AKHRISO Magacyada Iyo Qabiilada Ay Kasoo Jeedaan Wasiirada Cusub + Taariikhda Iyo Kooxaha Ay Ka Tirsan Yihiin ( Akhriso )

0
Wednesday January 28, 2015 - 17:01:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO Magacyada Iyo Qabiilada Ay Kasoo Jeedaan Wasiirada Cusub + Taariikhda Iyo Kooxaha Ay Ka Tirsan Yihiin ( Akhriso )

    Muqdisho (xogreebnews.com-Waxa aan halkaan idin kugu soo gudbinayaa Magacyadda, xilalka , taariikhaha iyo qabiilada 20-ka Wasiir ee la magacaabay. Halkan Hoose Ka Akhriso Iyadoo Faaffaahsan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com-Waxa aan halkaan idin kugu soo gudbinayaa Magacyadda, xilalka , taariikhaha iyo qabiilada 20-ka Wasiir ee la magacaabay. Halkan Hoose Ka Akhriso Iyadoo Faaffaahsan:
1. Maxamed Cumar Carte — Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen ahna Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada & Sportiga, waa Isaaq, Habar Awal, Sacad Muuse , Nuux Ismaaciil, Reer Gadiid, Sarkaal ka tirsanaa Hay’ada Sirdoonka Mareykanka oo ku jiray Warbixintii Wikileaks.
2. Axmed Xasan Gaboobe — Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, Waa Dir, Biyo Maal, Gaadsan, wuxuu ka tirsanaa kooxaha Mayalka adag ee Xagjiriinta Somalia, wuxuuna ka mid ahaa Raggii Maxaakiimta Islaamka la baxay ee Koofurta Somalia.
Wasiir Gaboobe wuxuu ka soo qeybgalay dagaaladii Al -Itixaad la galeen Cabdullahi Yuusuf ee Boosaaso ka dhacay, dagaalkii Al Itixaad la galeen Killinka 5aad, waxaa loo yaqaan Ugaas Bile, wuxuuna u ololeeyaa in Somaliland aqoonsi la siiyo.
Wasiir Gaboobe wuxuu degan yahay Hargeysa, waana ninka wada Abaabulka dagaalada Deefoow, Kabxanleey iyo Shabeeladda Hoose, isagoo aaminsan qadiyad ku saleeysan aqoonsiga Somaliland iyo in la helo dhulweyne u gaara beesha Dir. Gaboobe wuxuu qaabilsan yahay Xiriirka Al-Shabaab iyo beelweynta Dir.
3. Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odowaa — Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka . Waa Hawiye, Habargidir, Saleebaan, waana Maamulaha Machad-ka Simad ee Madaxweyne Xasan iyo Faarax Cabduqadir leeyihiin, wuxuu ka mid yahay Kaadiriinta Damujadiid, waa nin ka tirsan shaqsiyaadka boobay Hotel-ka SYL Muqdisho,.
4. Maxamed Aadan Ibraahim “Fargeti” — Wasaaradda Maaliyadda , Waa Raxanweyn, DISOOW, waxaana keensaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, mana ahan nin awood u leh inuu maamulo Maaliyadda Somalia.
5. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini — Wasaaradda Gaashaandhigga , Waa Daarood, Mareexaan, Waa Taliyahii hore ee Ciidanka xooga dalka Somalia, waana shaqsi afgaaban laakiin waa nin aad ugu dhaw kooxda Damu-jadiid.
6. Cabdisalaan Hadliye Cumar — Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Waa Dir , Gadabuursi, Makaahiil, Gudoomiyihii Bangiga Dhexe Ee Somaliya kadibna iscasilay, waxaana lagu xasuustaa inuu ku soo baxay Warbixintii UN Monitoring Group.
7. Khadra Bashiir Cali — Wasaaradda Waxbarashada, Waa Daarood, Leelkase, waxeey ku noolaan jirtay Canada, waxeyna leedahay NGO, waxeey saaxiibo yihiin Cumar Cabdirashiid.
8. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir — Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda — Beesha Shanaad, Reer Aw Xasan, Reer Aw Mahdi, wuxuu ka tirsan yahay Kaadiriinta Damujadiid, wuxuu horey u ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay Telefishinka Al-Jazeera, waxaana la rumeeysan yahay inuu yahay Sarkaal u muhiim ah Sirdoonka Qatar oo ka hoowlgala gudaha Somalia gaar ahaan Muqdisho.
9. Cabdiraxman Yusuf Cali Caynte — Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Waa Hawiye, Murusade, waana xubin sare oo ka tirsan Urur diimeedka Aala Sheekh, wuxuu ahaan jiray Wariye ka soo shaqeeyay VOA iyo Aljazeera, wuxuuna Muqdisho ka furtay Machad-ka Heritage.
10. Nuur Faarax Xirsi — Wasaaradda Dastuurka , Waa Isaaq , Habaryoonis, wuxuu ahaa Safiirka Somalia u fadhiya Malaysia. Wuxuu horey u ahaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedkii Gurmad ee Somaliland, waana xubin ka tirsan Urur diimeedka Damujadiid.
11. Guuled Xuseen Qaasim — Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta, Waa Daarood, Ogaadeen, Maxamed Subeer, Reer Isaaq, waxaa dhalay nin Wasiir ka ahaan jiray Dowladii Maxamed Siyaad Barre oo la dhihi jiray Xuseen Cabduqadir Qaasim, oo ahaa Wasiirkii Batroolka.
12. Cali Axmed Jaamac “Jangali” — Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Waa Daarood, Dhulbahante, wuxuu ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda xilligii Cabdullahi Yusuf, waana nin lacago badan inuu lunsaday lagu heysto laakiin waxaa keensaday Fahad Yaasiin oo ay isla yihiin reer Nairobi.
13. Siciid Xuseen Ciid — Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa , Waa Meheeri, Carab Saalax.
14. Cali Xasan Cusmaan — Wasaaradda Beeraha, Waa Raxanweyn.
15. Xasan Axmed Muudeey — Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Waa Jareerweyne, Shiidle.
16. Saalax Sheekh Cusmaan Muuse — Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska, Waa Digil, Gelledi.
17. Sahra Maxamed Cali Samatar Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha, Waa Tumaal, waxeeyna ka mid aheyd kooxdii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Xisbiga Tayo. Waxaa dhalay Sareeya Guuto Maxamed Cali Samatar, Madaxweyne ku xigeenkii Kali-Taliska.
18. Maxamed Mukhtaar Ibrahim — Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Waa Hawiye, Gaaljecel, wuxuu ka yimid UK.
19. Cabdirisaaq Cumar Maxamed — Wasaaradda Batroolka, Biyaha iyo Kheyraadka Dabiiciga, Waa Hawiye, Xawaadle, waxaana lagu xantaa inuu ka tirsan yahay Urur diimeedka Aala Sheekh.
20. Xaawo Xasan Maxamed — Wasaaradda Caafimaadka, Waa Raxanweyn, Hadamo , waxeey la taliye ka aheyd mashruucii Go to school, waxeeyna ka tagtay dalka Ingiriiska.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured