Agaasimaha Guud Ee Shabakada Wararka Qarninews Oo ka Hadley Koox Maafiyo ah Weerar Culus ku Qaaday Xarunta Guud ee Shabakadaasi ee Magaalada Hargeysa

0
Wednesday January 28, 2015 - 17:47:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud Ee Shabakada Wararka Qarninews Oo ka Hadley Koox Maafiyo ah Weerar Culus ku Qaaday Xarunta Guud ee Shabakadaasi ee Magaalada Hargeysa

    Hargeysa(xogreebnews.com)-Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews Miyir Cali Xuseen ayaa waxaa markii ugu horey Faah faahin ka Bixiyey Koox Maafiyo ah oo laba Habeen ka hor weerar ku soo qaaday Xarunta Guud ee Shabakada Qarninews ee magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com)-Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews Miyir Cali Xuseen ayaa waxaa markii ugu horey Faah faahin ka Bixiyey Koox Maafiyo ah oo laba Habeen ka hor weerar ku soo qaaday Xarunta Guud ee Shabakada Qarninews ee magaalada Hargeysa.

Wariye Miyir Cali Xuseen waxaa uu sheegay in Kooxdaasi Dhalinyarada ahayd wax yeelo gaadhsiiyeen isaga iyo qalab xafiiska yaalayba,isla markaana waxaa uu tilmaamay in ay dhaawacyo kala duwan kooxdani soo gaadhsiiyeen guud ahaan Agabkii Xafiiska yaaley ina ay bililiqaysteen.Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews Miyir Cali Xuseen waxaa uu farta ku fiiqay in Kooxdan laga soo direy Guriga Suldaan Yuusuf Xiirey isagoo sheegay in uu hayo Cadaymo iftiiminaya in Kooxdan laga soo abaabuley Guriga Suldaankaasi isla markaasna waxaa uu sheegay in ay ku jireen laba wiil oo uu dhaley Suldaanku. Wariye Miyir Cali Xuseen Waxaa uu sheegay ka hor intii aan la soo weerarin in uu Telefoonka kala soo Hadley Suldaan Xiirey kaasi oo Hanjabaad iyo Aflagaado aan loo meel dayin iskugu darey isla markaana ku wargeliyey in uu weerar ku soo qaadi doono.Agaasimaha Guud Ee Shabakada Warar Qarninews waxaa uu sheegay in uu u ashkato u tagey Saldhiga Boolis ee Xaafada Macalin Haaruun taasi oo ugu waramay waxii igu dhacay iyo sida wax u dhaceen ka dibna loo jarey warqada Dhaawac muujinta kadibna ay ku yidhaaheen nagu soo noqo ilaa hadana aan waxba laga qaban.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured