Hiigsiga Iyo Hiimiladda Maayer Soltelco Intee Rummowday Mudaadi Koobneyd Ee Xilka Uu Hayey?BY Cabdi casiis Bashiir Nuur.

0
Wednesday January 21, 2015 - 19:00:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiigsiga Iyo Hiimiladda Maayer Soltelco Intee Rummowday Mudaadi Koobneyd Ee Xilka Uu Hayey?BY Cabdi casiis Bashiir Nuur.

    Hargeysa(xogreebnews.com_Cabdi raxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco) waa maayerkii ugu da’da yaraa ee soo maraa caasimadda Somaliland ee Hargeysa , kaaso hadda muddo Kooban hayey xilka maayer-nimo ee caasimadda. Eng Soltelco waxaa uu mudaadaas a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Cabdi raxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco) waa maayerkii ugu da’da yaraa ee soo maraa caasimadda Somaliland ee Hargeysa , kaaso hadda muddo Kooban hayey xilka maayer-nimo ee caasimadda. Eng Soltelco waxaa uu mudaadaas aad-ka uu koobneyd ka qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaa yaabo aad dareemi karto

Hargeysa(xogreebnews.com_Cabdi raxmaan Maxamuud Caydiid (soltelco) waa maayerkii ugu da’da yaraa ee soo maraa caasimadda Somaliland ee Hargeysa , kaaso hadda muddo Kooban hayey xilka maayer-nimo ee caasimadda. Eng Soltelco waxaa uu mudaadaas aad-ka uu koobneyd ka qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxaa yaabo aad dareemi karto kuwaaso koru u qaaday bilicdaa magaaladda oo aad arkeyso inay ku talaab-satay horumark lexaad leh. Kaaso soo jiidanaaya indhahaaga. Tusaale ahaan haddii aad muddo dheer ka maqneyd magaaladda waxaad markhaati uga tahay maayerka xilka hayaa hadda inuu sammeeyey horumar baaxad leh kaaso uu maayer Soltelco Hormuud uga ahaa xubnaha dhalinyaradda uu badan ee Gollaha Deegaanka caasimadda joogga wakhtii xaadir-kan.

Waxaa kale oo maayerkan dhalinyarada ahii mudaadi uu xilka hayey uu kor uu qaaday magaaca caasimadda Somaliland isaago maayerku keenay maayeroo caalami ah oo kuwaaso dalaalkooda la aqoon san yahay, waxaana ka mid ahaa maayerka dalka jamhuuriyadda Jabuuti kaaso muddo aad uu dheer joogay Somaliland, waxaana aynu ka faa”iidnay wax yaabbo aad uu badan oo ku saab-san arrimmha Bulshadda kuwaaso kala ah, qaabka qaashinka la iskaaga naadiifiyo,sidaa wadooyinka lo dhisto iyo wax yaabo kala oo uu isaagu inaaga faa”iideyba.

Waxaa kale oo hoggaaminta maayerkan si weyn ugu boggaydad-weynaha ku nool caasimadda iyaago ku sifeeyey mid dhaama maayeraddi soo maray caasimadda oo dhan, waxaa kale oo ay aamin-san yihiin shacabkii soo doortay maayerka inuu yahay mid rommeeyey ballaan-qaad-yaddi uu sammeeyey wakhtigii uu ololaha ku jiray, soltelco waxaa lagu tiriyaa wiil uu beer nugul bulshadda inteeda danyarta ah kaaso aynu xasuusan nahay wakhtigii ay gubaatay mid ka mid ah xaafadaha ay ku nool yihiin dadka danyarta ah gaar ahaanna xaafadda lo yaqaan State Hous-ka halkaaso uu maayerku durtaaddiba uu qaybiyeey maacuun kala duwan kuwaaso ay ka mid ahaayeen bustayaal iyo waliba baco ay .Hoos gallaan am ahoy ka dhigtaan.

Waxaa kale oo uu benneeyey mudaadi koobneyd ee uu joogay gollahan deegaanka waxaa ka hir-gallay laamiyo caalami ah kuwaaso qaabka loo sammeeyey ay yihiin kuwo Heer caalami ah waxaa kale oo wali socdaa laamiyo aad uu qiimo badan kuwaaso lo qabay baahi aad uu ballaadhan Eng soltelco waxaa lagu tiriyaa ama la sheega inuu muddo kooban kaga soo baxay shaqaadda Dawladda Hoose, waxaanad arkeysaa markaa aad marto jidaadka caasimadda ama goobaha Bulshaddu ku kulaanto wax yaabbo aad uu boggayso kuwaaso ay ka mid yihiin qaabka biyo shubka Ee uu ugu sammeeyey laamiyadda hareeraheedda kaaso xilli roobaadka aan looga baqan doonin inuu wax yeello soo gaadhsiiyo daadadku, inaago og-soonney inuu roobka gooyn jiray wadaada laamiga ah xiliga uu da’aayo.

Waxaa kale oo maayer soltelco sheegay marar badan oo uu warbaahinta la hadlay arrimmo faro badan kuwaaso aynu ka tallaabsan doono dhowaan, waxaana hubaal ah in maayerku noqday mid muddo kooban ku tallaabsaday wax yaabo aanay ku tallaab-san maayarro muddo dheer xilka hayeey kuwaaso qaarkood golaha deegaanka fadhiyeen tobanaan sanno… la soco qaybaha kale oo xiiso leh.

Qalinkii

Cabdi casiis bashiir Nuur

Tel: 4144434

Info@xogreebnews.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured