Hooyada Dhashay Wariyihii Reer Japan Ee Daacish Qoorta Ka Jartay Oo Sheegtay In Waxa Soo Gaaray Aan La Qiyaasi Karin

0
Sunday February 01, 2015 - 17:44:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyada Dhashay Wariyihii Reer Japan Ee Daacish Qoorta Ka Jartay Oo Sheegtay In Waxa Soo Gaaray Aan La Qiyaasi Karin

    Hargeysa(xogreebnews.com_Junko Ishido oo ah hooyada dhashay Suxufigii reer Japan ee Dowladda Khilaafada Islaamka qoorta ka jartay, ayaa waxay si murugo badan leh ay kaga hadashay tallaabada guracan, ee wiilkeeda lagu dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Junko Ishido oo ah hooyada dhashay Suxufigii reer Japan ee Dowladda Khilaafada Islaamka qoorta ka jartay, ayaa waxay si murugo badan leh ay kaga hadashay tallaabada guracan, ee wiilkeeda lagu dilay. Hargeysa(xogreebnews.com_Junko Ishido oo ah hooyada dhashay Suxufigii reer Japan ee Dowladda Khilaafada Islaamka qoorta ka jartay, ayaa waxay si murugo badan leh ay kaga hadashay tallaabada guracan, ee wiilkeeda lagu dilay.

Saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa barraha Internet-yada la soo dhigay muuqaal Video ah oo muujinaaya, iyadoo nin ka tirsan Dowladda Khilaafada Islaamka uu qoorta ka jaraayo Wariyaha reer Japan.

Wariyaha oo lagu magacaabo Kenji Goto, ayaa bishii October ee sanadkii tagey u gacan-galay Daacish, waxaana maalmihii ugu dambeeyay soconaayay dadaalo ay waday Dowladda Japan, sidii uu xoriyadiisu dib ugu heli lahaa.


Hooyadaan oo Saxaafadda kula hadashay Magaalada Tokyo ee Xarunta Japan, ayaa sheegtay in khasaaro xun ay soo gaarsiisay Dowladda Khilaafada Islaamka, xilli ay sheegtay in wiilkeeda aanu geysan wax dembi ah, isla-markaana la dhadhansiiyay ciqaab aanu xaq u lahayn.

Hooyadu waxay sheegtay in Dowladda Khilaafada Islaamka ay ka codsatay inaanay waxyeelo u geysan wiilkeeda, haddii aanu jirin cid uu dembi ka galay, laakiin aan taasi laga dhageysan, oo qoorta laga jaray, sida ay tiri.

Junko Ishido, ayaa Warbaahinta ka soo muuqatay iyadoo ooyneysa, isla-markaana laga dhadhansan karay sida ay kaga tiiraanyootay tallaabada dunida looga musaafuriyay wiilkeedii.

Junichi Goto oo la dhashay Wariyaha lagu dilay dalka Suuriya, ayaa sheegay in walaalkii uu u rajeynaayay inuu dalkiisa ku soo laabto, isagoo nabad-qaba.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured