waftidi Galbineysay madaxweyne siilaanyo oo is- waayeey Kala Lummay

0
Monday January 19, 2015 - 17:58:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    waftidi Galbineysay madaxweyne siilaanyo oo is- waayeey Kala Lummay

    Qorulugud(xogreebnews.com-Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay, ayaa maanta hadh-galay Degmada Qorulugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qorulugud(xogreebnews.com-Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay, ayaa maanta hadh-galay Degmada Qorulugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle. Qorulugud(xogreebnews.com-Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay, ayaa maanta hadh-galay Degmada Qorulugud oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle.
Xubno ka mid ah Wasiirrada Weftiga la socda iyo Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada, ayaa weftiga ka lumay markii laga ambo-baxay Degmada Bali-dhiig, kuwaasoo qaaday waddo aan ahayn tii weftigu raacay ee dhanka Coodanle, iyagoo dib ugu laabtay Deegaanka Taalla-buur oo 23KM dhanka Waqooyi kaga beegan Degmada Bali-dhiig oo gelinkii hore ee maanta weftigu ku sugnaa.

Wasiirka Beeraha iyo Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyada, ayaa goor-dhaweyd laga kaxeeyey Tuullada Taala-buur, kaddib markii ay halkaa ku soo ambadeen, waxaana la raaciyey Niman dhalinyaro ah oo kala garanaya waddooyinka, kuwaasoo u kaxeeyay Degmada Qorulugud oo weftiga Madaxweynaha loogu qaddo sameeyey.

“ Waxay soo qaadeen waddada taalo-buur, weftiga madaxweynuhuna wuxuu raacay dariiqa Coodanle, si ay uga sii gudbaan dhanka qorulugud oo loogu qado sameeyey, markaa mar dhaweyd ayey wasiirrada iyo agaasimaha Baratakoolku ka ambo baxeen Taalla-buur”sidaasi waxa GNA u sheegay dad goob-joogeyaal ah oo ku sugan Degmada Taalla-buur.
Lama oga sababta keentay inay weftiga madaxweynuhu kala lumaan, hase ahaatee waxa loo aanaynayaa dhacdadan mid ka dhalatay aqoon la’aan dhanka waddooyinka iyo dhulka la marayo ah, taasoo kaliftay inay xubnaha lumay dib u raacaan waddadii ay xalay magaalada bali-dhiig ka galeen.
source GNA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured