Dalalka Somaliya Iyo Turkiga Oo Maanta Heshiis Cusub Ku Kala Saxiixday Madaxtooyada Somaliya

0
Sunday January 25, 2015 - 18:59:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka Somaliya Iyo Turkiga Oo Maanta Heshiis Cusub Ku Kala Saxiixday Madaxtooyada Somaliya

    Muqdisho(xogreebnews-Madaxweynaha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan Qasriga Madaxtooyaa Villa Somalia, ayaa waxa uu shir kula qaatay Madaxda Dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews-Madaxweynaha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan Qasriga Madaxtooyaa Villa Somalia, ayaa waxa uu shir kula qaatay Madaxda Dowladda
Muqdisho(xogreebnews-Madaxweynaha Dowladda Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan Qasriga Madaxtooyaa Villa Somalia, ayaa waxa uu shir kula qaatay Madaxda Dowladda Somaliya. Labada dhinac Somaliya iyo Turkiga, ayaa waxay wada hadalo la xiriira iskaashiga labada dal ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, iyadoo diiradda lagu saaray mashaariicda horumarinta ee Turkiga ka wado Somaliya, iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, arrimaha bulshada, militariga iyo dhinacyo kaloo muhiim ah. Heshiiska ballaaran ee labada dhinac kala saxiixdeen, ayaa waxaa Dowladda Federalka Somaliya u saxiixay Sii Haayaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.
Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlaayay shir jaraa’id oo uu ku wehlinaayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Erdogan yiri “Taageeradan waxay inoo saamaxaysaa in adeegyada iyo xirfadaha sida aadka ah loogu baahan yahay la gaarsiiyo dhammaan isbitaalada ku yaala Somaliya,iyo inaan bilowno nidaam qaran oo tayo leh, kaas oo an shacabka ugu fidineyno adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin’’.
“Waanu idin garab taaganahay, farxad ayayna ii tahay in aan mar kale Muqdisho imaado si aan u dhiirigeliyo taageerada aan idin hayno. Waan hubaa in aad ka gudbi doontaan caqabadaha jira, waana muuqataa in isbeddel weyn uu jiro safarkeygii hore iyo kan maanta”. Ayuu sii raaciyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa uu Turkiga kaga mahadceliyay taageerada muuqata, ee uu siiyo dalka iyo dadka Somaliyeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured