Faysal Cali Waraabe Oo Tiriyay Tallooyin Uu Madaxweyne Siilaanyo Siiyay Safarkiisii Awdal Ka Hor Balse, Aanu Madaxweynuhu Waxba Ka Fulin

0
Thursday January 22, 2015 - 18:50:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe Oo Tiriyay Tallooyin Uu Madaxweyne Siilaanyo Siiyay Safarkiisii Awdal Ka Hor Balse, Aanu Madaxweynuhu Waxba Ka Fulin

    Hargeys (xogreebnews.com_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe,ayaa si adag uga hadlay safarkii madaxweyne Siilaanyo uu ku soo maray magaalada Boorama ee caasimada gobalka Awdal, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeys (xogreebnews.com_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe,ayaa si adag uga hadlay safarkii madaxweyne Siilaanyo uu ku soo maray magaalada Boorama ee caasimada gobalka Awdal, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in madaxweyne Siilaanyo uu waxba ka soo qaban waayo talooyin uu sheegay in uu sii siiyey ka hor
Hargeys (xogreebnews.com_ Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng:Faysal Cali Waraabe,ayaa si adag uga hadlay safarkii madaxweyne Siilaanyo uu ku soo maray magaalada Boorama ee caasimada gobalka Awdal, waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay in madaxweyne Siilaanyo uu waxba ka soo qaban waayo talooyin uu sheegay in uu sii siiyey ka hor intii aanu gobalkaasi tagin, waxaana uu sheegay in uu u soo jeediyey in wax ka qabto tabashooyinka ka soo yeedhayey muddooyinkii danbe dadka ku dhaqan gobalka Awdal, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay nasiib darro tahay in habayaraatee talooyinkii uu siiyey aanu madaxweyne Siilaanyo waxba ka soo qabanin, isaga oo sida oo kalena tibaaxay in uu aad uga xun yahay in madaxweyne Siilaanyo aanu u hoyan magaalada Boorama balse uu seexday magaalada Wajaale. Eng:Faysal Cali Waraabe,ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar oo uu siiyey barnaamijka dareenka shacabka oo ka baxa Talefeeshanka Horn cable, waxaana uu ugu horeyn ka hadlay sida uu u arko Suldaankii dhawaan ka goostay Somaliland ee duurka galay sida oo kalena ku dhawaaqay hadalo lid ku ah qaranimada Somaliland, waxaana kale oo uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu meeqaam aad u hooseysa uu ku qaabilay madax dhaqameedkii ka soo jeeday gobalka Awdal ee tabashooyinka u soo gudbiyey.
“Horta waa nasiib darro inta uu nin ka baxo Somaliland uu yidhaahdo Somaliland ma jirto,dalka waan ka goosanay,qofkaasi horta qof gar helaaya maaha, Somaliland-na wax dhibaato ah oo uu yeelayaa ma jirto, waa in la kala saara marka hore cabashada reer Awdal iyo ta suldaankaas, dawladu sida ay wax u maamushay si xun weeye, waxa weey maaha in qof hadlay oo yidhi Somaliland ma jirto in loo aaneeyo Somalilnd oo dhan maaha, in iyada oo ciidamo fara badan la wato lagu wareejiyo meesha maaha, jawaabta umadda wax sheegtana maaha umadda, madaxweynaha waa loo yimi si aqoonaysan oo xiqiiqada ka hadlaysa oo dhibaatadoodu ku tiri ku teen maahe qoran oo cad oo ay soo daraaseeyeen ayey u keeneen, anigaba waa lay keenay oo waan akhriyey, madaxweynahu waxaa ay ahayd in uu qanciyo ayey ahayd in uu gogasha uu u fidiyo ayey ahayd in uu qanciyo ayey ahayd,macawis u keeno ayey ahayd, qaad u soo qaado ayey ahayd, oo la wada sheekaysto laakiin kada loobka ayuu ku waraystay oo ah wax aan ahayn dee meeqaamkoodii may ahayn”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe.
Eng:Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa isaga oo ka hadlaaya talooyinka uu u soo jeediyey madaxweyne Siilaanyo, waxaa uu yidhi:”Imika waan ka xumay madaxweynaha talooyinka aan siiyey sidaas may ahayn, anigu waxaan ku idhi marka aad Awdal gaadho salaadiintii dib ugu yeedh daji, fadhiisi,la sheekayso,shaqaalaha sanadkan la samaynaayo 30% ugu balan qaad in laga qoranaayo reer Awdal, 40% in laga qoranaayo dhinaca kale ee Sool iyo koonfurta Sanaag oo beelaha iyagana wax la siiyo,dadka masaakiinta ah ee ka soo xagaa baxaaya Jabuutina ee qofkiiba 30-dollar laga qaadayo, waa in 30-kaa laga daayo, oo dadka reer Jabuuti waa dadkeenii oo soo xagaa baxaaya waana in lacagta laga daaya, in aad isku badal lagu sameeyo wasaaradaha oo laysku daalac tiro ilayn dadbaa iska haysta wasaaradihii waa weynaa oo dhanee, talooyinkaas ayaan horta anigu siiyey,laakiin anigu maan odhan inta aad Boorama tagto jimce ka soo carar,anigu arrintaas aad iyo aad ayaan uga xumahay, halka uu Togwajaale ka seexday, waxaa ay ahayd in magaalada wax tirsanaysa in uu habeenkaas la seexdo ayaa ay ahayd oo uu habeenkaa la qaato”. Ugu danbayntiina Eng:Faysal Cali Waraabe, waxaa uu sheegay in beelaha Somaliland aanay si siman u helin saamiyada ay ku leeyihiin golayaasha wasiirada xukuumada Siilaanyo.”Reer Awdal maalintii uu dalka madaxweyne Riyaale hogaanka hayey iyo maanta maalinta Riyaale ayey ka saami yaraayeen, oo Riyaale waxaa uu ahaa nin is illaalinaaya oo dee sida wanaagsan ee uu sameeyo ninka wanaagsan ee gobta ahi ah, reerkaasi waa uu ku qaday barigaa dalka, waa uu ducaystay, maanta waa ay ka saami badan yihiin, maanta hadaba maxaa ku dhacay, markii uu golahiisa wasiirada magacaabay Siilaanyo Jaamacada ayaan ka khudbadeeyey ardaybaa baxaysay, waxaan ku idhi ma nihin inagu wadamada Yurub iyo Maraykan ee oo xisbigii helaa dawlada u qaata ee inagu beelo ayaa aynu nahay, markaa waa in aad beelaha isku miisaanta, muu yeelin, waxaa ay sameeyeen saddexdii beelood ee uu ka koobnaa xisbiga Kulmiye, ayaa dawladii noqotay, markaas ayaa waxaa kaaga daran agaasimayaashii iyo agaasime waaxeedyadii oo aan ahay kuwo siyaasadeed ayuu kuwii kulmiye keenay oo ahaa dad kulmiye ah oo taageerayaal ahaa, markaa dee markii kulmiye helay dee beel kulmiye ah may ahayn, oo beeshayda ayaa ka mid ah wasiirba ma lihin, wasiir cukuse ma agaasime idaacadeedbaa dee ilayn ma jiraan warfaafin kale, dee waa agaasime idaacadeed, iyo wasiir dawle madaxtooyada ah, marka reer Boorama waa ay la qabaan maamulkaa aan isku dheeliga tirnayn oo laga yaabo in ay beeli leedahay 5-wasiir oo aan isku dheeli tirnayn, shaqadiina horta waxa wax kharibayna waa wasiirada, Somaliland mushkilada maanta haysata wasiir kastaaba waa wasiir reereed,kamanala hadi kartid oo haddaad tidhaahdo wasiirkaasi xumaan ayaa uu sameeyey reerkooda ayaa ku caayaya oo reerkooda ayaa uu dabada galinayaa, markaa dhibaatada Awdal haystaa waa dhibaato caan ah oo waata haysta”.Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured