Caqabado Weli Ka Taagan Magacaabidda Golaha Wasiirada, Xilli Mudada Uu Qabsaday Raiisal Wasaaraha Ay Gabaabsi Ku Dhowdahay

0
Saturday January 24, 2015 - 18:32:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 740
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabado Weli Ka Taagan Magacaabidda Golaha Wasiirada, Xilli Mudada Uu Qabsaday Raiisal Wasaaraha Ay Gabaabsi Ku Dhowdahay

    Hargeysa(xogreebnews.co_Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu la kuftaa dhacayaa, sidii uu ku soo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisaan curdunka ah. Ra’iisal Wasaara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.co_Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu la kuftaa dhacayaa, sidii uu ku soo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisaan curdunka ah. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu Hargeysa(xogreebnews.co_Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa wuxuu la kuftaa dhacayaa, sidii uu ku soo magacaabi lahaa Golaha Wasiirada ee Xukuumaddiisaan curdunka ah. Ra’iisal Wasaaraha, ayaa wuxuu caqabadaha ugu xoogan uu kala kulmayaa ragga ku xeeran Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaanada Baarlamaanka.Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay weli ka biyo diidan yihiin in Golaha Wasiirada lagu soo celiyo ilaa afar xubnood oo si dhow loola xiriiriyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaanadu waxay kaloo diiday in mid ka mid xitaa afartaasi xubnood lagu soo daro Liiska Golaha Wasiirada.Madaxweynaha iyo xertiisa, ayaa mid muhiim ah u arka inay iska dhex arkaan Golaha Wasiirada cusub, waxayna taasi caqabad kale ay ku noqotay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa Ra’iisal Wasaaraha ugu baaqay haddii uu doonaayo in Xukuumaddiisu ay shaqeyso, inaanu afartaasi xubnood midkood xitaa ku soo darin Golaha Wasiirada.Madaxda Dowladda oo marar badan isku noq noqday si ay go’aan kaga gaaraan arrinta Golaha Wasiirada, ayaa waxaa la soo sheegayaa inaanay ka soo bixin natiijo miro dhal ah. Waxayna taasi dib u dhigtay in la soo dedejiyo magacaabiddii Golaha Wasiirada.Beesha Caalamka, ayaa waxay walaac xoog badan ay ka muujineysaa is qabqabsiga ka taagan magacaabidda Golaha Wasiirada, xilli ay dareensan tahay in waqtigii uu qabsaday Ra’iisal Wasaaruhu, uu isa sii guraayo.War Saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Mareykanka, Britain iyo Urur Goboleedka Igad, ayaa waxaa Madaxda Dowladda loogu baaqay in si deg deg lagu soo magacaabo Golaha Wasiirada.Beesha Caalamka, ayaa waxay War Saxaafadeedka ku sheegtay in lagama maarmaan ay tahay, in Madaxtooyada Somaliya ay soo magacawdo Gole Wasiiro, oo heli kara codka Xildhibaanada Baarlamaanka.Si kastaba ha-ahaatee siyaasiyiinta Somaliyeed, ayaa waxay Madaxtooyada ku dhaliileen inay ka dhaqaaqi kari la’dahay nin jecleysi iyo eex, taasina ay keentay in culeys uu ka soo fuulo dhinaca Baarlamaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured