Maxkamad Ku Taala Mareykanka Oo 4 Sano Oo Xabsi Ah Ku Xukuntay, Gabar Dhawaan Qaadatay Diinta Islaamka

0
Saturday January 24, 2015 - 18:36:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad Ku Taala Mareykanka Oo 4 Sano Oo Xabsi Ah Ku Xukuntay, Gabar Dhawaan Qaadatay Diinta Islaamka

    Hargeysa(xogreebnews.com_Maxkamad ku taala Magaalada Denver ee ee Gobolka Colorado, ayaa waxay muddo afar sano oo xabsi ah ay ku xukuntay gabar dhawaan qaadatay Diinta Islaamka. Gabadhaan oo lagu magacaabo Shannon Conley, ayaa waxaa bishii April ee s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Maxkamad ku taala Magaalada Denver ee ee Gobolka Colorado, ayaa waxay muddo afar sano oo xabsi ah ay ku xukuntay gabar dhawaan qaadatay Diinta Islaamka. Gabadhaan oo lagu magacaabo Shannon Conley, ayaa waxaa bishii April ee sanadkii
Hargeysa(xogreebnews.com_Maxkamad ku taala Magaalada Denver ee ee Gobolka Colorado, ayaa waxay muddo afar sano oo xabsi ah ay ku xukuntay gabar dhawaan qaadatay Diinta Islaamka. Gabadhaan oo lagu magacaabo Shannon Conley, ayaa waxaa bishii April ee sanadkii tagey laga qabtay Garoonka Duulimaadyada ee Magaalada Denver, xilli ay qorsheyneysay inay u gudubto dalka Suuriya, si ay gacan u siiso Dowladda Khilaafada Islaamka.
Shannon Conley, ayaa Maxkamadda ka hor qiratay in safarkeeda uu ku wajahnaa dalka Jarmalka, si ay uga sii gudubto dalka Suuriya, oo Xoogaga Daacish ay ka dagaalamaan.
Shannon Conley oo 19 sano jir ah, ayaa waxay mahadcelin u jeedisay FBI-da Mareykanka, sababo ku aadan iyadoo ku ammaantay inay nolosheeda badbaadiyeen.
Xukunka Maxkamadda, ayaa dhacay Jimcihii shalay, markii ay Maxkamaddu u fadhiisatay dacwad ciqaabeedka gabadhaasi.
Mareykanka, ayaa gacan bir leh kula tacaayaa dadka doonaaya inay ka taggaan dalkaasi, kuna biiraan Xoogaga Dowladda Khilaafada Islaamka, oo gacanta ku haaya dhul ballaaran oo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
xogreebnews.office Hargeysa/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured