Gabon Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Burkina Faso, Xili Ay Gabon Hogaanka U Qabatay Group A

0
Sunday January 18, 2015 - 00:33:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabon Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaadhay Burkina Faso, Xili Ay Gabon Hogaanka U Qabatay Group A

    XogreebSpors_Xulka qaranka Gabon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka qaramada Afrika guulaysta isla markaana jeebada ku rida saddex dhibcood oo nadiif ah. Gabon ayaa guul muhiim ah ka gaadhay xulka qaranka Burkina Faso, waxayna Gabon guushan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XogreebSpors_Xulka qaranka Gabon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka qaramada Afrika guulaysta isla markaana jeebada ku rida saddex dhibcood oo nadiif ah. Gabon ayaa guul muhiim ah ka gaadhay xulka qaranka Burkina Faso, waxayna Gabon guushan ku gaadhay 2:0.
XogreebSpors_Xulka qaranka Gabon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka qaramada Afrika guulaysta isla markaana jeebada ku rida saddex dhibcood oo nadiif ah. Gabon ayaa guul muhiim ah ka gaadhay xulka qaranka Burkina Faso, waxayna Gabon guushan ku gaadhay 2:0. Waxayna Gabon goolasha ay guushan ku gaadhay uga mahad celonaysaa Pierre-Emerick Aubameyang iyo Malick Evouna oo goolasha u kala dhaliyay. Burkina Faso iyo Banon ayaa kulanka labaad ee tartaka koobka qaramada Afrika iskaga horyimid. Burkina Faso iyo Gabon ayaa kuwada jira Group A oo ay kulankii furitaanka wada ciyaareen xulalka qaramada Equatorial Guinea iyo Congo, kuwaas oo barbaro galay. Burkina Faso iyo Babon ayaana sii ogaa in xulka guulaystaa uu hogaanka u qaban doono Group A. Xulka qaranka Gabon ayaana dardar fiican kulankan ku bilaabatay taas oo keentay inay daqiiqadii 19 aad ciyaarta hogaankeeda la wareegto. xidiga halista ah ee kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaana Gabon u dhaliyay gookeeda kowaad, isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Gabon hogaanka kula wareegtay. qaybtii hore ee ciyaarta ayaana lagu kala nastay 1:0 kaas ay Gabon gacanta sare ku lahayd.Aubameyag
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Burkina Faso culays badan saartay Gabon si ay iskaga soo celiso goolka looga hormaray qaybtii hore ee ciyaarta.Qaybtii danbe ee ciyaarta ayaana noqotay mid ay labada kooxood isku qaadayeen weeraro halis ah.
Daqiiqadii 72 aad ayuu Malick Evouna xulka qarankiisa Gabon u dhaliyay goolka labaad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:0 ay Gabon ciyaarta hogaanka ugu qabatay. Kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay Frédéric Bulot isla markaana uu caawinteeda lahaa ayuu Evouna xulkiisa culayska kaga dulqaaday oo uu ugu dhaliyay goolka kalsoonida.Halkan kadaawo goolka labaad ee Gabon.Goolkan uu Malick Evouna xulka qarankiisa udhaliyay ayaa ahaa goolkii lixaad ee uu u dhaliyo 1o kii kulan ee ugu danbeeyay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Gabon guusha ku gaadhay. Gabon ayaana Group A saddex dhibcood ku hogaaminaysa halka Burkino Faso ugu hoosayso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured