan”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured