“Turkiga Waxaanu Ku Heshiinay Iskaashiga Milateriga Iyo Amniga, Gaadiidka Badda, Taageerada Booliiska…”Madaxweynaha Somalia

0
Monday January 26, 2015 - 17:11:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Turkiga Waxaanu Ku Heshiinay Iskaashiga Milateriga Iyo Amniga, Gaadiidka Badda, Taageerada Booliiska…”Madaxweynaha Somalia

    Muqdisho(Xogreebnews)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sheegay inay Turkiga ku heshiiyeen Iskaashi dhinaca Militariga,Booliska iyo arrimo kale oo dhanka horumarka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Xogreebnews)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sheegay inay Turkiga ku heshiiyeen Iskaashi dhinaca Militariga,Booliska iyo arrimo kale oo dhanka horumarka ah.

Xasan Sheekh oo ka dareen Celinayay Safarkii Shalay Madaxweynaha Turkiga Mr Erdogan ku yimid Muqdisho,waxa uu sheegay in Safarku ahaa mid kooban oo aan Meelo badan lagu marin,balse uu rajaynayo inay wakhtiyo dambe fursad u heli doonaan inay bookhdaan Xeebaha iyo meelaha kale ee Muhiimka ah ee Somalia.

Hadalada Xasan waxaa ka mid ahaa “Waan ogahay in socdaalkan uu ahaa mid gaaban, kuna kooban Muqdisho. Waxan filayaa in safarkan midka xiga aan waqti badan isku heli doonno, weliba laga yaabaa inaan ku wada raaxeysano mid ka mid ah xeebaha Somalia oo aan ku wada cunno kalluunka uu waddankeena hodanka ku yahay… Waxan maqlay inay jiraan waxyaabo badan oo aan wadaagno xeebaha caanka ah ee dalka Turkiga.

Maanta waxay ahayd maalin aad loo mashquulsan yahay; waxaa noo suuro-gashay oo keliya inaan booqano laba mashruuc horumarineed oo ka mid ah liiska mashaariicda badan ee Turkiga naga taageeray. Waxaan annagoo aad u faraxsan furnay isbitaal cusub iyo weliba Terminaalka cusub ee cajiibka ah ee garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu kordhiyay.

Wadahadalka labada dhinac yeesheen waxaa diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada. Waxaa labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo taabanaya dhinacyada iskaashiga milateriga iyo amniga, dhanka dhallinyarada iyo cayaaraha, gaadiidka badda, taageerada booliiska iyo iskaashi cusub oo dhexmara warbaahinta labada dal.

Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo midkeygaba, waxan dowladda Turkiga uga mahadcelinayaa gacanta ay inaga siineyso dhinacyada dhaqaalaha, militariga, arrrimaha bulshada, iskaashiga dhaqaalaha iyo gar-gaarka aadamiga.

Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayay u hayaan saaxiibtinimada Turkiga, waxaana rajeynayaa inuu sii xoogeysto xiriirka labadeena dal u dhexeeya uuna gaaro heer ka fog midka uu maanta joogo.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured