Xukuumadda oo Shalay Xabsiga ku Gurtay Dad rayid ah oo Hudheel Xaflad ku Dhiganayey Iyo Xisbiga WADDANI oo Cambaareeyey

0
Monday February 02, 2015 - 08:01:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 848
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo Shalay Xabsiga ku Gurtay Dad rayid ah oo Hudheel Xaflad ku Dhiganayey Iyo Xisbiga WADDANI oo Cambaareeyey

    Hargeysa(xogreebnews.com-Booliska Caasimada Hargeysa oo kaashanaya kuwa ka hortaga Rabshadaha iyo la dagaalanka Argagixisada ee RRU-da iyo SPU-da loo yaqaano, ayaa arroornimadii shalay ku dhex dhaxay Xaflad socotay Hudheelka Emperial ee Magaalada Har

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Booliska Caasimada Hargeysa oo kaashanaya kuwa ka hortaga Rabshadaha iyo la dagaalanka Argagixisada ee RRU-da iyo SPU-da loo yaqaano, ayaa arroornimadii shalay ku dhex dhaxay Xaflad socotay Hudheelka Emperial ee Magaalada Hargeysa oo ay Koox Ciyaartoo ahi ugu Hargeysa(xogreebnews.com-Booliska Caasimada Hargeysa oo kaashanaya kuwa ka hortaga Rabshadaha iyo la dagaalanka Argagixisada ee RRU-da iyo SPU-da loo yaqaano, ayaa arroornimadii shalay ku dhex dhaxay Xaflad socotay Hudheelka Emperial ee Magaalada Hargeysa oo ay Koox Ciyaartoo ahi ugu dabaal-degayeen sanad-guuradoodii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaska Kooxda, kaddibna xabsiga u taxaabay dad gaadhaya boqol qof oo ku sugnaa Hoolka Munaasibadu dhacaysay.
Dhalinyarada la xidh-xidhay Munaasibada qabsanayay oo mid ka mid ah kooxaha kubadda ee ka dhisan Gobolka Maroodi-jeex, gaar ahaan kazoo jeedda Degmada Gacan-libaax, magacoodana la yidhaahdo FC Duufaan, ayaa sidoo kale waxa boolisku xidh-xidheen Waalid iyo dad kale oo ka mid ahaa Marti-sharaf Xaflada ku sugnaa oo ay ku jiraan Dad waayeel ah, kuwaasoo lagu daray dhalinyaradii Xaflada laga qab-qabtay.


Dadka Xaflada laga hujuumay, ayaa markii ay boolisku ugu soo galeen hoolka, waxa loo dareeriyey dibada Hudheelka, halkaasoo Beerka Dhulka loo saaray daqiiqado, kaddibna waxa lagu qaaday Gawaadhida u gaarka ah ee Maxaabiista ee Booliska oo lagu kala geeyay dhowr Saldhig oo ku kala yaalla Xaafadaha Magaalada, sida ay Wargeyska Yool u sheegeen xubno ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha Munaasibada dadka lagu xidh-xidhay.

“Iyadoo loo diyaar garoobayo Xafladii oo dadkii yimaadeen ayuunbaa mar qudha Ciidan meeshii qabsaday sidii ay Argixisadii aduunku soo gashay”sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadweynihii Munaasibada ku sugnaa oo wariyeyaasha la hadlay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska oo la xidhiidha dhacdadan lagu fuliyey howl-galka lagu qab-qabtay Dhalinyarada xafladaysanaysay iyo waalidiintooda, hase ahaatee warar aan rasmi ahayn oo laga soo xigtay Saraakiisha Booliska ayaa tilmaamaya inay boolisku ku Kooxdameen Kooxdan oo ay isku magac yihiin dhalinyaro ku can-baxday rabshad-wadeyaal iyo falalka budhcadnimo oo habeenkii xaafadaha qaar ay ka geystaan.
Wararka kale oo taas ka duwan, ayaa sheegay in Kaadhadhka Marti-qaadka Xaflada ay ku sameeyeen Dhalinyaradu ahaayeen Huruud u shabahaya Midabka Calanka Xisbiga Waddani, isla markaana ka qayb-galeyaasha Munaasibada ay ku jireen xubno Xisbigaas ka tirsan oo ay xukuumaddu aad u qaniinsantahay. Sidaas darteed baahinta xafladu ahayd qorshe siyaasaddeed oo Ciidanka loo adeegsaday.
geesta kale, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, oo ka qayb-gelayay Xaflada Ciidanku galalafey, ayaa si kulul u dhaleeceeyay talaabada lagula kacay Dhalinyarada iyo dadka kale ee Munaasibada laga xidh-xidhay oo xalay fiidkii xoriyadoodda loo soo celiyey, kaddib markii ay xidhnaayeen ilaa sagaalkii Subaxnimo ee shalay.
Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa intaas ku daray inay Saraakiisha taliska Booliska kala hadleen sidii xoriyadooda loogu soo celin lahaa, sida ay GNA u sheegtay Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ahayd dadkii ka howl-galay sidii dadkan sabab la’aanta lagu xabisay looga furdaamin lahaa Booliska.

Faadumo Siciid ayaa sidoo kale cambaareysay gabood-fallada noocan ah ee lagula kacayo Dhalinyarada, waxaanay ku tilmaantay “waxaan u aragnaa talaabo dhalinyarada lagaga hor-istaagayo inay Kubbada Ciyaaraan oo ay xaflado dhigtaan oo ay kaga medadaashaan shaqo la’aanta iyo Tahriibka. Waxaan u aragnaa in la doonayo in cabsi darteed dhalinyarada looga joojiyo inay Kubbada Ciyaaraan, taasina waxay abuuraysaa kacdoon Qaran iyo fowdo” ayay sii raacisay.
Sidoo kale, Yoonis Axmed Yoonis oo ku hadlayay Afka Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani, ka mid ahaa marti-sharaftii Xaflada lagu casuumay, ayaa dhacdadan ku sifeeyay xad-gudub aan looga baran Ciidamada Ammaanka, ugub-na ku ah howl-galada laamaha nabad-gelyada “aad iyo aadbaanu cambaareynaynaa dadkaa sida xun loogu xad-gudbay ee dhalinyarada ah, ee xafladii ay samaysteen iyo Hudheelkii ay Kiraysteen inta loogu yimi xabsiyada loo qaybiyey”. Ayuu yidhi Yoonis.
Booliska Caasimada Hargeysa ayaa howl-gal ay ku qaadeen garoon kubbada lagu ciyaaro khamiistii la soo dhaafay, waxay toogasho ku dileen Wiil dhalinyaro ah, mid kalena geystay Dhaawac u geystay, kaddib markii iska hor-imaad dhex maray Ciidanka iyo Dhalinyaro Kubbad dheelaysay oo shiid kala hor-yimi howl-galka lagu qaaday, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Boolisku



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured