Xaflad Ay Soo Qaban Qaabiyeen Ururka Naadiga Akhriska Timacade Oo Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Burco Ay Buugaag Ku Soo Bandhigeen Oo Ka Dhacday Hoolka Akhriska Buugaagta Jaamacada Timacade Ee Gabiley + Mas’uuliyiin Ka Soo Qayb-Gashay .

0
Saturday January 24, 2015 - 19:29:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad Ay Soo Qaban Qaabiyeen Ururka Naadiga Akhriska Timacade Oo Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Burco Ay Buugaag Ku Soo Bandhigeen Oo Ka Dhacday Hoolka Akhriska Buugaagta Jaamacada Timacade Ee Gabiley + Mas’uuliyiin Ka Soo Qayb-Gashay .

    Gabiley(xogreebnews.com- Xaflad Ay Soo Qaban-Qaabiyeen Naadiga Akhristayaasha Timacade Ee Magaalada Gabiley Oo Ay Buugaag Ku Soo Bandhigayeen Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Magaalada Burco

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley(xogreebnews.com- Xaflad Ay Soo Qaban-Qaabiyeen Naadiga Akhristayaasha Timacade Ee Magaalada Gabiley Oo Ay Buugaag Ku Soo Bandhigayeen Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Magaalada Burco

Gabiley(xogreebnews.com- Xaflad Ay Soo Qaban-Qaabiyeen Naadiga Akhristayaasha Timacade Ee Magaalada Gabiley Oo Ay Buugaag Ku Soo Bandhigayeen Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Magaalada Burco Oo Marti Ahaa Ayaa Ka Dhacay Hoolka Akhriska Buugaagta Ee Jaamacada Timacade Ee Magaalada Gabiley .

Xafladan Ayaa Waxaa Ka Soo Qayb-galay Ardayda Jaamacada Timacade , Xubnaha Naadiga Akhristayaasha Timacade Ee Martida Loo Ahaa , Abwaano , Qaar Ka Mid Ah Isku-Duwayaasha Wasaaradaha Ee Gobolka Gabiley , Xildhibaanka Dhalinyarada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Xil. Amiin Cumar Cabdi,Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (SHIINE) Iyo Marti Sharaf Kale Oo Aad U Tiro Badan .

Waxaa Ugu Horayn Xafladaasi Ka Hadlay Gudomiyaha Naadiga Akhristayaasha Timacade Ee Magaalada Gabiley Ayaanle Abiib Xasan FilFil Oo Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Ku Soo Dhaweeyay Guud Ahaan Magaalada Gabiley Iyo Jaamacade Timacade Ee Marti Galisay Bandhigan Buugaagta , Waxaa Uu Sidoo Kale Gudoomiyuhu Ka Waramay Ahmiyada Uu Leeyahay Akhriska Iyo Qoraalku Wuxuuna Tilmaamay In Qofba Qofka Uu Ka Akhris Iyo Qoraal Badan Yahay Uu Ka Maskax Furfuranyahay , Waxaa Uu Sidoo Kale Amaan U Soo Jeediyay Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Oo Uu Ku Tilmaamay Mid Guulo Badan Ka Gaadhay Qoraalka Waxa Uu Sidoo Kale Aad Ugu Mahadnaqay Labada Qoraa Ee Bashiir Raacdeeye Iyo Ibraahin Xamari Oo Ahaa Labada Qoraa Ee Kala Qoray Labada Buug Ee Dirkii Mucaashaqiinta Iyo Buuga Mucjisoonka Ka Dhexeeya Xisaabta Iyo Quraanka Kariimka Ah .

Waxaa Sidoo Kale Halkaasi Ka Hadlay Labada Qoraa Ee Kala Qoray Buugaagta Dirkii Mucaashaqiinta Bashiir Raacdeeye Oo Ka Waramayay Dhaqanada Soomaalida Ee Xaga Guurka Iyo Takoorka Bilaa Sababta Ah Ee Beelaha La Hayb Sooco Soomaalidu Aanay Uga Guursan Iyo Buuga Kale Ee Mucjisooyinka Ka Dhexeeya Quraanka Iyo Xisaabta Oo Uu Qoray Ibraahin Xamari Oo Aad Uga Waramay Xidhiidhka Iyo Mucjisoyinka Aan La Fahmi Karin Ee Ka Dhexeeya Quraanka Kariimka Ah Iyo Xisaabta Oo Uu Sidoo Kale Uu U Soo Bandhigay Dadweynihii Halkaasi Ka Soo Qayb Galay Daliilo Iyo Tusaalooyin Ku Tusinaya In Ay Mucjisooyin Waawayni Ka Dhexeeyaan Quraanka Iyo Xisaabta Oo Ay Dadweynihii Aad Ugu Khushuuceen .

Waxaa Sidoo Kale Halkaasi Ka Hadlay Badhasaabka Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Oo Safar Uu Ku Jiray Awgii Ka Cudur Daartay In Uu Xaflada La Dhamaysan Karin Maadaama Oo Ay Ahayd Wakhti Danbe Oo Habeenimo Ah Isla Markaana Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa U Jeediyay Dadweynaha Ka Soo Qayb Galay Xafladaasi Iyo Labada Naadi Ee Midna Martida Ahaa Midna Martida Loo Ahaa , Waxaa Uu Sidoo Kale Hadalo Dhiiri-Galin Iyo Wax Sheeg Ah U Gudbiyay Labada Qoraa Ee Bashiir Raacdeeye Iyo Ibraahin Xamari Oo Uu Aad Ugu Amaanay Sida Ay Ugu Dhiiradeen Wax Qorida Sidoo Kalena Tusaalooyin Ka Siiyay Siyaabaha Kala Duwan Ee Wax Loo Qoro Maadaama Uu Badhasaabku Mudo 25Sano Ka Badan Uu Ahaa Suxufi Wax Qora .

Sidoo Kale Waxaa Ka Hadlay Abwaan Cabdi Cali Xirsi Oo Aad Iyo Aad Ugu Khushuucay Sida Ay Labada Qoraa Ee Dhalinyarada Ahi U Qoreen Labada Buug Ee Dirkii Mucaashaqiinta Iyo Mucjisooyinka Ka Dhexeeya Quraanka Iyo Xisaabaadka , Waxaa Uu Sidoo Kale Abwaanku Wax Lala Yaabo Iyo Mucjiso Uu Maanta Bartay Ku Tilmaamay Tusaalooyin Uu Qoraa Ibraahin Xamari Ka Bixiyay Buugiisa Mucjisooyinka Ka Dhexeeya Quraanka Iyo Xisaabaadka Oo Aad U Soo Wada Jiitay Dhamaan Dadweynihii Iyo Marti Sharaftii Xafladaasi Ka Soo Qayb Galay , Waxaana Uu Abwaanku Ku Dhiiri Galiyay Labada Qoraa In Aanay Sidaa Qoraalka Ka Hadhin Ee Ay Ku Dhiiradaan Mar Walba In Ay Wax Qoraan .

Waxaa Sidoo Kale Halkaasi Ka Hadlay Afhayeenka Waftiga Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Burco Mustafe Teacher Oo Dhamaan Dadweynaha Reer Gabiley Iyo Naadiga Akhriska Timacade Uga Mahad Celiyay Sida Wanaagsan Ee Ay U Soo Dhaweeyeen Waxaa Uu Sidoo Kale Su’aalo Waydiiyay Martisharaftii Ka Soo Qayb Gashay Xafladaasi Oo Uu Kuwii Gartay Gudoonsiiyay Buugaagtii La Soo Bandhigayay .

Waxaa Xafladaasi Soo Gabogabeeyay Oo Soo Xidhay Xildhibaanka Dhalinyarada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Xildhibaan Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Oo Aad Ugu Amaanay Labada Qoraa Sida Wanaagsan Ee Ay Bugaagtaasi U Soo Qoreen Waxaana Uu Sidoo Ku Dhiiri Galiyay In Aanay Intaa Kaga Caajisin Ee Loo Baahanyahay In Marwalba Dhalinyaradu Wax Qorto , Waxaa Uu Sidoo Kale Xildhibaan Amiin Dhalinyaradii Xafladaasi Ka Soo Qayb Gashay U Iibiyay Buugaag Baqtiyaa Nasiib Uu U Tuuray Oo Qaarkood Ku Guulaysteen .

Intaa Ka Dib Xildhibaanka Dhalinyarada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Iyo Labada Naadi Akhris Ee Timcade Iyo Halkaraan Waxay U Huleeleen Hotel Bookh Ee Magaalada Gabiley Oo Uu Xildhibaan Amiin Casho Sharaf Ugu Sameeyay Dhalinyarada Labadaas Naadi .

Daawo Sawiro .

IMG_3894IMG_3897IMG_3898IMG_3899IMG_3900IMG_3903IMG_3910IMG_3919IMG_3923IMG_3924IMG_3928IMG_3930IMG_3932IMG_3939IMG_3941IMG_3946IMG_3948IMG_3953IMG_3957IMG_3959IMG_3960IMG_3965IMG_3973IMG_3974IMG_3975IMG_3977IMG_3978IMG_3979IMG_3980IMG_3983IMG_3986IMG_3987IMG_3989IMG_3990

C




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured