Madaxweynaha Turkiga oo sii watay Safarkiisa kuna Jeeda Muqdisho

0
Saturday January 24, 2015 - 18:44:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo sii watay Safarkiisa kuna Jeeda Muqdisho

    Djabouti-(xogreebnews.com_Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay soo gaadhay dalka Jabuuti, iyadoo uu hakiyay Safarkii uu shalay ku tegi lahaa caasimada Muqdisho kadib geeridii ku timid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Djabouti-(xogreebnews.com_Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay soo gaadhay dalka Jabuuti, iyadoo uu hakiyay Safarkii uu shalay ku tegi lahaa caasimada Muqdisho kadib geeridii ku timid Djabouti-(xogreebnews.com_Madaxweynaha Turkiga ayaa xalay soo gaadhay dalka Jabuuti, iyadoo uu hakiyay Safarkii uu shalay ku tegi lahaa caasimada Muqdisho kadib geeridii ku timid Boqorkii Sacuudiga Boqor Cabdalla, wuxuuna shalay oo jimco aheyd ka qeyb galay aaska iyo salaadii janaasada Meydka Boqorka ee ka dhacday magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa aaskii Boqorka ka dib horey u sii watay safarkiisa uu ku marayay qaaradda Afrika, iyadoo la filayo in maanta wada hadalo yeeshaan Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil CumarGeelle.Booqashada Erdogan ee uu ku marayo dalal badan oo Afrika ah ayaa ujeedkiisa yahay sidii uu u xoojin lahaa xidhiidhka dalalkaas iyo midka ganacsi, waxaana Turkiga heshiis ganacsi uu la geli doonaa Jabuuti.Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa socdaalkiisa ku tegi doona magaalada Muqdisho maalinta berri oo Axad ah. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xadhiga kajaro mashaariic badan oo uu Turkiga ka hirgaliyay magaalada Muqdisho, Goobaha uu Madaxweynaha turkiga xadhiga ka jari doona ayaa kala ah Garoonka Diyaaradaha ee Aada Cadde iyo Isbitaalka Digfeer iyo goobo kale oo badan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured