Madaxweyne Xassan Sheikh Oo Shir Jaraa’id Kaga Hadlay Xukuumadda Cusub Ee Lasoo Dhisayo

0
Tuesday January 27, 2015 - 18:01:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xassan Sheikh Oo Shir Jaraa’id Kaga Hadlay Xukuumadda Cusub Ee Lasoo Dhisayo

    Muqdisho (xogreebnews.com-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Shir jaraa’id uu galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada kaga hadlay xukuumadda cusub ee dhowaan lagu dhawaaqi doono.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Shir jaraa’id uu galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada kaga hadlay xukuumadda cusub ee dhowaan lagu dhawaaqi doono.
Muqdisho (xogreebnews.com-Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa Shir jaraa’id uu galabta ku qabtay xarunta madaxtooyada kaga hadlay xukuumadda cusub ee dhowaan lagu dhawaaqi doono.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumadda lasoo dhisaayo ay ahaan doonto mid loo dhan yahay balse aysan dadka oo dhan kasoo muuqan doonin isagoo codsaday in lala shaqeeyo.
“Xukuumad ayaa la soo dhisi doonaa dadka oo dhan ma wada heli doonaan waxaan codsanayaa in dhamaanteena aan la shaqeyno xukuumada si dalka looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay isla markaana looga faa’ideysto waqtiga” ayuu yidhi.
Shirkiisa jaraa’id kuma soo hadal qaadin ama la waydiinin su’aal la xiriirta walaaca ay qabaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo digniinta ay jeediyeen oo ku saabsan in aan lasoo celin Karin Wasiiradii hore ay diideen oo ka qayb qaatay riddida Xukuumaddihii hore, iyagoo sheegay haddii ay dhacdo in aysan siin doonin codka kalsoonida. Madaxweynaha ayaa la sheegay in uusan weli ka tanaasulin dhowr xubnood oo laga digay inuu mar kale dib ugu soo celiyo xukuumada cusub ee uu soo dhisayo raysal wasaare cumar cabdirashiid.
Beesha Caalamka ayaa niyad jab ka muujisay muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan Hay’addaha Dowladda Federaalka oo ay ku tilmaamtay mid caqabad ku ah hiigsiga sanadka 2016 oo ay doonayaan in dalka uu ka dhaco doorashooyin xor ah iyadoo waqti uu yahay gabaabsi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured