Khilaaf Waji Badan oo Ka Dhex Qarxay Wasiirka Cukuse iyo Agaasime-Waxeedyo Wasaaradda Warfaafinta Ka Tirsan.

1
Saturday January 31, 2015 - 20:25:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Waji Badan oo Ka Dhex Qarxay Wasiirka Cukuse iyo Agaasime-Waxeedyo Wasaaradda Warfaafinta Ka Tirsan.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Khilaafka ayaa waxa uu ku bilaab-may markii agaasimaha idaacadaha wasaaradda warfaafinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf uu dhawaan su’aalo weydiiyey koox wasiiro ah,oo uu wasiir Cukuse iskugu yeedhay hoolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Khilaafka ayaa waxa uu ku bilaab-may markii agaasimaha idaacadaha wasaaradda warfaafinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf uu dhawaan su’aalo weydiiyey koox wasiiro ah,oo uu wasiir Cukuse iskugu yeedhay hoolka

Hargeysa(xogreebnews.com-Khilaafka ayaa waxa uu ku bilaab-may markii agaasimaha idaacadaha wasaaradda warfaafinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf uu dhawaan su’aalo weydiiyey koox wasiiro ah,oo uu wasiir Cukuse iskugu yeedhay hoolka wasaaradda si ay u qabtaan barnaamij guul-wadeysan,iyadoo uu Xasan Maxamed Yuusuf weydiiyey kooxadii wasiiradda ahaa,su’aal ahayd ,idinka mudo intee leeg ayaa la idiin damaanad qaaday inaad wasiiro ahaaneysaan?

Hase ahaatee, su’aashaasi waxay ka xanaajisay wasiir cukuse oo ugu jawaabay adigu maan gab ayaad tahay ee waxba kaaga jawaabi mayno,inta kadib markii barnaamijku dhamaaday ee dibadda loo soo baxay ayaa ninkii Cukuse laga qaban kari waayey Xasan Maxamed Yuusuf. balse kooxdii kale ee wasiirada ahayd ayaa ka sasabay,ilaa maalin-tiina wax-wada shaqeyn ahii ma dhax-marin agaasimaah idaacadaha iyo wasiir Ebolw?

Khilaafkaasi oo hal-kaasi maraya ayaa waxa kale oo uu khilaaf cusubi ka dhex qarxay Wasiir Cukuse iyo Faysal Fadhfadhle oo ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda isla markana ka mid ah wariyaayasha ugu waaweyn dalka ee ru cadaaga ah isla markaana ah macaalin weyn oo haysta wax-da tababarka wasaarada warfaafinta.

Hadaba marka, laga yimmaada khilaafka wasiirka iyo agaasime waaxeed-yada waxa kale oo jiraa dagaal hor leh oo dhowaan ka dhex bilow-day dhinaca beesha oo ay kasoo wadaa jeedan wasiirka iyo labada agaasime, kaaso, ku saabsan kaddib markii uu dhowaan Gudoomiyaha xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe sheegay in Beesha ciida-gale ayna wasiir lahayd sidaasi marka uu sheegay Eng Faysal Ali Huseen ayaa waxa jirey guux ballaadhan oo dhinaca beesha.

Dhan kale, wasiir Ebole ayaa dhawaan sii fool xun ula dhaqmay qaar ka mid ah shaqaale weynaha wasaarada kaddib markii uu sii Jees jees ah uu qaar ka mid ah weriyaasha Ruug cadaaga ah ee wasaarada jooga iyo Farsamo yaqaanno u ugu hanjabay , inuu shaqadi ka caydhin doono waxana uu wasiir oo wajigiisu bedelan yahay waxa uu sii qawan uu af-lagaadeeyey agaasimaha wasaarada iyo dhamaan shaqaale weynha wasaarada jooga.

Wasiir ayaa lagu lagu yaqaana anshax xummo iyo faro gelin joogta ah oo uu kula dhaqmo cid walba oo wasaarada joogta,waxana hore faro-gelin uu ku sameeyey Maareeyaha Tv-ga Dawlada Khadar Cali Gaas soo dhex gashay madaxtooyada kaaso wasiir Ebole lagaaga Gar Helay. Arrimahan astaanta u ah wasiirka ayaa kuwo mar walba soo noqnoqda waxana ay shaqaalaha wasaaraddu uu yaqaanan fidmo aan fadhiyi kari faro-gelin la’aan.

Isku soo wadaa duubo waxaa murankan iyo dagaalkan ka dhex-qarxay wasiirka iyo agaasima waaxeed-yada ayaa noqo-naaya mid ka immanaya cabaashada xagga beesha oo ay labada agaasime waaxeed kasoo wadaa jeedan taaso beeshinu ber yahanba ay kaaso guuxaysa saami al’aan ay sheeganayaan taaso wasiirkani ka qanci kari la”yahay isaago ku fadhiya saamiga beeani hada ka cabaneyso.

Qalinkii

Cabdi cassiis Bashiir Nuur

Tel: 414434

Enfo@xogreebnews.com

Hargeysa/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured