Madaxweynaha Yemen iyo Jabhadda Xuutiyiinta Oo Heshiis Wada Gaadhay

0
Thursday January 22, 2015 - 08:58:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Yemen iyo Jabhadda Xuutiyiinta Oo Heshiis Wada Gaadhay

    Sanca(Xogreebnews)Madaxweynaha Dalka Yemen Abdurabbuh Mansuur Haadi iyo Jabhadda Xuutiyiinta ayaa heshiis wada gaadhay ka dib markii Salaasaddii Xuutiyiintu la wareegtay gacan ku haynta Madaxtooyada Dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanca(Xogreebnews)Madaxweynaha Dalka Yemen Abdurabbuh Mansuur Haadi iyo Jabhadda Xuutiyiinta ayaa heshiis wada gaadhay ka dib markii Salaasaddii Xuutiyiintu la wareegtay gacan ku haynta Madaxtooyada Dalkaasi.

Sanca(Xogreebnews)Madaxweynaha Dalka Yemen Abdurabbuh Mansuur Haadi iyo Jabhadda Xuutiyiinta ayaa heshiis wada gaadhay ka dib markii Salaasaddii Xuutiyiintu la wareegtay gacan ku haynta Madaxtooyada Dalkaasi.

Warqoraal ah oo ka soo baxay Madaxweynaha Yemen ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynuhu Madaxbanaan yahay ka dib markii la sheegay inuu Xabsi guri ku jiro. Heshiiska ayaa dhigaya in Xuutiyiintu ka baxaan Madaxtooyada dalkaasi iyo meelaha kale ee ay qabsadeen, waxa kale waxaa waxka bedel lagu samaynayaa Dastuurka dalkaasi oo u ogolaan doona Awood qaybsi. Madaxweyne Haadi ayaa sheegay in Xuutiyiintu xaq u leeyihiin inay ka muuqdaan Hay’addaha dawladda.

Xuutiyiinta ayaa sii daynaya Saraakiil Xukumadda Yemen ka tirsan oo ay gacanta ku hayaan. Waxay sidoo kale ka baxayaan Xarunta Madaxtooyada iyo Guriga Madaxweynaha oo ay ku hareeraysan yihiin.

Xuutiyiinta ayaa ku doodaya inay dalka ka badbaadinayaan Madaxweynaha oo xidhiidh la leh reer galbeedka, balse Wadamada carbeed iyo reer galbeedka ayaa talaabadan ku tilmaamay Afgambi. Maraykanka ayaa dawladda Yemen kala shaqaysaa ka hortaga Ururada Islaamiga ah ee dalkaasi ku sugan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured