Markabka Iyo Hubkii Saarnaa Oo Maanta La Sii Dayey Iyo Nuxurka Warqad Ay Dawlada Suudaan U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Oo Sababtay Sii Dayntiisa

0
Tuesday February 03, 2015 - 17:46:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markabka Iyo Hubkii Saarnaa Oo Maanta La Sii Dayey Iyo Nuxurka Warqad Ay Dawlada Suudaan U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Oo Sababtay Sii Dayntiisa

    DAAWO SAWIIRADA SAXDA AH EE MV SHAAKIR>Markabka Iyo Hubkii Saarnaa Oo Maanta La Sii Dayey Iyo Nuxurka Warqad Ay Dawlada Suudaan U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Oo Sababtay Sii Dayntiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAAWO SAWIIRADA SAXDA AH EE MV SHAAKIR>Markabka Iyo Hubkii Saarnaa Oo Maanta La Sii Dayey Iyo Nuxurka Warqad Ay Dawlada Suudaan U Soo Dirtay Madaxweyne Siilaanyo Oo Sababtay Sii Dayntiisa
Hargeysa (Xogreebnews.com_Dawladda Somaliland ayaa la filayaa inay maanta sii dayso markabkii lagu qabtay hubka iyo qalabkii milateri ee saarnaaba, ka dib markii xafiiska madaxtooyada ee dalka Suudaan uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo dirtay dhambaal uu kaga hadlayo hubka ku xayiran Berbera ee lagu qabtay markabkan shixnadda milateri siday.
Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in toddobaadkan uu madaxweyne Siilaanyo soo gaadhay dhambaal uu si toos a u soo diray xafiiska Madaxweynaha Suudaan Md. Cumar Al-Bashiir, kaas oo ay Suudaan kaga hadlayso hubka markabka lagu qabtay iyo meesha uu u socday. Warku uu Geeska Afrika helay waxa uu sheegayaa in dawladda Suudaan, ay ka codsaday Madaxweyne Siilanyo in loo sii daayo hubkaas oo ay sheegeen inuu yahay hub loo wado carwo lagu qabanayo wadanka Imaaraadka Carabta, si loo dhigo carwo wax-soo-saarka hubka ah oo lagu soo bandhigayo dalkaas, iyadoo intaas ku dartay in aanu hubku ahayn hub ganacsi amaba mid cid gaar ah loo waddo. Sidaa awgeed dowladda Suudaan wax ay dhambaalkeedan ku codsatay in hubkaas loo sii daayo si aanu wakhtiga bandhiga hubka uga dhicin.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in isagoo ka jawaabaya codsigaas dawladda Suudaan uu go’aamiyay in markabka iyo hubka uu sidaba la sii daayo mar haddii ay dawladda Suudaan caddaysay inay hubka leedahay islamarkaana uu yahay mid carwo lagu soo bandhigayo. Waxaana la filayaa in maanta ay xukuumadda Somaliland fasaxdo markabkaas iyo hubka saaranba.
Arrintani waxa ay timid iyada oo ay shalay idaacadda BBC Soomaali sheegtay in maxkamadda magaalada Berbera ay markab ku ridday xukun ganaax lacageed ah, iyada oo ku sababaysay in uu ahaa markab ganacsi rayid ah oo hub siday, laakiin warkan sii deynta oo isagu xalay soo baxay ayaan la hubin in uu xukunkaas maxkamadda saamayn doono. Sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaa dejisay hubkii markabkaas saarnaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured