Tirada Dadka u Dhintay Cudurka Jadeecada Iyo Kuwa u Jiifa oo Kor-u-dhaaftay 320 qof Iyo Xukuumadda oo Gelbiska Madaxweynaha ku Mashquulsan

0
Monday January 19, 2015 - 17:46:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dadka u Dhintay Cudurka Jadeecada Iyo Kuwa u Jiifa oo Kor-u-dhaaftay 320 qof Iyo Xukuumadda oo Gelbiska Madaxweynaha ku Mashquulsan

    Hargeysa(xogreebnews.com_Dad tiro badan ayaa ugu dhintay Cudurka Jaddeecada deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee Gobolkaasi oo ka dayrinaya baaxada waxyeellada xanuunkan oo ka dilaacay degmooyinka Gobolka bad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Dad tiro badan ayaa ugu dhintay Cudurka Jaddeecada deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee Gobolkaasi oo ka dayrinaya baaxada waxyeellada xanuunkan oo ka dilaacay degmooyinka Gobolka badankooda. Hargeysa(xogreebnews.com_Dad tiro badan ayaa ugu dhintay Cudurka Jaddeecada deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka ee Gobolkaasi oo ka dayrinaya baaxada waxyeellada xanuunkan oo ka dilaacay degmooyinka Gobolka badankooda.
Ugu yaraan shan ruux ayaa la xaqiijiyey inay ugu dhinteen cudurkan deegaamo ka titsan Gobolka , 179 kalena ay u jiifaan Cisbitaallada, kuwaasoo u badan Carruur, dadweynina ay ku jiraan, sida ay Saraakiisha dawladda ee heer Gobol.

warar kale oo Wargeyska Yool ka helay deegaamo kala duwan oo ay Caasimada Gobolku ka mid tahay, ayaa tirada dhimashada intaasi ka badaniya.
Waxaana lagu sheegay wararka qaar in tirada dhimashadu gaadhayso 15 ruux iyo wax ka sii badan oo ay qaarkood ku le’deen meelo fog-fog oo Koonfurta iyo Bariga Gobolka ah. “tirada dadka xannuunka ugu dhintay Ceerigaabo a waa afar, laakiinse shalay waxa carrabka lagu dhuftay ilaa 17 qof oo meelo kala duwan ah” ayuu yidhi Wariye ku sugan Ceerigaabo.
Warku wuxuu intaa ku darayaa inaan wax gurmad caafimaad ah la gaadhsiin Degmooyinka uu cudurkani dadka ku asiibay, siiba kuwa masaafada dheer u jira Magaalada Ceerigaabo oo ah goobta ugu dhow ee ay ka heli karaan adeeg caafimaad, awooddu doonaba ha yeeshee.
Sidoo kale waxa jira warar sheegaya in dad gaadhaya 370 qof la ila daran yihiin cudurka Jadeecadda, dadkuna waxay ka cabanaayan gurmad la’aan caafimaad oo ay ku tilmaameen talaabo arxan daro ah.
“Ma jirto cid gurmad noo fidisay, waxa keliya ee aan kuu sheegi karaa inay caruur baddan u dhimatay Cudurkaa boqolaal kalena u jiifaan, wax gurmad ahna weli kamaanu helin wasaaradda Caafimaadka, Xukuumadda kale iyo Hay’addaha Hargeysa jooga midna, sababtoo ah maamulka gobolka ayaa awalba aan ahayn mid shaqeeya. Sidaa awgeed waxaan ugu baaqayaa Xukuumadda in dadka deegaamadda Cudurka Jadeecaddau haleeshay loo soo gurmado.” ayay sheegeen xubno ka mid ah waxgaradka Gobolka Sanaag iyagoo ka cabanaya xaalada cakiran ee bulshada Gobolka la soo deristay.
Ma jirto wax jawaab ah oo ku saabsan masiibadan caafimaad ee ka taagan Gobolka Sanaag oo ka soo baxay Masuuliyiinta sar-sare ee Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo Wasiirka Wasaaradaasi Saleeban Ciise Xaglo-toosiye oo ay ahayd inuu hormuud ka noqon dedaalada lagu xakamaynayo korodhka Waxyeelada Cudurkani uu howlo siyaasaddeed oo ka baxsan shaqadiisa ku joogo Magaalada Buuhoodle, halka Wasiir ku-xigeenkii Wasaaraduna fasax ka jirto shaqada,sida ay wargeyska Yool u xaqiijiyey xalay mar aanu Khadka Telefoonka kala xidhiidhnay.
Hase-ahaatee iyadoo ay jirto cabashadan xooggan iyo walaaca ka soo yeedhay Bulshadu, ayaa waxa 17kii Bishan Magaalada Ceerigaabo lagu qabtay kulan balaadhan oo lagaga arinsanayay sidii gurmad loogu fidin lahaa Dadka uu xanuunkan u dhacay ee Gobolka ku filiqsan.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen Maamulka Gobolka Sanaag iyo Isu-duweyaasha Wasaaraddaha dawladdu, waxa lagaga dhawaaqay inay sii kordhayso tirada dadka Jeecaddu soo riday, lagana cabsi qabo inay xilliga Kulaylka xaaladdu faraha ka sii baxdo.
Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Sanaag Dr. Axmed Caray oo shirkaasi ka hadlay, ayaa ka warbixiyey heerka uu marayo bukaanka uu soo riday Xanuunku iyo Deegaanada ugu daran.
Waxaanu yidhi “Gobolka Sanaag, waxa ku soo fool-yeelatay Aafo Caafimaad oo ku salaysan Cudurka Jaddeecada oo aad uga dilaacay Gobolka, Bariga Ceerigaabo, Buuraha Goliska iyo qaybo ka mid ah Degmada Ceel-af-weyn Howdkeeda ah. Markaa ilaa hada waxa u dhintay afar ruux, 179 qof oo kale ayaa jiifa Cisbitaalada oo xanuunkaasi soo ritay.
Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Hay’adda bisha Cas ee Gobolka Sanaag, ayaa sheegay inay hay’ad ahaan door weyn ka qaadanayaan gurmadka loogu jiro samato-bixinta dadka xanuunkani.
Axmed Kuli-kuli oo ah Sarkaalka bisha Cas, ayaa sidoo kale sheegay “Wakhtigan Jadeecadu may dilaaci jirin xilliga qabowga, ee waxay dilaaci jirtay Kulaylaha, Bisha March oo kale , markaa marka xilligaa la gaadho waxa imanaysa culays intii ka badan oo aafada cudurkan ah”.
Badhasaabka Gobolka Sanaag, Saleeban Cali Maxamuud (Ramaax), oo isna kulankan ka hadlay, ayaa qaylo-dhaan Qaran u diray Xukuumadda dhexe iyo Hay’addaha Caalamiga ah ee Caafimaadka ka shaqeeya.
Guddoomiye Ramaax, ayaa dhanka kale daboolka ka qaaday inay heegan geliyeen dhamaan Gaadiidka dawladda ee Gobolka jooga si ay uga qayb-qaataan in gargaar caafimaad la gaadhsiiyo meelaha ugu daran ee uu dadka ku soo ritay xanuunku . “ runtii qaylo dhaan ayaanu u diraynaa heer Qaran iyo heer Gobolba . waxa kale oo aanu isu-duweyaasha Gobolka isla qaadanay in Gaadiidka Dawladda oo dhan la diyaariyo si ay uga qayb-qaataan Gurmadka”. Ayuu yidhi.
Geesta kale, waxa uu Guddoomiye Ramaax shaaca ka qaaday in bilaha soo socda ee Kulaylaha uu cudurkani haleeli karo dadka ka badan tirada iminka u jiifto, loona baahanyahay ka hortag iyo diyaar-garow Qaran, maadaama sida lagu yaqaano uu Bisha March si caadi ah uga dilaaco xanuunku Gobolka. “Markaa Waxaan u baahanahay in loo diyaar-garoobo baaxada Korodhka dadka cudurkani soo ridanayo oo ay maadaama tiraddu iminka inagu marayso intan oo ruux, lagu xisaabtamaa ugu yaraan saddex kun iyo dheeraad. “ ayuu yidhi.
Marka la eego heerka ay gaadhsiisantahay qaylo-dhaanta caafimaad ee ka soo yeedhaysa qaybaha kala gedisan ee Bulshada Gobolka, kuna saabsan baaxada waxyeellada cudurkan halista ah iyo sida aanay xukuumaddu ugu dhego-nuglaanin cabashadooda ee ay ugaga mashquulsantahay gelbiska madaxweynaha socdaalka ku maraya Gobollada xuduudka iyo munaasibadaha kale ee micno darrada ah, ayaa waxa sii kordhaya walaaca laga qabo inay gurmad la’aantu sii kordhiso heerka dhimashada.
Waxaanay taasi nusqaan qaran iyo naf bax ku tahay, Shacbiga gobolka oo aan markii horeba heli jirin adeegyada aasaasiga ah ee dawliga ah, sida Caafimaadka iyo Waxbarashada oo aad ugu liitay badi Degmooyinka Gobolka, una dheertahay waddo-xumo iyo raf ay adagtahay in si fudud looga geyoodo hadii xaaladdu sii xumaato.
Waxa kale oo aad looga war-warsanyahay helida adeegyada Caafimaadka, hadii Bukaanku sii bato, maadaama ay adagtahay in bukaanka loo soo qaado Gobollada kale, waddo xumaanta jirta iyo masaafadda oo aad u dheer awgood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured