Madaxweyne siilaanyo oo tacsi U Diray fanaankii weyna ee soomaaliyeed Maxamed Axmed Kuluc Oo maanta Ku geeriyooday Hargeysa.

0
Saturday January 17, 2015 - 19:08:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne siilaanyo oo tacsi U Diray fanaankii weyna ee soomaaliyeed Maxamed Axmed Kuluc Oo maanta Ku geeriyooday Hargeysa.

    Hargeysa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isagoo ku hadlaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isagoo ku hadlaya

Hargeysa(xogreebnews.com_Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isagoo ku hadlaya Magaciisa ka Xukuumada iyo Ka Golayaasha Qaranka waxa uu dhanbaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu Ka baxay Fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.

TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ku dhashay deegaanka Raydab-khaatumo oo ka tirsan gobolka Togdheer,sanadkii 1935kii,waxbarashadiisii waxa uu ku qaatay Somaliland Wakhtigii uu maamulayay Ingriisku.

Alle ha u naxariistii waxa uu fanka ku soo biiray sanadkii 1948kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Cariga Somaliland xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka .

Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska,kuwaasi oo ilaa maanta la xasuusto.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacada Radio Hargaysa,isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyada ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen,Aan Maalo Hasheena Maanqdeen oo Sameeyay Abwaan Saxardiid Maxmaed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.

Marxuum Maxamed Axmed Mudadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay Xaas iyo Caruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen.

Marxuunka xukuumadda Somaliland ayaa u saari doonta guddi aas qaran u samaysa waxaana xafiiska wakaaladda wararka ee Somaliland si is daba jooga ah usoo gaadhaya tacsiayaha la gaadhsiinayo qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay marxuunka .

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ilaa wakhtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Wuxuu Marxuunka Ilaahay uga baryay inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo Qoyskii iyo qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Axmed Kuluc.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured