Shirkadda Facebook Oo Ogolaatay Dalab Maxakamad Turkiga Ku Taal Ku Doonaysay In Shaqada Laga Joojiyo Bog Ku Xadgudbay Nabi Muxamed SCW

0
Tuesday January 27, 2015 - 10:32:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 753
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Facebook Oo Ogolaatay Dalab Maxakamad Turkiga Ku Taal Ku Doonaysay In Shaqada Laga Joojiyo Bog Ku Xadgudbay Nabi Muxamed SCW

    Hargeysa(Xogreebnews) BBC-da ayaa ogaatay in shirkadda Facebook ay ogolaatay go’aan ay maxkamad ku taalla dalka Turkiga ku dalbaday in shaqada laga joojiyo bog Facebook ah oo nabi Maxamed SCW u gefay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) BBC-da ayaa ogaatay in shirkadda Facebook ay ogolaatay go’aan ay maxkamad ku taalla dalka Turkiga ku dalbaday in shaqada laga joojiyo bog Facebook ah oo nabi Maxamed SCW u gefay.

Nabi Muxamed SCW

Haddii shirkadda Facebook ay diidi lahayd dalabkaasi, maxkamadda waxa ay ku hanjabtay in shaqadooda Turkiga oo dhan la xayirayo.

Facebook ayaa la aaminsan yahay inay adeegsadaan qiyaastii 40 milyan oo qof oo dalka Turkiga ku nool.

Facebook waxa ay ka gaabsatay arrintaasi inay ka hadasho, balse waxa ay leedahay shuruuc in la joojiyo bogagga ku xadgudba xeerarka dalalka.

Facebook ayaa dhowaan daabacday warbixin ku saabsan dalabaadka dowladaha caalamka uga imaanayo ee la xiriiri aqbaaraadka qofka isticmaalaha ah.

Warbixintii ugu dambeysay ayaa lagu sheegay in intii u dhexeysay bishii January illaa June, in 1,893 warar la mamnuucay laga sameeyay gudaha dalka Turkiga.

Xilligaasi, Turkiga waxa ay si kumeel gaadh ah u joojiyeen howlaha Twitter iyo Youtube.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured