Qarax Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay Oo Gelinkii Dambe Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0
Monday January 19, 2015 - 08:03:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Dhimasho Iyo Dhaawacba Sababay Oo Gelinkii Dambe Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

    Hargeysa(xogreebnews.com_Ugu yaraan hal ruux, ayaa ku geeriyooday, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay, markii Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir uu gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay qarax miino.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Ugu yaraan hal ruux, ayaa ku geeriyooday, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay, markii Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir uu gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay qarax miino.
Hargeysa(xogreebnews.com_Ugu yaraan hal ruux, ayaa ku geeriyooday, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay, markii Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir uu gelinkii dambe ee maanta uu ka dhacay qarax miino.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan, ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhow Masaajid Sheekh Khaliil. Waxaana la soo sheegayaa in qaraxaasi uu haleelay mooto bajaaj, halkaasi ku socdaaleysay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa wuxuu Warbaahinta u sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay wadihii mooto bajaajka, iyadoo laba kalana oo rakaabkiisii ka mid ahaa ay dhaawacyo culus ka soo gaareen.
Labada ruux ee dhaawacantay, ayaa waxay ahaayeen haween, waxaana dhaawacyadoodu la dhigay Isbitaalka Madiina ee Degmada Wadajir.
Ciidamada Dowladda oo ku baxay aagga uu qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano ku aadan, walow aysan cidina u soo qab qaban.
Dadka deegaanka, ayaa waxay tuhun ka muujinayaan in qaraxu uu ahaa mid horey loogu soo xiray mooto bajaajkaasi, walow aanu Maamulka Degmada Dharkiinley kala cadayn.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badaneysay qaraxyada lagu xiro, gaadiidka gaarka loo lee yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured