Safiirka Ethiopia U Fadhiya Somaliland Oo Ka Hadlay Markabka Hubka Sida Ee Ku Soo Xidhay Dekedda Berbera

0
Saturday January 31, 2015 - 18:31:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Ethiopia U Fadhiya Somaliland Oo Ka Hadlay Markabka Hubka Sida Ee Ku Soo Xidhay Dekedda Berbera

    Hargeysa(xogreebnew-Dawladda Ethiopia oo markii u horaysay ka hadashay mawqifkeeda Markabka Hubka lagu qabtay ee Dekedda Berbera ku sugan, ayaa sheegay inay arrintaasi u direen Sarkaal soo eega xaaladda Markabkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnew-Dawladda Ethiopia oo markii u horaysay ka hadashay mawqifkeeda Markabka Hubka lagu qabtay ee Dekedda Berbera ku sugan, ayaa sheegay inay arrintaasi u direen Sarkaal soo eega xaaladda Markabkaasi.
Hargeysa(xogreebnew-Dawladda Ethiopia oo markii u horaysay ka hadashay mawqifkeeda Markabka Hubka lagu qabtay ee Dekedda Berbera ku sugan, ayaa sheegay inay arrintaasi u direen Sarkaal soo eega xaaladda Markabkaasi.
Safiirka Ethiopia u fadhiya Somaliland,Ambasador Brig Gen BerheTesfaye, ayaa sheegay in arrinta Hubka Somaliland Berbera ku qabatay xilkeedu saaran yahay Somaliland,balse Sarkaal Safaaraddiisa Hargeysa ka tirsan oo ay Hubkaasi u direen uu ahaa xogogaal u noqoshada Arrimaha hubka oo kaliya.Ugu horayn Ambasador Berhe Tesfaye, oo ka hadlaya warar ku saabsan in loo diiday tegista Berbera waxa uu yidhi
“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tagayay dekedda Berbera oo aan ku soo eegayay markabka oo lay diiday, balse waxaa jiray Sarkaal ka tirsan Safaaradda itoobya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xogogaal u noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran”
Safiirka Ethiopia waxa uu sheegay inaanay ka wada hadal Somaliland arrimaha Markabka, maamulida arrinta markabkanina tahay mid Somaliland u taala “Kamaanu wada hadal, sabab aan u waydiiyana ma jirto, waa hawl xilkeeda ay leedahay somalland haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan” ayuu yidhi Safiirka oo Wargeyska Himilo la hadlayay.
Safiirku waxa uu intaasi raaciyay “Tagitaanka Sarkaalka Safaradda ee dekedda Berbera wuxuu ahaa kormeer caadi ah oo xogogaal ugu soo noqonayay arrimaha markabkaas iyo waxa uu sido inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqayn ka leeenahay xagga amaanka Somaliland”
Dawladda Somaliland, ayaa wali baadhis ku haysa Markabka Hubka lagu qabtay MV Shakir oo ku xidhan Dekedda Berbera.maadaama Somaliland iyo Somalia cunoqabatayn hub saran tahay waxaa muuqata in Indhaha Caalamka iyo dawladdaha jaarku si aada uga shakiyeen Hubkaasi oo si sharci darro ah dekedda ku soo galay ilaa haddana aan la xaqiijin cidda leh iyo halka uu ku wajahnaa.
xogreebnews.com-office Hargeysa/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured