DR Congo Oo U Soo baxday Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika, Kadib Guul Layaableh Oo Ay Soo Laabasho Kaga Gaadhay Congo

0
Saturday January 31, 2015 - 22:31:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DR Congo Oo U Soo baxday Afar Dhamaadka Koobka Qaramada Afrika, Kadib Guul Layaableh Oo Ay Soo Laabasho Kaga Gaadhay Congo

    Xogreeb Spors-Xulka qaranka DR Congo ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay guul layaableh oo soo laabasho ay ka gaadhay xulka qaranka Congo oo laba gool kaga hormaray qaybtii danbe ee ciyaarta. DR Congo ayaa l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogreeb Spors-Xulka qaranka DR Congo ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay guul layaableh oo soo laabasho ay ka gaadhay xulka qaranka Congo oo laba gool kaga hormaray qaybtii danbe ee ciyaarta. DR Congo ayaa laba gool oo ay

Xulka qaranka DR Congo ayaa u soo baxay wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay guul layaableh oo soo laabasho ay ka gaadhay xulka qaranka Congo oo laba gool kaga hormaray qaybtii danbe ee ciyaarta. DR Congo ayaa laba gool oo ay Congo ka hormartay ugu sariftay afar gool oo darandoori ah, sidaana waxay boos kaga heshay wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika.congo1

waxaa dalka Equatorial Guinea ka bilawday wareega sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika, waxaana kulan xiiso badan iskaga hor yimid labada wadan ee ee Congo iyo DR Congo. Kulankan ayaa ahaa mid adag oo xiiso badan isla markaan ay labada xul qaran ku soo bandhigeen ciyaar xamaasadleh. Labadan xul ayay ka go’nayd inay u soo baxaan wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika. labadan xul qaran ayaana qaybtii hore ee ciyaarta wax goolal ah iska dhalin waxaana lagu kala nastay barabro gool la’aan ah.

Qaybtii danbe ee ciyaarta markii layskugu soo laabatay ayay ciyaartu noqotay mid xamaasadeedu cirka isku shareertay. Congo ayaa daqiiqadii 55 aad heshay goolka ay ciyaarta hogaanka ugu qabatay waxaan u dhaliyayFérébory Dore kaas oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ayt Congo hogaanka kula wareegtay.

Markale ayay Congo daqiiqadii 62 aad la timid goolka labaad waxaana markan goolka u dhaliyay Thievy Bifoum, kaas oo markiisa ciyaarta ubadalay 2:0 ay Congo hogaanka ku dheeraysatay. waxay umuuqatay in DR Congo ay halis ku jirto isla markaana ay Congo u soo baxayso wareega afar dhamaadka.congo

Laakiin DR Congo ayaa ka dagaalantay labada gool ee ay kaga horymartay Congo, waxayna goolkeeda kowaad la timid daqiiqadii 65 aad waxaana goolkeeda kowaad u dhaliyay Mbokani, kaas oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay wali Congo ciyaarta ku hogaaminayso.

DR Congo ayaa sii laba jibaartay dadaalkeeda, waxaana daqiiqadii 75 aad goolka barbaraha u dhaliyayLoteteka Bokila, ciyaarta ayaana noqotay barbaro 2:2 ah. Congo ayaa u muuqatay inay kalsoonidu ka luntay taas oo keentay in daqiiqadii 81 ay DR Congo markeeda ciyaarta hogaanka u qabato waxaana goolkaas u dhaliyayJoel Kimwaki kaas oo goolka ciyaarta ugu gadiyay 3:2 ay DR Congo markeeda hogaanka ku qabatay.

Daqiiqadii 90 aad ee dhamaadka ciyaarta ayuuMbokani xulka qarankiisa DR Congo udhaliyay goolka dhulka ku sii jiiday Congo oo laba gool ciyaarta ku hogaaminaysay daqiiqadii 62 aad.


DR Congo ayaana soo bandhigtay ciyaar layaableh oo la rumaysan waayay.ciyaarta ayaana ku dhamaatay 4:2 ay DR Congo guushu ku raacday isla markaana ugu soo baxday wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured