Equatorial Guinea Oo Iska Xaadirisay Wareega Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika, Iyada Oo Tunisia Waqtiga Dheeriga Ah Ku Garaacday

0
Sunday February 01, 2015 - 01:42:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Equatorial Guinea Oo Iska Xaadirisay Wareega Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika, Iyada Oo Tunisia Waqtiga Dheeriga Ah Ku Garaacday

    Equatorial Guinea Oo Iska Xaadirisay Wareega Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika, Iyada Oo Tunisia Waqtiga Dheeriga Ah Ku Garaacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Equatorial Guinea Oo Iska Xaadirisay Wareega Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika, Iyada Oo Tunisia Waqtiga Dheeriga Ah Ku Garaacday

Xulka qaranka marti galinya koobka qaramada Afrika ee Equatorial Guinea ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka tartanka koobka qaramada Afrika. Tunisa oo goolka ku horaysay ayuu garsooraha ciyartu daqiiqadiihii dhamaadka ciyaarta xulka Equatorial Guinea ku abaal mariyay redhoodhe aan sax ahayn taas oo keentay in ciyaarta waqti dheeri ah lagu daro. Equatorial Guinea ayaana waqtiga dheeriga ah la timid goolka ay guusha ku gaadhay.DR Congo iyo Equatorial Guinea ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka.123

Xulalka qaramada Equatorial Guinea iyo Tunisia ayaa iskaga horyimid kulan ka tirsanaa wareega sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika. Xulka qaranka marti galinaya koobka qaramada Afrika ee 2015 ee Equatorial Guinea ayaa doonaysay inay iyada oo ka faa’iidaysanaysa ciideeda hooyo guul ka gaadho Tunisia isla markaan ay u soo baxdo wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika.

Tunisia oo dardar fiican intii uu tartankani socday soo bandhigtay ayaa iyaduna diyaar u ahayd inay tigidhka u goosato afar dhamaadka tartanka koobkan qaramada Afrika. kulankan oo ahaa mid aad u adag ayay qaybtii hore ciyaarta Tunisia gacanta sare lahayd balse waxay ku guuldaraysatay inay wax gool ah la timaado.tunis

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Tunisia halkii ka sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa, daqiiqadii 51 aad ayuu Chikhaoui ku sigtay inuu xulka qarankiisa Tunisia u dhaliyo goolka furitaanka balse goolhayaha E.Guinea ayaa ka beeniyay.

Kadib markii ay fursado badan iska qasaariyeen ayay Tunisia daqiiqadii 70 aad la timid goolka ay hogaanka kula wareegtay, waxaana goolkaas usaxiixayAhmed Akaichi, kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Tunisia hogaanka ciyaarta kula wareegtay.tunisa1

Daqiiqadii 82 aad ayay Equatorial Guinea heshay fursad dahabi ahayd oo ay ku dhashan kari lahayd goolka barbaraha.Nsue ayaa goolka Tunisia kubbad kula soo baxay laakiin waxaa fursadaa ka badbaadiyay goolhayeAymen Mathlouthi.

Daqiiqadii markii waqtiga rasmiga ah ee ciyaartu dhamaaday ee ciyaarta lagu daray shan daqiiqo oo dheeri ah ayay ciyaartu waji kale yeelatay kadib markii garsooraha ciyaartu uu rekoodhe ku baal mariyay Equatorial Guinea, waxaana rekoodhahaas gool u badalayJavier Balboa, kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.

Garsooraha ayaa rekoodhan dhigay kadib markii uuHamza Mathlouthi xerada ganaaxa Tunisa ku cidhiidhyay Bolado kaas oo isaguna iyada oo aan la taaban istuuray isla markaana rekoodhe aan sax ahayn lagu abaal mariyay. Si labadan qaran loo kala saaro ayaa ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah.12

Daqiiqadii 102 aad ee waqtiga dheeriga ah ayuuJavier Balboa xulka qarankiisa udhaliyay gool laaga xorta ah ku yimid oo layaableh, wuxuuna markan ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Equatorial Guinea markeeda hogaanka kula wareegtay.ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:1 ay guushu ku raacday E.Guinea isla markaana uu xulka marti galinaya koobka qaramada Afrika uu ugu soo baxay wareega afar dhamaadka tartankan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured