Kaadiriintii UDUB Iyo Kuwa KULMIYE Oo Isku Muruxsaday Shalay Madal Siilaanyo Fadhiyo...“Waxaan Saaxiibkay Cali Waran-cadde u sheegayaa…Dadka Mudaharaadka wada ee kasoo hor-jeeda arinka Wershada Laydhka ee Berbera, waa HADHAAGII UDUB kasoo hadhay…”Samaale...“Saaxiibkay Samaale, waxaan leeyahay Dadkaasi maaha UDUB-e, wax walba waxa ka xun kuwa KULMIYE…”

0
Sunday January 25, 2015 - 18:43:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kaadiriintii UDUB Iyo Kuwa KULMIYE Oo Isku Muruxsaday Shalay Madal Siilaanyo Fadhiyo...“Waxaan Saaxiibkay Cali Waran-cadde u sheegayaa…Dadka Mudaharaadka wada ee kasoo hor-jeeda arinka Wershada Laydhka ee Berbera, waa HADHAAGII UDUB kasoo hadhay…”Samaale...“Saaxiibkay Samaale, waxaan leeyahay Dadkaasi maaha UDUB-e, wax walba waxa ka xun kuwa KULMIYE…”

    Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si fool-ka-fool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si fool-ka-fool
Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si fool-ka-fool ah hadalo weerar iyo weerar celin ah isugu dhaafsaday Madal uu fadhiyo ama uu xaadir ku hayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay ka dhacday xarunta Haamaha Shidaalka ee Berbera. Weedhaha labada masuul is-weydaarsadeen, oo ka dhashay eeddeyn Wasiir Samaale ku ganay Xisbigii bur-buray ee UDUB, oo uu ku xidhiidhiyey dadka ka soo horjeeda wareejinta Wershada Laydhka ee Berbera, ayaa waxa kaloo madasha laysku dhaafsay ay ka abuureen guux iyo sawaxan kala dambeeyey oo isugu jirey kuwo Marti-sharaftii xaflada ku sugnayd ku cabirayeen min-qiyaaska ama garaadka Erayadu ka soo yeedheen, halka kuwo kalena ku boogaadinayeen garashada iyo caqlii ay kasoo maaxdeen kelmadihii jawaabta u ahaa eedeymaha caabuqa kiciyey.Hadalada turxaanta lahaa ee kasoo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo aanay inta badan soo warin warbaahintii xaflada uu ka hadlay ku sugnayd, waxa ka mid ahaa kuwo Wasiir Samaale uu ku dhaleecaynayey Xisbigii UDUB ee saaxadda-siyaasadda ka baxay iyo taageerayaashii uu lahaa “Waxaan Saaxiibkay Cali Waran-cadde u sheegayaa…Dadka Mudaharaadka wada ee kasoo hor-jeeda arinka Wershada Laydhka ee Berbera, waa HADHAAGII UDUB kasoo hadhay…”sidaas ayuu ka yidhi Madasha oo ay goob-joogeyaal ka soo wariyeen.Inkastoo, sida xoggaha dhacdaan la xidhiidha lagu sheegay aanay Weedhahani farxad gelin Madaxweynaha iyo masuuliyiintii kale Madasha ku sugnaa, oo xataa cid u riyaaqday aanay jirin markii Wasiirku hadaladaa lahaa, hadana sida munaasibada laga soo wariyey, waxa jewigii iyo dareenkii Madashu hal-mar isbedelay, kaddib markii Wasiirka Daakhilgu hadalka qaatay, isla markaana kolkii uu dhammaystay araar iyo ujeedadii hore ee hadalkiisa, kadib-na rag-ba waa ku ragoodee uu ka daba-tegay hadalkii deel-qaafka ku ahaa Madasha ee uu Wasiir Samaale ku dhaliilay Xisbigii Md. Waran-cadde ka mid ahaa ragii axankiisii ugu dambeeyay ruugay.Wasiir Waran-cadde ayaa difaacii nasabnimadii UDUB iyo sida aan loogu nisbayn karo wax fool-xumo ku abtirsada, dusha u saaray dhaqankii uu Wasiir Samaale canaantay Udub. Waxaanu yidhi hadal nuxurkiisa lagu soo uruuriyey “Saaxiibkay Samaale, waxaan leeyahay Dadkaasi maaha UDUB-e, wax walba waxa ka xun kuwa KULMIYE…”
Dadka Warkan ka soo tebiyey Munaasibadu waxay intaas ku dareen in markii ereyadaasi afkiisa kasoo wada dhamaadeen Wasiir Waran-cadde, ay hal-mar dadkii Madasha fadhiyey intooda badani isla oogsadeen Sacab, Qosol iyo Guux, kuwaasoo sida lagu fasiray isugu jirey kuwo ahaa taageero hoos-ahaaneed oo dadka qaar ugu jiibinayeen hadalka Waran-cadde, iyo sidoo kale kuwo aan la dhicin wadhiisa Udub-beysan.Laakiinse isku soo wada duubboo dhacdadani waxay iftiiminaysaa kala duwaanshiyaha aragtiyaha Siyaasiyiinta Xukuumada ku wada jira ee isku dhafka ah, kuwaasoo mar aanay qadiyada Xisbinimadu meel ka wada joogin, mar labaadkana kolkoodii horeba ahaa, sidii Geelkii Xero laysugu keenay oo midba meel guri laga soo kexeeyay, kaasoo ay adagtahay sida uu isu qabtaa.Wargeyska Yool



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured