Koox Aan Haybtood La Aqoonsan Oo Xalay Fiidkii Nin Muwaadin Ah Oo Dhalinyar Ah Qudha Kaga Goysay Hargeysa Iyo Meydka Oo La Soo Dhigay Cisbitaalka Weyn Ee Hargeysa.

0
Thursday January 22, 2015 - 09:29:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koox Aan Haybtood La Aqoonsan Oo Xalay Fiidkii Nin Muwaadin Ah Oo Dhalinyar Ah Qudha Kaga Goysay Hargeysa Iyo Meydka Oo La Soo Dhigay Cisbitaalka Weyn Ee Hargeysa.

    Hargeysa(xogreebnews— Alle Ha U Naxariistee Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Xuseen ayaa xalay fiidkii Abaaro Salaadii Caashaayi Kadib koox aan la aqoonsan toori nafta kaga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews— Alle Ha U Naxariistee Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Xuseen ayaa xalay fiidkii Abaaro Salaadii Caashaayi Kadib koox aan la aqoonsan toori nafta kaga
Hargeysa(xogreebnews— Alle Ha U Naxariistee Marxuum lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Xuseen ayaa xalay fiidkii Abaaro Salaadii Caashaayi Kadib koox aan la aqoonsan toori nafta kaga qaadeen wakhti uu marxuumkaasi ka gudbayay dooxa Weyn ee Magaalada Hargeysa kala qaybiya meel ku beegan Agagaarka beerta Amare ee ku taala qarka dooxa.Ciidamada Dabi baadhista ayaa baadhis xoogan ku wada falkan dilka ah iyadoo ehelada marxuumka la dilay ay soo buux dhaafiyeen gudaha Cisbitaalka Weyn ee Hargeysa xalay oo ay si weyn uga muuqatay tiiraanyo xoogani,iyadoo aan xalay la xaqiijin kooxda dilka gaysatay iyo sababta ay marxuumkaasi ku dileen.
Wariye ka tirsan Wargeyska Foore oo xalay booqday Cisbitaalka Weyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu xalay la kulmay dhakhtarkii heeganka u lahaa kaasi oo uga war bixiyay nabarada ku yaala Meydka marxuumka ee la filayo inuu u dhintay.waxa dhakhtar sheegay in meyka marxuumka ay ku yaalaan laba nabar oo waa weyn oo mid ka mid ahi kaga yaalo garabka midig hoostiisa oo maalaynayo in toori weyn laga galiyay marxuumka,dhiigbadanina nabarkaasi ka yimid,halka nabar kale oo culusina uu kaga yaalay Isha dusheeda (Koodka) kaasi oo isna ahaa nabar aad u weyn oo dhakhtarku ku sheegay in walax bir ah laga dhuftay dhiig badanina uu ka yimid.
Meydka Marxuumka ayaa ka hor intaan la keenin Qolka meydka ee Cisbitaalka guud ee Hargeysa waxa la soo mariyay Isla Xalay xarunta CID-da Hargeysa halkaasi oo baadhitaano qoto dheer loogu soo sameeyay oo tixraac u noqon kara raadka baadhiseed ee falkan dilka ah.
Dhinaca kale Wargeyska Foore oo u kuur galay inuu xogo dheeraad ah ka helo Marxuumka waxa uu wariye ka tirsani Cisbitaalka weyn Xalay kula kulmay xubno ka mid ah ehelada marxuumka kuwaasi oo sheegay in marxuumka geeriyooday ahaa nin mudo ku jiray xarumaha caafimaadka dhimirka Hargeysa oo in mudo ah uun ka so maqnaa islamarkaana aanay garan Karin cida falkani u gaysatay iyo sababta loo dilay toona.
Dambiyada noocan oo kale ah ayaa mudoyinkii u dambeeyay ku soo badanayay dalka iyadoo inta badan cida gaysata aan gacanta lagu soo dhigin ee la iska ilaawo.
xigaasho Foore



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured