“Waa In Lagu Dhiirado Inaynu Xukuumaddeena Ka Qabano Raga (Damu-Jadiid) Ee Ku Jira…Ma Doonayno Inaynu Dib U Galno Dagaaladii 70-Taneeyadii Ee Ka Jiray Bariga Africa” Cabdilaahi Abokor Oo Ka Waramay Arrimo Xasaasi Ah Oo Dalka Looga Cabsi Qabo

0
Thursday January 22, 2015 - 22:00:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waa In Lagu Dhiirado Inaynu Xukuumaddeena Ka Qabano Raga (Damu-Jadiid) Ee Ku Jira…Ma Doonayno Inaynu Dib U Galno Dagaaladii 70-Taneeyadii Ee Ka Jiray Bariga Africa” Cabdilaahi Abokor Oo Ka Waramay Arrimo Xasaasi Ah Oo Dalka Looga Cabsi Qabo

    Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor,oo dhowaan lagu sii daayey xabsigia dhexe ee magaalada Hageysa,kaddib cafis uu fidiyeey madaxweyne sillaanyo, ayaa mar labaad ka dhawaajiyeey hadaalo la mid ah kuwii marki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor,oo dhowaan lagu sii daayey xabsigia dhexe ee magaalada Hageysa,kaddib cafis uu fidiyeey madaxweyne sillaanyo, ayaa mar labaad ka dhawaajiyeey hadaalo la mid ah kuwii markii hore laga raacay, isla markaasna sababta uu ahaa xukunkii dheeraa ee maxkamadda Gobolka Hargeysi ku riday.

Cabdilaahi Abokor oo shalay hadal kooban ka jeediyeey xaflad ay soo qaban-qaabiyeen Ururka dhalinyarada ee Jidaali, ayaa mar uu ka hadlaayey xidhiidhka siyaasadeed ee ay Somaliland leedahay Dawladaha aynu Jaarka nahay, waxa uu xusay in wakhtii xaadirkan aanu jirin xidhiidh siyaasadeed oo Somaliland la wadaagto Dawladaha deriska la ah, arrintan oo si dadban uu sababteeda ku fasiray inay tahay mid xidhiidh la leh awoodaha isa-soo taraaya oo kooxaha Shaadhka Diimeed xidhan siyaasada ku leeyihiin, sida Kooxaha Damul-jadiid iyo Al-islaax, kuwaaso uu sheegay inay haystaan dhaqaale badan, taaso ay ku damac-san yihiin inay sii fudud kula wareegan awooda iyo talaada dalka.

Isagoo arrimahaas ka hadlaaya waxaa uu yidhii. “Dalku waxaa uu jiraa takoor siyaasadeed, oo Dawladaha Derisku ma jecla dalkeena waxaana ka mid ah as-baabahaas waxyaabaha maanta xamar ka dhacaysaa inteenu way ka qarsoon tahay oo ragga (Damu-jadiid) Ee Xukuumaddeena ku jira inaynu ka qabaanno waayo intaas oo Bilyan ayeynu bad-baadinaynaa ”ma doonayno inaynu dib u galno dagaaladii todobaatanadii ka jiray bariga Africa, Frence iyo Ingiriis waxay colaadi ku bedesheen inay wadaa noolaadan sababto ah waxaa loo baahan yahay in aynu noqono dad wadaa noolaada oo deris ah”.

Waxaa kale oo Cabdilaahi madaasha ka sheegay inuu hayo Buug uu qoray intii uu xabsiga ku jiray, kaasoo ah mid uu kaga waramaayo dhacdooyin iyo xoggo aad mihiim uu ah, isla markaana uu xusay inuu soo bandhigi doono sidaa ugu dhakhsaha badan, wallow uu sheegay inay soo gaadhayaan hanjabaddo iyo digniino la xidhiidha Buugiisa. “waxa jira bug aan qoray intii aan xabsiga ku jiray oo ka kooban Afar boqol iyo dhawr iyo toban bog oo aan soo bandhigi doono wakhtigiisa waxaa iga yimmi hanjabaado balse uu joojin maayo”.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured