Dadweynaha Reer Burco Oo Ka Qayliyay Shirkadda Tiens Oo Burco Dhaqaale Urursi Ka wadda , Masuuliyiinta Burco Taageersanyihiin..

0
Monday February 02, 2015 - 08:04:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweynaha Reer Burco Oo Ka Qayliyay Shirkadda Tiens Oo Burco Dhaqaale Urursi Ka wadda , Masuuliyiinta Burco Taageersanyihiin..

    Burco-(xogreebnews.com-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aan Culimadda reer Burco iyo aqoonyahanku ka soo saareen Kooxo maafiyo ah oo la yidhaado Tiens ,kuwaasi oo sifo aan la garana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco-(xogreebnews.com-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aan Culimadda reer Burco iyo aqoonyahanku ka soo saareen Kooxo maafiyo ah oo la yidhaado Tiens ,kuwaasi oo sifo aan la garanayn dhaqaale urursi Burco uga waday mudooyinkii u danbeeyay. Burco-xogreebnews.com-Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aan Culimadda reer Burco iyo aqoonyahanku ka soo saareen Kooxo maafiyo ah oo la yidhaado Tiens ,kuwaasi oo sifo aan la garanayn dhaqaale urursi Burco uga waday mudooyinkii u danbeeyay.
Sidoo kale dadweynaha reer Burco ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay gaar’ahaan Wasaaradda arimaha gudaha in ay albaabadda u laabaan Shirkadani oo dawooyin aan wasaaradda Caafimaadka soo marin dadka siisa ,dabadeed-na lacago ka qaadata ,isla markaana tidhaada debedaha ayaanu idiin dhoofinaynaa.

Cabdiraxiin Axmed Maxamed oo arintan ka hadlaaya ayaa yidhi “ Anigoo ku hadlaaya afka dhalinyaradan xaafadda Abudaby ee Burco ,waxaanu ka soo horjeed-naa kooxaha Tiens ,oo magaalada keenta daawooyin aan la garanaynin oo dadka ka iibinaaya ,waxaananu taageeraynaa baaqii culimadda gobolku ku baaqeen in Shirkadda gabi’ahaanba la xidho.
Cabdilaahi Xuseen oo isna ka mid ah dadweynaha reer Burco ayaa yidhi “ waxaanu aad iyo aad u taageeraynaa barnaamijka Culimadda gobolka Togdheer ay ku baaqeen in bulshadda laga qabto dadka dawooyinkaa aan la garanayn iibinaaya ee Tiens loo yaqaan ee Burco xafiisyadda ku leh kuwaasi oo dadka xiitaa lacago ay ku sheegeen in ay dhoofinayaan ka qaata ,mida kale Shirkadani waxa u shaqeeya oo Burco lagu arkay dad dhaqan xumadda faafiya oo xaafadaha magaalada wada yaqaanaan ”.
Geesta kale Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa Sheer kula jira Shirkadda Tiens ,waxaanu dhawr jeer xabsiga Burco ka sii daayay Masuuliyiin Shirkadani ka tirsan oo xabsiga loo taxaabay ,waxaanu albaabada u furay xafiisyo laga xidhay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured