Khilaaf Saddex Geesood ah oo Hadheeyey Mashaariicda Caafimaadka ee Buuhoodle

0
Monday January 26, 2015 - 18:56:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Saddex Geesood ah oo Hadheeyey Mashaariicda Caafimaadka ee Buuhoodle

    Buuhoodle(xogreebnews.com_Odayaal iyo wax-garad ka hadlay Magaalada Buuhoodle, ayaa ka dhawaajiyey Khilaaf ku saabsan Maamulka Mashaariicda Adeegyada Caafimaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuhoodle(xogreebnews.com_Odayaal iyo wax-garad ka hadlay Magaalada Buuhoodle, ayaa ka dhawaajiyey Khilaaf ku saabsan Maamulka Mashaariicda Adeegyada Caafimaadka
Buuhoodle(xogreebnews.com_Odayaal iyo wax-garad ka hadlay Magaalada Buuhoodle, ayaa ka dhawaajiyey Khilaaf ku saabsan Maamulka Mashaariicda Adeegyada Caafimaadka Degmada qayb ka mid ah oo u dhexeeya Ururro Maxali ah oo ka howl-gala Gobollada Sool iyo Buuhoodle.Khilaafka ayaa ku saabsan kala riixasho Maamulka Xannaanada dhexe ee Magaalada Buuhoodle iyo Adeegyada kale ee Caafimaadka qayb ka mid ah,waxaanu soo jiitamayey ilaa sanadkii hore, kaddib markii Wasiirka Caafimaadku soo faro-geliyey Ururro muddo dheer ka howl-gelayay Gobolka oo uu qaarkood ka joojiyey mashaariicda ay ka qaataan Hay’addaha Caalamiga ah.Geesta kale, waxay Xubnaha u hadlay Bulshada Deegaanka oo ay ka mid yihiin Maayirka Magaalada, Duqeyda iyo Wax-garad ay Taageero u fidiyeen Wasiirka Caafimaadka Saleeban Ciise Xaglo-toosiye oo ay ku amaaneen sida uu isaga xil saaray horumarinta Adeegyada Caafimaadka, iyagoo dhanka kalena ka difaacay NGO-yo ay sheegeen inay kula dacwoonayaan la wareegida Maamulka Mashruuca EPH-ka iyo kuwo kale oo uu Degmada u balan-qaaday.
“Mashaariicda Buuhoodle laga fulinayo Laascaanood lagama xukumo, cidda ku dacwoonaysa ee arrintaas hadal-haysana waxaanu leenahay Buuhoodle wixii Mashaariic ee laga fulinayo waxa u madaxbanaan Wasaaradda Caafimaadka ciday kala xisaabtamayso” ayuu yidhi Maayirka Buuhoodle Maxamed Gelin-wadaad oo Warbaahinta la hadlay.
Geesta kale, xubno ka mid ah Saraakiisha Caafimaadka ee Gobolka iyo Waayeel, ayaa ka digay in Mashaariicda horumarinta Adeegyada Caafimaadka ee Gobolka lagu wareejiyo cid aan Gobolka u dhalan. “WHO iyo UNICEF Mashaariicdooda waxa ku maamula oo ay hoostagaan Wasaaradda Caafimaadka, laakiinse ma ogolin inay cid kale wixii Buuhoodle loo qabanayo ay u soo dhiibaan” ayay yidhaahdeen.
Ma cadda Mowqifka Wasaaradda Caafimaadku ka taagantahay murankan mar labaad soo yeel-yeelanaya ee ku saabsan qadiyada horumarinta Adeegyada Caafimaadka, waxaase inta la ogyahay Wasiirka Caafimaadku horey gudaha Magaalada iyo deegaamo nawaaxiga ah uu ka dhagax-dhigay Xannaanooyin iyo qaybo cusub oo lagu Kordhinayo Cisbitaalka Guud ee Magaalada.
Waxa kale oo la sheegay in sanadkan cusub Degmada laga fulin doono Mashaariic la xidhiidha sii horumarinta Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga ah iyo kuwa muhiimka ah, Sida adeegyada EPHS oo loo soo gaabiyey (Essential package of Health).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured