Laba Wiil Oo Uu Dhalay Xusni Mubaarak Oo Xabsi Qaahira Ku Yaala Laga Sii Daayay

0
Monday January 26, 2015 - 17:02:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Wiil Oo Uu Dhalay Xusni Mubaarak Oo Xabsi Qaahira Ku Yaala Laga Sii Daayay

    Qaahira(Xogreebnews)Labada Wiil ee uu dhalay Madaxweyihii Xukunka laga tuuray ee Dalka Masar Xusni Mubaarak, ayaa Xabsiga laga sii daayay kadib markii ay muddo la xidhnaayeen Aabahood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaahira(Xogreebnews)Labada Wiil ee uu dhalay Madaxweyihii Xukunka laga tuuray ee Dalka Masar Xusni Mubaarak, ayaa Xabsiga laga sii daayay kadib markii ay muddo la xidhnaayeen Aabahood.

Qaahira(Xogreebnews)Labada Wiil ee uu dhalay Madaxweyihii Xukunka laga tuuray ee Dalka Masar Xusni Mubaarak, ayaa Xabsiga laga sii daayay kadib markii ay muddo la xidhnaayeen Aabahood.

Xusni Mubaarak ayaa Xilka lagaga qaaday Isu soo baxyo dalkaasi ka dhacay sanadkii 2011-kii waxaana isla bishii April ee Sanadkaasi la xidhay isaga iyo wiilashiisa oo ku eedaysan Musuqmaasuq iyo wax isdabamarinta Hantida Umadda.

Saraakiisha amaanka ee Masar ayaa Wakaaladda Associated press u sheegay in labada wiil ee Xusni Mubaarak dhalay ka baxeen Xabsiga Torah Prison oo ku yaala duleedka koonfureed ee Qaahira, islamarkaana si xor ah ay u tageen Guryahooda.

Xusni Mubaarak oo haatan 86 sanno jir ah, ayaa ku jira Cisbitaal ku yaala Saldhig Ciidamada Masar ku leeyihiin Koonfurta Caasimada Masar.

Sii daynta Wiilasha Xusni Mubaarak, ayaa la saadaalinayaa inay dhaliso Mudaharaado lagaga soo horjeedo maadaama Bulshadu tuhunsan tahay inay gacan ku lahaayeen Maamulkii Aabahood islamarkaana falal musuqmaasuq sameeyeen.

Siidaynta Labadan Nin ayaa imanaysa iyadoo shalay mudaharaad xooggan ka dhacay Masar,kaasi oo dadku ku xusayeen sanad guurada ka soo wareegtay Afgambigii Madaxweynihii Sharciga ahaa ee Masar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured