Safarkii Siilaanyo: Madaxweynihii Taageerayaashiisa Soo Dhoweynta Watay+ Garnaqsi Geed walbaa Yaallay!

0
Sunday January 25, 2015 - 00:26:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii Siilaanyo: Madaxweynihii Taageerayaashiisa Soo Dhoweynta Watay+ Garnaqsi Geed walbaa Yaallay!

    Hargeysa(xogreebnews.com_Muddo laba todobaadka ka hor ayuu safar aad u dheer oo lo bixiyey safarkii Buuraha iyo Banaanka ku gaalla bixiyeey Gobolada dalka Madaxweyene Siilaanyo wafti aad uu ballaadhan oo uu hoggaaminayey, isago safarkiisi uu horreeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Muddo laba todobaadka ka hor ayuu safar aad u dheer oo lo bixiyey safarkii Buuraha iyo Banaanka ku gaalla bixiyeey Gobolada dalka Madaxweyene Siilaanyo wafti aad uu ballaadhan oo uu hoggaaminayey, isago safarkiisi uu horreeyey ugu kicitimay dhinaca magaalo madaxda Boorama. Hadaba intii aanu madaxweynuhu gaadhin xaruunta Gobolka Awdal waxa lasoo deristay dhacdo lagu fasiray cabsi,

Hargeysa(xogreebnews.com_Muddo laba todobaadka ka hor ayuu safar aad u dheer oo lo bixiyey safarkii Buuraha iyo Banaanka ku gaalla bixiyeey Gobolada dalka Madaxweyene Siilaanyo wafti aad uu ballaadhan oo uu hoggaaminayey, isago safarkiisi uu horreeyey ugu kicitimay dhinaca magaalo madaxda Boorama. Hadaba intii aanu madaxweynuhu gaadhin xaruunta Gobolka Awdal waxa lasoo deristay dhacdo lagu fasiray cabsi, taaso dariiqa ka leexisay waftigii u Madaxweynuhu hoggaaminaayey, kuwaaso markii ay Gaadheen Degmada Dilla, ay jahaadi ka luntay kaddib markii la sheegay inay jirto xaalad kacsanaan ah oo laga soo weriyeey dadka Ku nool Boorama.

Taaso kaliftay in markii danbe ay waftigii af-ka saaren wadaada uu kacda dhinaca waqooyi ee gasha Degmada Baki isla madashaasna waftiga qaddo loogu sammeeyey, gobtaas oo ay waftigu ka fiid-caraabeen, iyago foof-kooduna ahaa inay wakhti kooban ku suggaanad xaruunta Awdal, taaso ay taalay tabaashooyin tiro beelay oo kasoo go”ay oday-dhaqaameed halkaas oo muddo hore ay keeneen wax-garaadka reer Awdal, cabaasho ku salleysay xagga saamiga ee beesha Deegaankaasi tabanayeen kuwaaso aannu Madaxweynuhu gar iyo Garoowshiyo midna la taggin.

Hadaba waxyaabaha mucjisooyinka ah ee waftiga madaxweyne siilaanyo ay ceebaha aad-ka uu badan sababay ayaa ahaa, kaddib markii uu madaxweynuhuu kusoo beeg-may magaaladda Boorama waqti fiid ah, isago Goobtaas ku sugnaa wakhti yar oo kooban. Waxana uu ku sugna ilaayo hal saac iyo badh iyado la filaayey inuu madaxweynuhu wax-ka qabashada tabaashadi ay reer Awdal hore gacanta uga saaren wakhti hore kaaso ay kasoo wareegtay muddo dheerna ka dhur sugaayeen madaxweynaha somaliland.

Balse taasi waxa ay Dab Gaas lagu shubay noqotay kaddib markii uu madaxweynuhu cabsi darteed uga soo guureeyey Booramo, isago goo-goosha dhigtay inuu seexdo Magaallo Xududeedda Wajaale, taaso ku taalla xududa u dhaxaysa Somaliland iyo Ithopio. Talaabadaasina waxa ay sababtay inuu xoogeysto taageero uu ka hello shacabka reer Awdal, suldaanka Fallaagoobey ee Wabar oo in muddo ah-ba ku jiray Buuraha iyo bulshada kala duwan ee Reer Somaliland ee kala Jooga gudo iyo debed-ba sido kalena ay dhaliil buuxda u helenasxaabta mucaaridka ahii iyagoona si ba”aan usoo da”liishaday inuu madaxweynuhu ku fashilmay wax ka qabaashada tabaashooyinkii reer Awdal. Hadaba aan ku yara noqonno shax-dii dulucda uu ahayd xagga saamiga Beelaha Samaroon ee Oday-dhaqameedkood sideed Bilood ka ho uu gudbiyeen Madaxweyne siilaanyo ee aanu ilaayo hadda waxba ka fulin. Hoos Ka Eg-

1

G.wasirada

26

05

12

43

2

Ag.wasirada

20

04

04

28

3

Madaxda hayadaha dawladda

38

03

02

43

4

A.waaxaha wasaaradaha

97

14

08

119

5

G/guurtida

45

10

27

82

6

G/wakiilada

56

13

13

82

7

Wakiilada debedda

10

03

00

13

8

M.cashuuraha beriga

11

00

01

12

9

M. kastamada

07

01

02

10

10

M. Bangiyada

07

01

04

12

11

Badhasaabada

08

01

04

13

12

H .ciidanka Boliska

20

01

02

23

13

H .ciidanka qaranka

32

09

02

43

14

T. qaybaha boliska

12

03

03

18

15

Madaxda.c.Asluubta

31

02

05

38

420

70

89

579

BOQOLKIIBA INTA LA KALA LEEYAHAY

ISAQ

GEDABURSI

OTHERS

73%

12%

15%

Docda kale, safarkii Siilaanyo ayaa intii uu socday waxa ka hor yimmi caqaabado kala duwan, kuwaaso kaga immanaayey dhinaca dadweynaha ku kala sugna meelaha ay maraayeen Madaxweynaha iyo Waftigiisu. Waxana xusid mudan in meelaha qaarkood marka la waayo cid soo dhoweysa waftiga uu hoggaaminaayo Madaxweyne siilaanyo inay soo dhoweeyan Xubno ka mid ah Wasiiradiisa, kuwaaso uu Madaxweynuhu Gacan qaadaayo, iyago meelaha qaarna ay jiraan dadweyne ku Mudaharaaday madaxweynaha iyo Kooxda uu hoggaaminaayo, kuwaaso sida lo sheegay shabakada warar ee xogreebnews-ka cadhooday kaddib markii ay waftiga ugu tallo galleen sooryo, ay waftigu iska hareer mareen halkaasna ay ka dhalaatay inay kacaan dadka deegaanka Fara-weyne ku Nooli.

Dhanka kale, waxaa jiray dhaliilo lo jeedinaayo waftiga madaxweyne siilaanyo kuwaaso ku salleysnaa xubnaha Madaxweynaha safarkiisa ku wehelinaayey, kaddib markii wasiiraddi iyo agaasimayaashi dalka faaruqiyeen xafiis-yaddi lagu hayey adeegii bulshada, waxa kale oo safarkan lagu dhaliilay oo dood-badana dhalisay, kooxo Guul-wadayaal ah oo ku wehelinaayey madaxweynaha safarkiisa isla markaasna meel walba la taagnaa sacab tumaasho mash-xarad anay marna kala go”yneynmeel walba oo uu socdo Madaxweyne Siilaanyo.

Sida oo kale, waxa uu madaxweynaha iyo waftigiisa uu hoggaaminaayo raaceen deegaanada Somaliland ee u marro xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya goobaasina waxa ay ahaayeen kuwo dadku la tubnaayen meel walba tabaasho dhaliilo ay ku eg-keynaayen xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne siilaanyo.

Sidaas oo ay tahay hadana waxa uu Madaxweynaha iyo waftigusu cagaha dhigeen carro in badan ka caaganeyd inay tagaan Madaxweynayaashu taaso uu Madaxweynuhu ku taggay qaabk Jab-hadeyn ah oo guro gal ah Magaalada Lascaanood , hadana dhacdaadasi waxa ay ahayd mid si weyn loogu ammaanay madaxweynaha iyo waftiga la socday.

Sidoo kale, waxa uu madaxwynaha iyo waftigiisu meelaha ay ay kala Kulmeen dooda adag ka mid ahaa Degmada sheikh taaso muddo laga joogo laba sanno iyo dheeraad uu Magaaladaas Madaxweynuhu Dhagax dhigay Guriga Martida ee Degmadaasi xaqqa uu lahayd, balse ilaayo hadda aan Dhagaxi la dhaqaajin, gobtaas markii uu Madaxweynaha iyo Waftigiisu soo gaadheen ayaa waxa la garnaqsaday odayaasha deegaankaas kuwaaso Madaxweynaha uu sheegay in aanu dhagax danbe meel uu dhigin maadaama oo ku dhowaad saddex sanno kii uu dhigay yaallo. Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa soo gaadhay Magaalada Berbera, markii uu soo gaadhayna wax durbadiiba madaxweynuhu ku haftay tabaashada dad weynaha reer Saaxil kuwaaso si weyn diyaar ugu ahaa inuu iga shaafiyo dareen ay qabeen kaaso ahaa cidda lagu wareejinaayo wershada laydha magaaladaas oo ah mid xeebed iyo dhacdooyinka kale oo anay ka madhneynd xagga saamiga. Waxana uu madaxweynuhuu markii hore uu sheegay wax-garaadkii garta diyaarka ula ahaa inay wadaa-fadhiisan doonaan sidaasi uu iskaaga fur-furay. Nasaasho kaddib ayaa Madaxweynuhu garan waayey si uu uga baxxo bad-weynta tabbaashada, waxana uu go”aan saday in aan cidna lo soo dayn, taasina waxa ay cirka ku sii shareertay Guxii Magaalada Berbera, shalay ayuu madaxweynuhuu kusoo Guryo noqday caasimada Somaliland ee Hargeysa, isagonay dadku sidii la filaayey usoo dhoweyn. Gunti gabo-gaabadi waxa uu safarkaasi noqday mid aan Guul buuran laga soo hoyn.

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

Info@xogreebnews.com

Tel; 4144434

Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured