San-duleyntii Soo dhaweyntii Weftiga Madaxweynaha Iyo Salaantii Sekedaha Madhan

0
Monday January 26, 2015 - 19:01:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    San-duleyntii Soo dhaweyntii Weftiga Madaxweynaha Iyo Salaantii Sekedaha Madhan

    Hargeysa(xogreebnews.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa gelinkii dambe Maalintii Sabtida baqoolle ku soo galay Magaalada Hargeysa, kaddib markii ay Gobolka Saaxil Magaalo-madaxdiisa Berbera kusoo khatimeen Booqashadii Gobo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa gelinkii dambe Maalintii Sabtida baqoolle ku soo galay Magaalada Hargeysa, kaddib markii ay Gobolka Saaxil Magaalo-madaxdiisa Berbera kusoo khatimeen Booqashadii Gobollada iyo Hargeysa(xogreebnews.com)-Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminayay ayaa gelinkii dambe Maalintii Sabtida baqoolle ku soo galay Magaalada Hargeysa, kaddib markii ay Gobolka Saaxil Magaalo-madaxdiisa Berbera kusoo khatimeen Booqashadii Gobollada iyo Degmooyinka Dalka ee Sool ilaa Baki. Weftiga oo abbaaro saddexdii iyo badhkii galabnimo soo gaadhay Caasimada, ayaa waxa soo dhaweeyey Dad shacab ah oo badankooda loo sii abaabulay, kuwaasoo ka kala socday Bulshada ku dhaqan Daafaha Maagalada iyo qaar ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka , siiba Iskaashatooyinka xoogsatada Gaadiidleyda, Caannaha iyo kuwa Hilibka ee Magaalada Hargeysa.Sidoo kale, Arday ku lebisan Calanka Jamhuuriyada Somaliland oo ay soo abaabushay Wasaaradda Waxbarashadu, laguna soo daad-gureeyay Gaadiid Basas ah, ayaa u taagnaa dhowr goobood oo u dhexeeya Aqalka Madaxtooyada ilaa dhanka Bari ee Magaalada laga soo galo. Meelaha qaarkood oo gudaha Magaalada ah ayaanay weftigu kala kulmin sacab iyo soo dhaweyn diiran oo la mid ah qaabka ay u qaabileen dhalinyaradii ardayda ahayd ee loo sii diyaariyey, sababtoo ah xilliga Weftigu Magaalada dhex maray waxay ahayd xilli Kulaylle ah oo ay dadka badankiisu hadhka ku jireen. Maayirka Caasimada Hargeysa, Maamulka Gobolka Maroodi-jeex iyo Wasaaraddaha dawladda qaar ka mid ah, ayaa xil weyn iska saaray ku soo dhaweynta Weftiga ee Caasimada, kuwaasoo isugu jiray qaar Arday calamaan iyo Boodhadh ku taxay iyo qaar Gaadiid codbaahiyeyaal ku xidhanyihiin suuqa u soo saaray.Geesta kalena Ciidamo tiro badan ayaa salaadii Duhur markii laga soo baxay waxa la daadiyey Waddooyinka waaweyn ee dhex mara Magaalada, si ay u sugaan Amniga weftiga Madaxweynaha.Askarta ayaa ku jactadiyey Dariiqyada oo wakhti dheer bacadka taagnaa intii weftiga la sugayay, iyadoo ay asalkaba iska caadi noqotay in mar kasta oo Madaxweynuhu Magaalada dhex marayo oo uu dalka ka dhoofayo, soo degayo ama uu meel kale u baxayo xilli maalinnimo ah, in Ciidanka waddooyinka la geeyo saacado badan ka hor intaanu ka soo bixin Madaxtooyada ama soo gelin goobaha dadku ku badanyahay.Dhinaca kale, Booqashada madaxweynaha ee deegaanada Awdal ilaa Saaxil oo uu dhanka Xadka Itoobiya kaga soo wareegay , ahaana Safar Magacyo badan la baxay oo aynu ka xusi karno Siigaale, Banka iyo Buurta iyo mid cusub oo ay Madaxtooyadu markii uu doraad soo gababoonay, kuna tilmaameen Booqashadii xog-urruursiga Bulshada , ayaa laga dhur-sugayay in madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ficil ahaan uga jawaabo waxyaabihii uu kala soo kulmay Shacbiga Gobollada uu marayay tobanka Maalmood, isla markaana qaado talaabooyin deg deg ah oo uu ku fulinayo balanqaadyadii uu u sameeyey deegaamadii uu soo maray oo mid walba tabasho iyo tabaalooyin xad dhaaf ah faraqa loogu guntay.Hadiise uu wax talaabo ah qaadi waayo Madaxweyne Siilaanyo, dib ugu soo noqoshadiisa Xafiiska, kaddib, sidii looga bartay afartii sanno ee uu xilka hayay-na uu isu gamaariyo, waxay taasi daaha ka faydaysaa in safarkiisu ahaa sahan muddo korodhsi , balse aanu tobanka habeen ee uu Gobollada isu marayay ka shaqaynayn wax dan u ah Maslaxada guud ee Bulshada iyo u kuur-gelida Baahiyaha ka jira deegaamada uu maray.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured