"Anagu (Xukuumadda) cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorashada doonaya ayaanu nahay, haday farsamadu qaloocato oo ay qabsoomi waydana Umadda ayaanu la mid nahay."Wasiirka Duulista JSL Md, Maxamuud Xaashi Cabdi.

0
Monday February 02, 2015 - 08:17:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Anagu (Xukuumadda) cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorashada doonaya ayaanu nahay, haday farsamadu qaloocato oo ay qabsoomi waydana Umadda ayaanu la mid nahay."Wasiirka Duulista JSL Md, Maxamuud Xaashi Cabdi.

    Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Waraysi Uuu kaga hadlay arrimo badan Siiyey Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa Talafishanka Universaltv.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Waraysi Uuu kaga hadlay arrimo badan Siiyey Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa Talafishanka Universaltv. ka boqo Qaar ka mida su'aalihii Wasiirka ka waydiiyey iyo Jawaabihii uu ka bixiyey Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa Waraysi Uuu kaga hadlay arrimo badan Siiyey Barnaamijka Milicsiga Siyaasiga ee ka baxa Talafishanka Universaltv.
ka boqo Qaar ka mida su'aalihii Wasiirka ka waydiiyey iyo Jawaabihii uu ka bixiyey
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi mar la waydiiyey wixii u qabsoomay mudadii uu wasiirka ka ahaa Wasaaradda Duuulista Somaliland ayaa waxaa uu yidhi:-

“Runtii waxa aan rumaysanahay Xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee anigana uu ii igmaday in aan ka kaaliyo dhinaca Hawada, Duulimaadyada iyo Gaadiidka Cirka oo marka si kale loo dhigo maamulka madaarada Wasaaradani shaqada ugu weyn ee ay qabataa waa maamulka madaarada, aniga oo xaqiijinaya himiladii madaxweynaha dardaarankiisii hankii maamulkiisa, balan qaadyadii umadda aanu u sheegnay wax badan ayaanu xaqiijinay ee isbadal weyn oo bulshadu ka markhaati kacayso ayaa maanta ka qabsoomay garoomadeena, gaar ahaan labada garoon ee waaweyn ee caalamiga ah Hargaysa iyo Berbera oo runtii ah kuwa udub dhexaadka u ah garoomadeena, maanta garoonkan aynu joogno ee Cigaal International Airport wuxu ahaa garoon yar oo laga sameeyo duulimaadyo maxali ah la dhisay snadkii 1958 loogu talo galay diyaaradihii wakhtigaa dunida ka duuli jiray, garoon marka la dhisaayo waxaa loogu tallo galaa diyaaradaha xiligaa iyo ilaa toban sano kadib kuwa la isticimaali doono, Somaliland xiligaa qurbojoog ma lahayn dadkeenu xoog maal debadeed ma lahayn markaa garoonka noocaasa ahaa ayaanu la wareegnay oo burburay daamurkii dhamaaday oo Jabuuti Diyaarado yaryari ay ka yimaadaan kuwaa marawaxadaha leh ee Ruushka ahi, waynu ku soo caano maalnay runtii dabeedna hankayagu wuxu ahaa in aanu garoonkan ka dhigno garoon caalami ah oo Diyaarado waaweyni yimaadaan ee la yidhaado Jedka, maantana himiladayadii waanu xaqiijinay garoonkii waxaanu saarnay dib ayaanu u kabnay, burburkii ayaanu ka bi’inay laba leeyar ayaanu saarnay labdiisii kiiloomitir iyo badhkiisii 2.5KM hore maantana waxaanu ku daraynaa ilaa iyo hal kiiloomitir iyo dheeraad dhabadkiisa, wuxuu noqondoonaa Runway-da Geeskan Africa ugu waaweyn terminaaladii ayaanu kordhinay dhinicii amniga ayaanu kor u qaadnay oo maanta Security-ga garoonkeenu kuwa madaarada caalamiga ah ayuu la mid yahay, waa layna xaqiijiyey oo dhamaan dunida oo dhami waxa ay ku qanacsan tahay shandada Hargaysa laga soo baadho in aan dib loo baadhayn ,waxaanu wax ka badalnay dhinicii amaanka iyo bad qabka Diyaaradaha, darajada 2-aad ayuu ahaa madaarkani maantana darajada 9-aad ayuu marayaa, waad garan kartaa 7 darajo oo caalami ah ayuu afar sano gudahood kacay, maaha faan iyo been iyo wax dadka lagu harawsado,”

Wasiirka mar la weydiiyey su’aal ahayad in ay iyagu ka wasaarad ahaan ama ka xukuumad ahaan qiimayanta samaysteen waxa uu yidhi sidan:-

“waxaana qiimaysay Hay’adda Duulimaadyada Qaramada midoobay u qaabilsan ayaa qiimaysay,daraasado ayey sameeyeen Diyaaradaha waaweyan ee caalamiga ah sida Turkish Airline , Fly Dubai, Kenyan Airways, dhamantood waxa ay ka markhaati kaceen qiimayantii ICAO in ay sax ahayd, waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha garoonkan ku soo kordhay sadex iyo toban kiiloomiter 13KM oo dad dhistay lana han tiyey oo la degan yahay baanu Xayndaab shabag ah ku xidhnay oo xadaynay sagaal iyo tobakii sano ee Wasaaradda Duulista shaqynaysay ee Somaliland soo jirtay, afartii sano ee Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay jirtay been mahaa intii aanu qabanay lama qaban iyo tii Siyaad Barena lama qaban been mahaa taariikhdaa ka markhaatikici.”
Mar la weydiiyey wasiirka waxa hortaagan in madaarku habeenkii shaqeeyo waxa uu yidhi:-

“ Dhawar bilood kadib ayaanu doonaynaa in aanu habeenkii ka bilawno duulimaadyada laydhkii waanu soo iibinay dawlad ahaan ayaanu ku iibinay, wadanka China ayaanu ka iibsanay waa la soo rarayaaa wuxuu noqondoonaa Garoon maalin iyo habeenba laga duulo waxaanu samayn doonaaa oo aanu hada gacanta ku haynaa goobtii Dabdamiska , Gaadiid waaweyn oo casriya ayaanu keenay shaqaale ayaanu tababarnay Taangi weyn oo kaydka biyaha ah ayaanu samaynaynaa oo aanu Gacanta ku haynaa.”
Wasiirka mar la wediiyey su’aal ahayd , Wuxuu dhawaan Wasiirka Hawada ee Soomaaliya uus heegay inay la wareegayaan hawadii inaga dhaxaysay, maxaad idinku Xukuumad ahaan talaabo aad ka qaadeen arintaa, waxa uu yidhi :-

“ Runtii anaga oo xaqiijinayana ilaalinta qaranimada Somaliland waxaa naga go’an in aan Hawada Somaliland laga xukumin xamar iyo meel kale toona, Soomaliya Qarankii la odhan jiray ee burburay ee kala baaday waa naloo wada maamulaa dhamaantayo hawada Nairobi ayaa laga maamulaa Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan hawada ee ICAO ayaa haysa go’aan ka soo baxay Golaha Amaanka oo 924 la odhan jiray ayaa lagu baas gareeyay xiligii burburku dhacayna iyaga lagu wareejiyey, sidii baanay u hayaan oo ilaa hada gacanta Soomaalida laguma soo celin, anaga mawqifkayaga ICAO waanu u cadayanay, Qaramada midoobayna waanu u cadaynay ma suuroobi karto in hawadayada laga maamulo Xamar, umadda reer Somaliland waanu ku kalsooni galinaynaa waana hadal layska yidhi, way sahalan tahay in hadalo layska yidhaahdaa maalin walba walaaladayo dee waxbay sheegaan, waanu is ognahay isma itaal dhaano, awooda ay kula wareegaana ma laha, haday Qaramada midoobay ku kacado talaabadaana, anaguna waxaanu leenahay Istaraatajiyado aanu xaqiijin doono oo aanu u sheegnay talaabooyinka aanu waliba qaadi doono Qaramada midoobay.”

Wasiirka mar la weydiiyey wada hadaladii socday ee Soomaliya iyo Somalinad heshiisyadii la wada galay madaama anay dhaqanin arimahani maxay macno samayanayaan waxa uu yidhi:
“ horta hadfka ugu weyn ee wada hadaladaa bartilmaamedka u ahi waa maamulka Hawada, sidaynu u wad yeelanaa waxa inaga dhexeeya sidaynu u qaybsanaa wixii hore tagay qaranimadii luntay qaniimadii inaga dhaxaysay ilayn waxa badan ayeynu wada leenahay oo maanta maqane, Safaaradaha iyo hantida dibadda wada taal weynu wada leenahay, may lahayn dee kaligood, waa arimaha imandoona hadaan taa xal laga gaadhin, ismaba furi karaan arimaha masiiriga ahi , arrimaha shirka February aanu Istaanbul ku balan sanahay arrinta muftaaxa u ahi waa arintaa, heshiikii Jabuutina qodobkaa wuu xaqiijinayey, anaga waxaa naga go’an heshiiskii Istanbuul ee Dawladda Soomaliya walaaladayo aanu wad galay in aanu xaqiijino iyaga waxaanu ku heshiinay xaruntaa Hawada laga maamulayaa ee la dhigayo FIR-ka Nairobi yaal in ay Hargaysa noqoto guddi madax banaan oo aanu wada leenahayna maamusho, waxaanu dareensanahay walaaladayo in aanay raali ka ahayn in xaruntaa halkan loo soo raro, walaaladayo waxa ay ku doodaan aan wax wada yeelano, aan isku soo noqono, waxa is wediin le ninka aan ogolayn xafiiskaa aanu ku heshiinay ee nagu aamini waayey FIR aanu gudi madaxbanaan aanu u dhiibanay ee caasimada Somaliland Hargaysa yaala, maxaanu isku aamini karnaa?, dee xamar iigu kaalay anagu raga u laleemayasan ma nihin laakiin raga naga midka ah ee wali midnimada aaminsan ayey u quusgoynaysaaa.”

Wasiirka wasaaradda duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal ku saabsanayd inu ka mid yahay xubno kooban oo aanay Karin seefta isku shaandhaynta ee Madaxweyne Siilaanyo waxaanu yidhi “ Anigu ma qabo sidaas, aniga iyo wasiirada kale midna lama dooran, Madaxweynaha ayaa na magacaabay, isaga ayaa la doortay ana isagaa na doortay, madaxweynuhu isagaa doorashadeeda leh, inuu ninka uu doono daayo, ka uu doonana eryo, waana awoodaha madaxweynaha, sabab ayaanu ku sameeyaa taas, mana qabo inay reernimo tahay, kaligayna maaha Wasiirka aan la badalini wasiiro badan ayaa golaha ku jira oo aan wali la badaldin, oo qaarna Wasaaradihii lagu bilaabay ay joogaan kuwa aanay golaha ka bixin oo wasaarado kuwii hore ka culus loo dhiibay, markaas anigu kali kuma ihi, kuwaasina wasiiro isku reer ah maaha, reernima meesha ma taalo, waa tiim shaqo, dee tiimkaas sida uu madaxweynuhu u kala ciyaarsiinayaa waa hawsha ugu muhiimsan ee hogaamiye qaran u taala, kaftanka iyo dacaayadu way iska furan tahay laakiin maalintii la doono ayaa xilka layga qaadi karaa.”

Wariye Faysal Fadhfadhle ayaa sidoo kalena Wasiir Maxamuud waydiiyey wakhtigii ay ahayn in lagu qabto Doorshada Madaxtooyada oo afar bilood ka hadheen iyo sida aany u muuqan wax diyaar garow ahi, isla markaana ay jiraan Tuhuno qaba in Xukuumadu ay mudo kordhis rabto ayaa waxaanu ku jawaabay Wasiirku “ xaqiiradii hadii aanu anagu nahay xukuumada xisbiga KULMIYE, abaabulka waa laba mid waa kaayga aanu xisbigaya ku dhisanayo oo waanu wadnaa, midna waa wax Doorashada iyo qabsoomideeda nagaga beegan, waxaan is leeyahay anaga wixii nagaga beegaa doorshada waanu diyaarinay, kow labadii doorasho kharashkoodii intii nagaga beegnayd waanu ku tallo galnay, waxa kale oo Miisaaniyada 2015-ka ku jirta kharashka laba diiwaangalinood, oo kala ah diiwaan galinta Madaniga ah oo ah xaqiijinta muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland oo hawsheedu culus tahay, oo qaranimada iyo midnimada dalkeenu ku xidhan tahay, lagu dhiiran kari waayey, beesha caalamkuna ay nagu madiyeysay ayaanu ku dhiiraynay, oo aanu wadnaa, Diiwaangalintii kale ee cod bixiyeyaasha diyaar ayaanu u nahay wixii nagaga beegan, waxa kale oo aanu Faysalow diyaar u nahay wixii Ciidan iyo amaanka ku saabsan, Madaxweynuhuna Guddidii doorashooyinki sidii saxda ahayd ayuu u sameeyey, markaas halka nagala dhaliilayaa ee nalagu haysaa waa maxay ?. ileen anagu doorasho khasab ah ma qaban karnee. Doorshana tuurta kuma sidano, ee waxa samaynaya Komishanka oo dajinaya qorshaha iyo jadwalka wakhtiga ay doorashadu ku qabsoomayso, diyaarna waxaanu u nahay, maxaanu la baqi? Xukuumad wax qabatay oo faanaysa oo foodhyeysa oo tunka la baxday ayaanu nahay, oo maanta meel wal oo madaxweynuhu uu tago lagu soo dhawaynayey, cod i siinaya kaliya kumuu lahayn ee mashruuc ayuu furayey, mashruuc kale uu dhagax dhigayey, kuwii horena waanu rumaynay oo waanu furnay, dadkuna sidaas ayuu noo aaminayaan, Umaddana waadigaa arkayey kalsoonida ay nagu qabto, shacbiyada madaxweynuhu inay cirkaa marayso, taasi waxay calaamad u tahay inaanu doorasho doonayno, haduu fahmi kari waayey raga nala tartamayaa, oo ay iyagu kari kari waayeen waa nasiibkood, anagu kordhis ma rabo ee doorasho ayaanu rabnaa, haday doorashadu farsamo ahaan qabsoomi waydo oo ay dib u dhacdo anagu masuul kama nihin, taasna anaga nalagma caayi karo, rag xalaal mutaystay ayaanu nahay, markaas maxaa buur na saaraya, waxa kale oo taala hadii duruufteedu timaado ee cid ayey u taalaa. ciday taasi u laanaa anaga maaha Golayaal ayeynu u leenahay Dastuurka ayaanay ku taalaa hab sharci ah ayaana loo maraa, Guddida doorashooyinkaa sheega inay doorasha qabsoomi karin ka diba hay’ada ku shaqada leh ayaa loo gubiyaa oo ka go’aan gaadhaya, Doorasho qabsoomi wayda tani ugumay horay Doorashooyin badan ayaan wakhtigoodii ku qabsoomi waayey, Madaxweynahaashii dalka soo maray oo dhan way ku dhacday tani, Madaxweyne Cigaal, Madaxweyne Daahir Rayaale mid aan mudo dhaafin oo aan loo kordhin ma jirin, Dumuquraadiyadeeduna kacaa kufkaas ayey ahayd.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena ka jawaabay aragtida mucaaridka ee ku aadan in Tallo qaran layskugu imaado hadii Doorashadu ay wakhtigeeda ku qabsoomi waydo waxaanu yidhi “ Dastuurka Somaliland-na tallo Qarani kuma jirto, hab Dhaqankeena siyaasiga ah ee aynu soo baranay ee aynu wax ku soo maamuli jirnayna maaha, markaas Madaxweyen la dortay Madaxweyen la doortay ayuubaa baladali kara, waxa kale oo taala Golaheena Wakiiladda ee mudane Cabdiraxmaan Cirro, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ahan Murashaxa Madaxweyne uu hogaamiyo, shan sanadood ayuu mudo dhaaf yahay, maxaa mudadaas loo kordhiyey ee intaas ay doorashadoodu qabsoomi wayday loo kordhinayey maxaa xaaraan ka dhigi waayey ?. dee waxa weeye way qabsoomi wayday oo daruuf Qaran ayaa loo arkay in la kordhiyo, cida kordhinaysaana anaga (Xukuumadda) ama ahayn ee Golaha Guurtida ayuu ahaa, waar dee anagu cida wax kordhisa ma nihin, qolada doonaysana ma nihin, rag tunka la baxay oo doorasho doonaya ayaanu nahay, haday farsadu qaloocato oo ay qabsoomi waydana umadda ayaanu kala mid nahay ,wax gaara oo nalagu nashuushadeeyo ama nalagu caayna noqon mayso ee Somaliland sune iyo dariiq ayey u leedanahay, ragaasna waxaan leenahay waxa mudan inuu caqligu shaqeeyo, oo aynu caadifada ka gudubno.”

Wasiirka Xaashi ayaa sidoo kalena wax laga waydiiyey sida uu u arko in Xubno Wasiiro ahi ay sheegaan inay sharaxan yihiin waxaanu yidhi “Qof kasta oo muwaadin ahi xaq ayuu u leeyahay in waxna doorto, lana doorto inuu han yeesho, gaar ahaan ninka siyaasiga ahi , oo u damac yeesho waxba kama xuma oo ragii Madaxweynaha la soo halgamay ee garbihiisa ahaa, ee saaxiibadii ahaa inay han yeeshaan anigu xumaan uma arko, Madaxweynuhuna mar labaad ayuu xaq u leeyahay, waana murashax, waanu cadeeyey xitaa Gudoomiyaha Xisbigu waakii cadeeyey inuu Madaxweyuhu yahay murashaxa kaliya ee KULMIYE, cida tidhi Madaxweynaha dabadii ayaan murashaxiin nahay, waxaan qabaa waa hana iyo himiladu waa sax, ragaas waan ku ammaanayaa in ay han yeeshaan, laakiin malaa wadada loo marayo ayuubaa la dhaliilayaa, in madaxwyenah oo taladii haya ole-ole la bilaaba ma haboona,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured