Khilaafka SONYO Oo Wali Taagan iyo Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Munaasibad Qabsaday

0
Thursday January 22, 2015 - 09:12:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka SONYO Oo Wali Taagan iyo Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Munaasibad Qabsaday

    Hargeysa(Xogreebnews)-Dalladda Midaysa Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayuu wali khilaafkeedu cakiran yahay, kadib markii shirweynaheedii khilaaf hadheeyay. Dalladda oo laba garab u kala jabtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Dalladda Midaysa Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayuu wali khilaafkeedu cakiran yahay, kadib markii shirweynaheedii khilaaf hadheeyay. Dalladda oo laba garab u kala jabtay

Hargeysa(Xogreebnews)-Dalladda Midaysa Ururada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayuu wali khilaafkeedu cakiran yahay, kadib markii shirweynaheedii khilaaf hadheeyay. Dalladda oo laba garab u kala jabtay ayaa laba musharax oo sanadkan tartamayay mid kasta dhinaciisa u sheeganayaa Gudoomiyaha Rasmiga ah.

Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame oo markii u horaysay ahaa ka haystay Aqlabiyadda balse wakhtigii loo caddayn lahaa Garabka kale shirka ka dareeray ayaa maanta ku qabsaday Magaalada Hargeysa Munaasibad ay awoodooda ku muujinayaan.

Cabdicasiis Xirsi Warsame Oo Ugu horayn Madasha ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan ugu horayn halkan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland oo aan jecelahay inaan farriina u diro oo runtii Dhalinyarada Somaliland waxbadan u qabtay laakiin, qolo la shaqaysaa doonayso inay hadda Iskiisad dib u mariso, taasna waxaanu leenahay waa inaad Madaxweyne ku baraarugtaa, waa inaad arrintaas ogaataa oo waxay doonayaan inay khaatumada kaa xumeeyaane waa inaad arrintaas ka digtoonaato” ayuu yidhi Cabdicasii Xirsi Warsame.

Dhinaca kale waxa uu farriin u diray Ururada kale ee Dalladda Sonyo ku jira “Waxa aan jecelahay inaan farriin u diro Ururadda ku jira SONYO, waxaanan leeyahay SONYO idinkaa iska leh, SONYO waxaynu doonaynaa inay noqoto SONYO-adii la yaqaanay,SONYO-dii Magaca wanaagsan lahayd, SONYO-dii Hormoodka u ahayd dhalinyarada Somaliland”

Cabdicasiis waxa uu duray hogaanka xilku ka dhamaaday ee SONYO “Dadkii aad xilka u dhiibateen labadii cisho ee shirweynaha waxay waxaad ogtihiin oo khilaaf iyo dhib ah u samaynayeen inaan lala xisaabtamin, si aan madmadowga jira loo soo saarin taasna waxaynu leenahay marnaba ka yeeli mayno, Ururadana waxaanu leenahay arrintaas u diyaar garooba,Xaqiinana yaan marnaba la duudsiyin ee diyaar u ahaada.”

Dhinaca kale Buraale Foolxume iyo Xubno kale oo taageersan Garabkan ayaa Wasiirka Ciyaaraha ku eedeeyay kala qaybinta Dalladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO. Waxay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu si qoto dheer u eego Khilaafka SONYO islamarkaana u dhug yeesho Ficiladda Masuuliyiinta uu xilka u dhiibtay oo ku hawlan Kala qaybinta Dhalinyarada.

Khilaafka Dalladda SONYO, ayaa yimid ka dib markii Shirweynihii 7-aad oo qabsoomay dabayaaqadii Bishii December lagu kala kacay. Ergooyinka taageersan Siyaad Cumar Cali, ayaa ka dareeray Shirka ka dib markii sida la sheegay Aqlabiyaddu raacday Musharaxa kale, waxaana shirkaasi xidhay Hogaankii hore ee Dalladda. Ilaa hadda ma jiro dhexdhexaadin lagu kalsoon yahay, balse waxaa jirta Warar sheegaya in Xukumaddu taabacsan tahay Garabka Mr Siyaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured