Dawladda Itoobiya oo Somaliland kala hadashay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ee Jabuuti iyo Doorashooyinka soo socda

0
Saturday January 17, 2015 - 19:56:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Itoobiya oo Somaliland kala hadashay Kulankii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xasan Sheekh ee Jabuuti iyo Doorashooyinka soo socda

    Hargeysa (xogreebnews.com_Waxa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dawlaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com_Waxa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dawlaha
Hargeysa (xogreebnews.com_Waxa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee dawladda Federaalka Itoobiya Berhane Gebre-Chiristos, waxaanay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.
1aadSida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, kulanka oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya, waxa ay labada wasiir ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa ay labada waddan isaga kaashan lahaayeen ammaanka Xuduudka iyo arrimaha la xidhiidha.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu shegay inay labada wasiir ka-wada-hadleen kulankii dhowaan magaalada Jabuuti ku dhex-maray Madaxweyneyaasha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, haseyeeshee war-saxaafadeedka laguma sheegin mowqifka dawladda Itoobiya ka taagan tahay wada-hadallada labada waddan u dhexeeya iyo kulanka labada madaxweyne ku dhexmaray dalka Jabuuti.
Waxa uu warku intaas ku ku daray in sidoo kale kulankaas lagu faaqiday shirka guddiga farsamo ee xoojinta cilaaqaadka ganacsiga iyo Ammaanka ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo wejigiisa labaad hore loogu qorsheeyey inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, iyada oo guddiga farsamo ee labada waddan hore loogu shaaciyey safar ay magaalada Hargeysa dabayaaqadii sannadkii hore ku yimaaddeen wasiirro ka socday Xukuumadda Federaalka ee Itoobiya.
Sidoo kale, waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay wasiirrada Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya inay isla soo qaadeen doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka dhacaan badhtamaha sannadkan, balse ma jirto faahfaahin intaas ka baxsan oo war-saxaafadeedku lagu xusay.
Si kasta ha ahaatee, socdaalka Wasiir Biixi ku tagay dalka Itoobiya oo aanu saxaafadda u soo bandhigin ujeeddada uu xambaarsan yahay, ayaa la filayaa inuu gogol-xaadh wejiga labaad ee shir magaalada Addis Ababa ku dhexmari doona Guddi heer Wasiir ah oo labada waddan ka kala socda, kuwaas oo isla meel dhigi doona heshiisyo ganacsi oo la xidhiidha isticmaalka Dekedda Berbera oo dawladda Itoobiya danaynayso, dhismaha jid laami ah oo isku-xidha labada waddan iyo qodobbo kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured