Faallo: Isku-shaandheyntii Madaxweyne siilaanyo Ma Waxay noqotay Cir-caddaadi? Bye Cabdi casiis Bashiir Nuur.

0
Friday January 30, 2015 - 17:55:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Isku-shaandheyntii Madaxweyne siilaanyo Ma Waxay noqotay Cir-caddaadi? Bye Cabdi casiis Bashiir Nuur.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Muddo hada laga joogo sannad iyo badh waxa soo baxayey xoggo, sidaa dabayl-xaggaada uga kacayay Qasriga Madatooyadda Somaliland, qorsheyaal aan midho-dhal noqon oo tibaaxayey in Madaxweyne Siilaanyo boodhka ka tumayo Gollihi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Muddo hada laga joogo sannad iyo badh waxa soo baxayey xoggo, sidaa dabayl-xaggaada uga kacayay Qasriga Madatooyadda Somaliland, qorsheyaal aan midho-dhal noqon oo tibaaxayey in Madaxweyne Siilaanyo boodhka ka tumayo Gollihisa

Hargeysa(xogreebnews.com-Muddo hada laga joogo sannad iyo badh waxa soo baxayey xoggo, sidaa dabayl-xaggaada uga kacayay Qasriga Madatooyadda Somaliland, qorsheyaal aan midho-dhal noqon oo tibaaxayey in Madaxweyne Siilaanyo boodhka ka tumayo Gollihisa xukuumada, oo intaa badan si cad loogu dhaliilo, kala danbeyn la’aan, Maamul-xummo, Musuq-maasuq iyo xubno ka mid ah wasiirradda, oo lagu eedeeyo inay maroor-sadeen awooddaha Dastuuriga ah ee Madaxweynaha, kuwaasoo ku samaynayo isku-shaandheyn xumad jabin ah.

Isku shaandheyntan oo markasta oo hadal-hayn teeddu soo baxdo jahaweerar xooggani ka dhasho, ayaa haddana noqota mid sidaa Dabay-sha uu dhaafta Shacabka dhexdiisa, iyada oo muddada ay socoto-na noqotao Mabduuc-yada ay warbaahinta sida weyn rog-rogto, kuna Jahaysan indhaha dadweynaha. Iyadoo ay Saxaafaddu adeegsanayso ilo-xogeedyo kala duwan oo laga helo dad aad ugu dhow-dhow xayn-daabka Xukuumada iyo Qasriga Madaxtooyadda oo mar xaqiiqada laha hadlayo xoggaha ay bixiyaan aan lagu tilmaami karayn warar Boro-bagaando ah, balse lagu miisaami karo xan-sheeg-madeedu ka dhigantay xan kasoo fakatay dadka ku dayran La-taliyeyaasha khaaska ah ee Madaxweynaha Kursiga fadhiya iyo kuwa dhega-dhegeeyay dhaqdhaqaaqyada ka socda hareerihiisa, isla markaana inta badan fashilisa Hindiseyaal aan wali bislaan oo kasoo fuli lahaa Madaxweynaha Qaranka.

Tusaalle ahaan hadal-hayntii uu danbeysay ee isku-shaandheynta Xukuumaddu waxa ay soo Baxday badhtamihii Bishii Decenber 2014-kii, taaso dhawr Todobaad sidaa Lubaanka u dhex-wareegaysay Goobaha siyaasadda lagu falan-qeeyo iyo kuwa Bulshada caadiga ahi ku kulaanto. Waxaana rogrogista mawduucan ee u danbeeyey loo sibir saaraayey mid duruufi keentay ah oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku qasbayso inuu la yimmaado israatijiyad uu ku saxayo gol-dalooloyinka ka muuqda Xukuumadiisa, kagana jawaabo tabashooyinka uga imanaaya Beelaha qawadsan sami-qaybsiga Kuraasta Xukuumiga ah, gaar ahaana Wasaaradaha shil-shilis iyo Shaqaalaha Dawladda.

Inkasta oo xam-xamta ku saabsanayd shaxda cusub ee jadiidinta muuqaalka xukuumadda oo ay raaciyada Siyaasaddu farta ku fiiqayeen Wasiirrada ah ee Seefta Madaxweynuhu dul-saarantay, ash-khaasta lagu bedelayo iyo sidoo kale qastiga ugu weyn ee looga gol-leeyahay qadiyadan, ayaa muddo markii xiinkeeddu sida dhibicda roobka ka soo guuxayay Madaxtooyada meel dhexe ku gudhay,sidii roob cir-cadaadi noqday oo dhexda ku qaaday.

Waxaanay mar kale shacabku isweydiinayaan, ma madaxweynaha ayaa ka noqday qorshihii isku-shaandheynya, mise xoggihii ka soo baxay taabiciyiintiisa khaaska ah, ayaa ahaa kuwo Bulshada lagu yool-baadhayo si loo ogaado dareenkooda la xidhiidha arrintan.

Ma jirto cid si sax ah uga jawaabi karta labadan Su’aallood oo aan ahayn cidda mindidda daabkeeda haysa ee ay ka go’aan fulinta go’aamada maamul ee Qaranku, hase ahaatee waxaan mugdi ku jirin inay Madaxweyne Siilaanyo hor-yaallaan Cawaaqibyo is-barkan oo ku khasbaya inuu wax ka bedelo Muqaalka Siyaasaddeed ee xukuumaddiisa, maadaama uu haysto wakhti cidhiidhi ku ah oo uu waajahayo Loollan Doorasho iyo guluf laba eef ah oo ka dhalan kara dib u dhac kasta oo ku yimaada Doorashada maalin tirsigeedu bilaabmay oo uu xilligeedu kaabiga yimi, iyadoo aanay kabi u yeelnayn hogaamintiisa.

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Tel; 4144434

info@xogreebnews.com

Hargeysa/somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured