”Anigu Maamul Dawlad Hoose Maan Dhaliilin, Ee Laba Qodob Oo Lay Waydiiyey Ayuunbaan Ka Jawaabay..” Cawl Cilmi Cabdalla

0
Thursday January 22, 2015 - 21:43:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ”Anigu Maamul Dawlad Hoose Maan Dhaliilin, Ee Laba Qodob Oo Lay Waydiiyey Ayuunbaan Ka Jawaabay..” Cawl Cilmi Cabdalla

    Hargeysa(xogreebnews.com_Maayirkii hore ee Caasimada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdale, ayaa markii ugu horaysay sawir ka bixiyey aragtidiisa ku aadan bilicda, qorsheynta iyo qaabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Maayirkii hore ee Caasimada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdale, ayaa markii ugu horaysay sawir ka bixiyey aragtidiisa ku aadan bilicda, qorsheynta iyo qaabka
Hargeysa(xogreebnews.com_Maayirkii hore ee Caasimada Hargeysa Cawl Cilmi Cabdale, ayaa markii ugu horaysay sawir ka bixiyey aragtidiisa ku aadan bilicda, qorsheynta iyo qaabka Magaalleedka xilligan Casriga ah ee Caasimada Hargeysa oo uu muddo dheer Maayir ka ahaa xilligii dib u dhiska dalka, laguna soo laabtay Magaallooyinka waaweyn oo lagu xasuusto dejintii dadkii ka soo laabtay Xeryaha Qaxoontiga ee gudaha Waddanka iyo dalalka Jaarka siiba Itoobiya.Cawl Cilmi Cabdalle oo Maayirka Caasimada Hargeysa uu kala Wareegay Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo muddo toban sannadood ah isaguna ahaa Duqa Magaalada, kaddib markii Golihii deegaanka ee u horeeyey la doortay sanadkii 2002-kii , waxyaabihii kale ee uu qabtay laguna xuso, ay ka mid yihiin Dhismaha Suuqyada waaweyn ee Gobanimo, Waaheen iyo goobo kale oo muhiim ah oo hada ka mid ah goobaha ugu israraatiijisan, ayaa daboolka ka qaaday in horumar fiican ka muuqdo Magaalada Hargeysa wakhtigan. hase ahaatee hadana waxa uu sheegay inay jiraan waxyaabo ka mid ah waxqabadkiisii oo halkii uu kaga tegay ku baaba’ay, oo aan xataa dayac-tir lagu samayn.sida Inshaarooyinkii Baabuurta kala hagi jiray ee Magaalada uu u sameeyay xilligii Duqa ka ahaa, Caalamadihii Taallooyinka ahaa uu ka dhisay meelaha qaar iyo Diyaaradii uu Badhtamaha Magaalada saaray ee astaanta u ahayd xasuusta Halgankii Dalka loo soo maray iyo Xasuuqii shacbiga.
“Ninka doonaya inuu wax qabto ee aanay Dadkuna doonayn wuxuu qabtay feejignaan badan ayaa looga baahanyahay, markaa horta magaaladu taan xukumi jiray maaha hada” ayuu ku sheegay Waraysi uu siiyey Wakaallada Wararka ee GNA Arbacadii Maanta. Cawl Cilmi Cabdalle, waxa talooyin u soo jeediyay Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa, talooyinkaasoo ku saabsan qurxinta Magaalada, dayactirka goobaha Taariikhiga ah, hogaamintooda maamul iyo xogogaal u noqoshada baahiyaha Bulshada ay xukumaan, “Magaaladu waxay baahantahay Laydhkii Waddooyinka, Diyaaradii Magaaladii Khayriyada Saarnayd waxay u baahantahay in la rinjiyeeyo”ayuu yidhi.Maayirkii hore ee Hargeysa waxa uu sheegay in Magaalada lagu horumarin karo oo qudha marka uu Maamulba Maamulka uu xilka kala wareego wixii uu qabtay wax-tar ku sii daro oo aanu xagal-daacin “Maamul waliba markuu shaqada la wareego inuu wax ku sii daro, ayaynu wax ku noqonaynaa, laakiinse hadii uu wixii hore dumiyo waxba hagaagi maayaan. Iminka Golaha Deegaanka ee joogaa waxba may xumayne Maayirkii Jiciir ayaa dumiyey wax badan oo aanu Magaalada ka dhisnay, cid allaale iyo cid kala xisaabtantayna ma jirto, laakiin kuwan cusubi wali wax lagu canaanto may xumayn” ayuu yidhi.Geesta kale Cawl Cilmi Cabdalle, waxa kale oo uu waraysigan ku saxay hadallo Warbaahintu baahisay oo uu sheegay in la khalad tafsiiray waraysi todobaadkan uu siiyey Warbaahinta qaar ka mid ah, kaasoo Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa qaarkood ku sheegeen inuu dhaliilay Maamulka Duqa Caasimada Hargeysa iyo Cabdiraxmaan Soltelco iyo Golaha Deegaanka ee uu madaxda u yahay.Waxa uu arrintaasi ku tilmaamay arrin la khalad turjumay, “ Nin Wariye ah ayaa laba qodob i waydiiyey afar maalmood ka hor oo aan uga jawaabay, maamul dawlad hoose maan dhaliiline wixii khalad dhacay ayuunbaan tilmaamo ka yara bixiyey. Magaalada Laydhkeedii goor ugu dambeysay la garan mayo, Diyaaradii rinji goor ugu dambeysay la garan mayo, hadii la mariyeyna mid iska caadiya mooyaane kii ay u baahnayd lama marin, markaa wixii markii qoraal laga dhigay ayay si kale u muuqdeen, markaa hadii wixii khaldan sidii loo sheegi lahaa tafsiir khaldan loo micneeyo anigu si wax loo sheegaba garan maayo, dadkeena ayuunbaa wixii si kale u sheegaya oo duwaya” .Ugu dambeyn Cawl Cilmi Cabdalle wuxuu kula dardaarmay Golaha Deegaanka ee cusub “Golahan Deegaanka waxaan kula dardaarmayaa hogaamintiina iyo xogogaalnimadiina kordhiya” ayuu yidhi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured