Wasiir Cukuse oo Wajigiisu Bedelan Yahay ayaa Maanta Cadho Kula Dul-dhacay Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta,Isla markaana Hanjabaad u Jeediyey Shaqaalaha.

0
Wednesday January 28, 2015 - 17:09:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse oo Wajigiisu Bedelan Yahay ayaa Maanta Cadho Kula Dul-dhacay Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta,Isla markaana Hanjabaad u Jeediyey Shaqaalaha.

    Hargeysa(xogreebnews.com_Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/1/2015-ka ayaa waxa ka dhacay wasaaradda warfaafinta dhacdo aan ku cusbeyn shaqaalaha wasaaradda warfaafinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/1/2015-ka ayaa waxa ka dhacay wasaaradda warfaafinta dhacdo aan ku cusbeyn shaqaalaha wasaaradda warfaafinta

Hargeysa(xogreebnews.com_Maanta oo ay taariikhdu tahay 28/1/2015-ka ayaa waxa ka dhacay wasaaradda warfaafinta dhacdo aan ku cusbeyn shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo maqalka dhagaha shacabka,kadib markii uu wasiir cukuse oo uu bedelan yahay wajigiisa cadho xooganina ka muuqato soo galay wasaaradda,wasiirku waxa uu ku wargeliyey shaqaalaha wasaaradda gabi ahaanba inay soo buuxiyaan hoolka lagu qabanayey kulan lagaga hadlayey barnaamij guul wadeysan oo ah,socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ee uu ku soo maray qaar ka tirsan gobolada dalka,iyadoo loogu yeedhay kulankaasi wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta C/risaaq Khaliif Axmed.

Xiliga uu wasiir cukuse amrayey shaqaalaha waxay ahayd 11:55 AM,xiligaasi oo salaadda duhur la aadaamay badi shaqaaluhuna ay salaada waysada u qaateen oo ay hor fadhiyeen masaajika,waxana uu wasiir cukuse ku amray inay si deg deg ah u soo buuxiyaan hoolka ay wasiir cukuse iyo masuuliyiinta kale kaga hadlayaan socdaalkii madaxweyne siilaanyo ee uu dhawaan ku soo maray qaar ka tirsan gobolada dalka,waxayna ujeedada kulankaasi ahayd in hanaan guul wadeysan oo ka badbadin ah umadda loogu sheego in si wanaaagsan ku soo dhamaatay safarkii madaxweyne Siilaanyo.

Inkasta oo dhagaha shacabka ay todobaadadii ugu danbeeyey ay ka badatay siilaanyo ayaa halkaasi maray oo dhagax dhigay,ayaa waxa hadana sii socda safarkii uu madaxweyne siilaanyo soo gabagabeeyey todobaadkii hore,iyadoo weli aysan ka daalin wasiirada xukuumada siilaanyo inay umadda ku maaweeliyaan barnaamijyo guul wadeyn ah,oo wax faa’iido ah aysan umadda ugu jirin,balse ay wasiiradaasi iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda siilaanyo ay tahay danta ugu weyn ee ay ka leeyihiin ay tahay inay madaxtooyada u sheegaan inay xukuumada u hadlayaan oo ay u shaqeynayaan,halkii ay xaqiiqadu ka ahayd in shacabku ka arko xukuumadda wax-qabad la taaban karo,oo dhaafsiisan dhagaxaanta meel kasta la iska dhigayo.

Hadaba maanta markii uu wakhtigii duhurka waysada loo qaatay wasiir Cukuse uu shaqaalaha amray inay soo buuxiyaan hoolkaasi ayaa markiiba shaqaalihii salaadda u waysa qaatay si deg deg ah u soo buuxiyeen hoolkii,markii ay biilaamaysay ayuu wasiirku hanjbaad iyo caga-jugleyn ku bilaabay shaqaalihii,markaasuu shaqaalihii faray inay weydiiyaan su’aalo lagu xoojinayo oo lagu taageerayo safarkii madaxweynaha ii weydiiya ayuu yidhi,inta kadib waxaa ka jawaabay Wariye Mukhtaar Dhako oo ka hawl gala Tv.ga qaranka oo ku yidhi“ kolay hada salaadda ayaan u wayso qaadanay oo waa nala soo khasbay ee dee dalka sowta dhimcadu fadhida” markaasi wasiir cukuse yidhi “waryaa ka bax hoolka kuma arki karo”.goobtii hoolka ayaa isku bedeshay goob qasan kadib markii uu wasiir cukuse kala joojin waayey hanjabaadda shaqaalaha,iyadoo inta badan shaqaalihii iskaga dareereen hoolkii markii uu wasiirku si anshaxa ka baxsan ula dhaqmay shaqaalihii wasaaradda warfaafinta.

Hadaba dhacdooyinka noocaasi ah ayaan ku cusbeyn shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo weliba maqalka shacabka reer Somaliland balse tan iyo markii uu wasiir Cukuse loo magacaabay wasaaradda warfaafintu qas kamay bixin,madaama uu wasiir cukuse yahay wasiirkii 6 aad ee soo mara wasaaradda warfaafinta ayey shaqaalaha wasaaraddu waxay ku tilmaamaan wasiiradii soo maray inay ugu wanaagsanaayeen wasiir Xaabsade iyo wasiir Abiib Diiriye Nuur(Abiib timacad) kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay ahaayeen wasiiro garanayey shaqadooda.

Wasiir cukuse ayaa laga soo xigtay isagoo leh,waxaan ahayd wasiir SIRU DAARI AH oo la ima eryi karo,waxaanan ku jiraa wasiiradda ay xukuumadu ku dhaadato hadaanan ahayd ka kowaad ama kala labaad kaalmaha hore ayaan kaga jiraa madaama oon ahayd SIRU DAARI wax ka og Madbakha Madaxtooyadda Dalka.

Qore:Axmed Maxamed Cali

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured