Wasiirka Diinta & Awqaafta Oo Soo Af-meeray Dawro In Muddo Ah Ka Socotay Masjidka Cali-Mataan Oo Culimada Waaweyn Ee Dalku Kaga Hadleen Qoyska Muslimka Ah + 12 Qodob Oo Dawradaasi Kasoo Baxay (WAR-BIXIN + DHAGAYSO + SAWIRRO)

0
Wednesday January 28, 2015 - 12:25:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1184
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta & Awqaafta Oo Soo Af-meeray Dawro In Muddo Ah Ka Socotay Masjidka Cali-Mataan Oo Culimada Waaweyn Ee Dalku Kaga Hadleen Qoyska Muslimka Ah + 12 Qodob Oo Dawradaasi Kasoo Baxay (WAR-BIXIN + DHAGAYSO + SAWIRRO)

    Xaflad aad u qurux badan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa xalay lagu soo gunaanaday dawro diiniya oo muddo ku dhaw Labo todobaad ka socotay masjidka Cali-Mataan ee ku yaalla xudunta magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad aad u qurux badan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa xalay lagu soo gunaanaday dawro diiniya oo muddo ku dhaw Labo todobaad ka socotay masjidka Cali-Mataan ee ku yaalla xudunta magaalada Hargeysa. Xaflad aad u qurux badan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa xalay lagu soo gunaanaday dawro diiniya oo muddo ku dhaw Labo todobaad ka socotay masjidka Cali-Mataan ee ku yaalla xudunta magaalada Hargeysa.



Xaflad aad u qurux badan oo si weyn loosoo agaasimay ayaa xalay lagu soo gunaanaday dawro diiniya oo muddo ku dhaw Labo todobaad ka socotay masjidka Cali-Mataan ee ku yaalla xudunta magaalada Hargeysa.

Dawradan oo sannadle ah ayaa noqonaysa dawradii Afraad, waxaanay culimada waaweyn ee dalku iyagoo dhinacyo badan ka eegaya si weyn ugu qaadaa-dhigeen mawduuc uu cinwaankiisu ahaa kuna saabsan Qoyska Muslimka ah.

12 habeen, muddo ku siman oo si xidhiidha ay muxaadarooyinkani uga socdeen masjidka Cali-Mataan kadib, waxaa xalay la qabtay xaflad lagu soo af-meeray oo uu kasoo qayb-galay Wasiirka Diinta & Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

Xafladdan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb-galay xubno ka tirsan Culimadii ka qayb-qaadatay soo jeedinta muxaadarooyinka, Sida Sheekh Muxamed Aaden Muxumed iyo Sheekh Cabdiraxmaan Aw-Axmed Cabdi. Waxa kaloo marti-sharafta ka mid ahaa Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin Mr Mahad Ibraahim iyo Ganacsade Maxamed Qaloon.

Sheekh C/raxmaan Aw-Axmed Cabdi ayaa halkaasi ka akhriyey qodobadii kasoo baxay dawradan muddada soo socotay, kuwaasoo isugu jira Baaq iyo Dardaaran ku waajahan bulshada waxaanay qodobadaasi kala ahaayeen sidan:

- In la ogaado Cabsida Alle.

- In la fudaydiyo dhismaha Qoyska Muslimka ah.

- In la ilaaliyo waaritaanka qoyska dhismay

- In lagu dedaallo barbaarinta ubadka.

- In la ilaaliyo dhallinta qaan-gaadhka ah, feejignaan gaar ah-na loo yeesho hab-dhaqankooda.

- In laga ilaaliyo ubadka aafaadka mukhaadaraadka, qabyaaladda, is-kooxaysiga iyo tahriibka.

- In la barto daruuriyaadka diinta, ubad iyo waalidba.

- In la iska kaashado baaqqa iyo dawcawadda diinta.

- In la ilaaliyo nabad-gelyada.

- In la kaantaroollo oo itaalkood Shirkadaha Isgaadhsiintu ay xannibaan fawaaxishka Internet-ka.

- In laga feejignaado oo ganacsatadu aanay keenin dharka tolan ee diinteenu aanay ogolayn.

- In loo wada kaco barashada iyo ku dhaqanka diinta suubban ee Islaamka.

Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu ka dhawaajiyey in baaqaasi ay dirayaan uu ka dambayn doono hawl-gal ballaadhan oo wacyi-gelineed oo culimada dalku ay ku qaadi doonaan degmooyinka kala duwan ee magaalada Hargeysa iyo weliba degmooyinka fog-fog ee Miyiga.


Xaaji-Mahad Ibraahim oo ku hadlaayey magaca macalliminta madaarista ayaa isna halkaasi ka jeediyey kalimad aad u qiimo badan oo si mug leh uu ugu axadhay ubadka iyo barbaarinta dhabta ah ee if iyo aakhiraba la innaga rabo inaynu ku ababinno, taasoo ah barashada diinteenna suubban ee Islaamka.

Xaaji-Mahad oo maamule ka ah mid ka mida dugsiyada ugu waaweyn uguna caansan dalka, isla markaana khibrad ballaadhan ka haysta sida loo ababiyo caruurta ayaa tibaaxay waajibaadka barayaasha iyo waalidkaba ka saaran tarbiyeynta iyo barbaarinta wanaagsan ee ubadka.

Maxamed Qaloon oo ka mid ahaa ganacsato gacan weyn ka geysatay hir-gelinta barnaamijkan ay culimada muddada soo wadday, kuna hadlaayey afkooda, ayaa ka digay dhaqannada xun xun ee beryahan dambe ay ubadku caadaysteen oo uu sheegay in mobile-ku uu horseed ka yahay.

Waxa kale oo Maxamed Qaloon uu cod dheer kaga qaylo-dhaamiyey dabar-go’ uu sheegay in dhakhaatiirta qaarkood ay ku hayaan bulshada kuwaasoo uu sheegay inay dumarka Uurka leh ay qalaan iyagoo aan uba baahnayn qalliin. Qalliinkaasi oo uu sheegay in uu yahay mid si dadban innoogu haya dabar-go bulsheed.

Sheekh Maxamed Aaden Muxumed oo ka mid ahaa culimadii dawradan ka qayb-qaadatay isla markaana ah imaamka iyo khadiibka masjidkan daradu ka socotay ee Cali-Mataan, ayaa halkaasi ka jeediyey kalimad kooban oo bulshada uu ku baraarujiyey sidii ubadka had iyo goor loogu ducayn lahaa.


Sheekh Maxamed oo sidoo kale ka mida shakhsiyaadka udub-dhexaadka u ah taabo-gelinta dawrooyinkan ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay in aanay soo waaridin waxyaabaha ka hor-imanaaya diinteenna suubban ee Islaamka. Waxaanu dhallinta ku guubaabiyey inay bartaan diintooda, iskana daayaan qabyaaladda, balwadaha iyo weliba tahriibka.

Gebo-gabadii xafladdaasi waxaa soo gunaanaday Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo halkaasi uga mahad-celiyey isla markaana uga duceeyey dhammaan culimadii soo jeedisay ee ka qayb-qaadatay dawradaasi. Waxa uu sidoo kale halkaasi uga mahad-naqay ugana duceeyey dhammaan cidkastoo ku lug-lahayd hir-gelinta dawradan haddii ay noqoto Culimo, Ganacsato Iyo War-fidiyeenkii baahinayey, isagoo si gaara u xusay TV-ga Qaranka, Hadhwanaagnews Xogreebnews iyo HCTV oo qayb-libaax ka qaatay.

Wasiirku waxa uu waalidka kula dardaarmay inay ubadkooda ka ilaaliyaan anshax-xumada, isagoo ka dhawaajiyey in dawladdu ay gacan bir ah ku qabanayso ubadka loo taag-waayo. Waxa kaloo uu wasiirku ku baaqay in dhaqanka iyo akhlaaqda la ilaaliyo, guurkana la xoojiyo oo la fududeeyo, isagoo kula dardaarmay guud ahaan bulshada cabsida Ilaahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured