Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo kormeer ku sameeyey bilowga dhamaystirka Wajiga labaad ee balaadhinta Dhabada dayuurahadaha ee Madaarka Cigaal
“ Runtii waxaanu maanta aad ugu faraxsanahay in balaadhintii gagada diyaaradaha Madaarka Cigaal wajigii u danbeeyay maanta la bilaabay " Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.
“ Xukuumadduna ay kharash weyn bixisay, sadex bilood gudahood aanu ku tallo jirno in Garoonka Cigaal Uu noqdo mid habeenkii shaqeeya.” Wasiirka Duulista JSL.
" Wasiir (Maxamuud) aad ayaan kuu
bogaadinayaa waxaan jecelahay inay Wasiirada kale kugu daydaan oo aad adigu
tilmaanta koowaad noqoto.” Suldaan Cismaan Sul. Cali Madar Hargeysa (xogreebnews.com- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeer ku samaayey bilowga dhamaystirka Wajiga labaad ee balaadhinta Dhabada dayuurahadaha ee Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal. Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland oo ay Wehelinayeen Wasiiradda Wasaaradaha Duulista iyo Hawadda,
Maaliyadda, Gaashaandhiga Xidhiidhka Golayaasha, Hawlaha guud iyo Xildhibaano
ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiiladda ayaa ka qayb galay munaasibad kooban
oo loo qabtay bilowga qaybta Daamurka ee koradhsiinta lagu samaynayo Runwayga
Madaarka Cigaal. Wasiirka wasaaradda
duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud
Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ maanta waxaanu mudane
madaxweyne ku xigeen iyo xubanaha wasiirada ee sharafta leh, ee aanu maanta
munaasibada wada joogno, waxaanu bilownay balaadhintii Dhabada dayuuradaha
qaybtii ugu dambaysay, waxana la dhigayaa daamurkii, shaqadan aynu maanta
halkan ka bilownay waxa weeye Kun iyo Laba boqol iyo Konton Mitir (1250 M) oo
lagu darayo Runway-ga madaarka caasimada ee Cigaal, waxa ay hawshani ka kooban
tahay laba leeyar oo ka hore yahay Lix Santi Mitir (6 CM) ka dambena afar santi
mitir (4 CM) uu yahay, hawshan waxa la waday mudo sanad ku dhaw, oo laga
shaqaynayey dhabadaas iyo sidii loo soo dhishi lahaa, shaqadan intii adkayd
waynu soo qabanay, Dhulka waa la qoday ka diba dhagax adag ayaa lagu soo
dhisay, waa la soo buuxiyey aad ayaa loo adkeeyey, shaqadu xoogeeduna taas ayey
ahayd, hawsha aynu maanta qabanaynaa waa shaqadaas wajigeedii labaad oo
daamurkii ah, waxaanu rajaynayaa in mudo bil gudaheed ah aynu hawshaasi ku
dhamaato qaybtaasi, ka diba aanu u gudubno qaybaha kale ee Apron-ka iyo
baarkinka oo la balaadhinayo, Taxiway labaad oo isna la samaynayo, arrintaasi
waxay Garoonka caasimada ee Cigaal ka dhigi doontaa Garoon weyn oo caalami ah,
iyo Dekad labaad oo dalkan u soo korodhay, waa guul qarankan Somaliland uu
leeyahay waa guul Xukuumadan Kulmiye ay leedahay, ILAHAY ayaa ku mahad leh.” Wasiirka Duulista
Somaliland ayaa sidoo kale intaasi ku daray “ waxaan jecelahay inaan u mahad
naqo dawladda Kuwait oo mashruucan oo inaga caawinaysa oo mudan inay u mahad
naqno, waxaan jeclehay inaan sidoo kale u mahad naqo Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland oo runtii
nagala shaqeeyey mashruucan, oo marka laga tago mashruucan Kuwait suuro galiyey
lacag fara badan oo madaarkan la galinayo oo Xukuumadda Somaliland ay
bixinayso, waxa ka mida banaynta Sadex iyo toban Kiiloomitir (13KM) oo madaarka
ah oo xayndaab lagu wareejiyey, oo wixii dhisme iyo beero ku dhex jiray ay
Dawladda Somaliland mag dhabayso, oo ay dadka u celinayso, waxa kale oo ka mida
laydhkii madaarkan ee habeenkii suuro galinayey inay Diyaaraduhu adeegsadaan,
oo ay Xukuumadu soo iibisay lacagteediina aanu bixinay, ayna ka qayb qaateen
shirkadaha Daallo iyo Juba isla markaana ay kaalmo ka gaysteen, xukuumadduna ay
kharash weyn bixisay, sadex bilood gudahood aanu ku tallo jirno inuu Garoonku
noqdo mid habeenkii shaqeeya Insha Alllah.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi. Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylici) oo ka hadlay
munaasibadaasi ayaa yidhi “ Runtii waxaanu maanta aad ugu faraxsanahay in
balaadhintii gagada diyaaradaha Egal International Airport wajigii u danbeeyay
maanta la bilaabay oo mudo soo socotay, hawl adagna laga soo qabtay runtii,
waxaa maanta umadda reer Somaliland guul u ah wixii bil ama lababilood ka
danbeeya uu madaarkani noqonayo mid buuxiyey dhamaan shuruudaha madaarada
caalamiga ah, isla markaana wadooyin badan oo dhib lagu mari jiray lagaga
raysan doono, waxa ay u tahay guul Xukuumadda Somaliland ee jirtay mudada
Afarta Sano Iyo badhka ah, himilooyinkeediina runtii ku guulaysatay, waxaanu
maanta ugu bushaaraynaynaa umada reer Somaliland, balan qaadyadii aanu umadda u
samaynaynay in ay ahaayeen wax suuro gal ah oo rasmi ah.” Madaxweyne ku xigeenka
Somaliland ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ iyada oo aanu umadda u
adeegayno xilkay noo igmatayna ugu adeegno sida ugu qiimaha badan leh, iyo
baahiyaha ay tabayeen oo aan gaadhsiinay, arintani waa talaabadii ugu weyneyd
ee lagu dhiirado loona dhabar adaygay in xaga horumarka loo kaco, madaarkan
Egal International in uu noqday madaar caalami ah, cidna kama qarsoona, intii
hore ee la soo sameeyey waxa ay ahayd Laba Kiiloomitir iyo Shan boqol oo Mitir
(2.5KM), hada intan lagu darayaana waa 1KM iyo rubuc, markaa waa Afar Kiiloo
mitir 4KM oo rubuc la’a, taasi waxay cadaynaysaa in madaarkii noqoday madaar
caalami ah oo ay diyaarad kasta oo caalamka ka duushaa ay ka soo dagi karto
kana duuli karto, taas waxaanu ugu bushaaraynaynaa dadkii qurbajooga ah ee
meelo badan oo dhibaatooyin leh soo mari jiray ay kaga raysan doonaan ama fursado
badan ay heli doonaan oo diyaaradihii dalka iminayey ay badan doonaan, marka
adeegani ay helaan oo madaarkii uu noqday madaar caalami ah taasina ay fudaydin
doonto xaga helitaankii wakhtiga iyo xagii kharashka oo ka yaaraan doona
maadaama ay Diyaaraduhu kooban yihiin hada.” Ayuu yidhi Mudane Saylici. Waxa kale oo isaguna munaasibadaasi ka hadlay Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, oo ka mida Madax dhaqameedka faca weyn ee Somaliland waxaanu yidhi “ aad baan ugu hambalyenayaa Xukuumadda maanta taladda dalka haysa, dalka way arad tireen intii awooda ahayd, waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa Wasiirka Duulista iyo hawadda oo runtii muujiyey wasaarad ahaan waxaan la filayn inuu qabsoomi karo, waayo waxa ka mida maanta halkaas aynu taagan nahay ee madaarku nin waliba siduu ahaa wuu garanayaa, hadaad eegto dhismahiisa gudaha, hadaad dhabada dayuuradaha eegto, aad iyo aad ayaan u hambalyeynayaa Wasiirka, maanta madaarkeenu wuxuu la dhigan yahay, oo uu la tartamayaa madaaradii caalamka, iyadoo aynu awodeena garanayo, Wasiir Maxamuudow waan ku hambalynayaa, aad ayaan kuu bogaadinayaa waxaan jecelahay inay Wasiirada kale kugu daydaan oo aad adigu tilmaanta koowaad noqoto.” Ayuu yidhi Suldaan Cismaan.xogreebnews.com-office Hargeysa/somaliland Leave a comment |
|
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo kormeer ku sameeyey bilowga dhamaystirka Wajiga labaad ee balaadhinta Dhabada dayuurahadaha ee Madaarka Cigaal
“ Runtii waxaanu maanta aad ugu faraxsanahay in balaadhintii gagada diyaaradaha Madaarka Cigaal wajigii u danbeeyay maanta la bilaabay " Madaxweyne ku xigeenka Somaliland. “ Xukuumadduna ay kharash weyn bixisay, sadex bilood gudahoo