Xukuumadda Siilaanyo oo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen U Diiday Askar Ilaalo ah oo uu Dalbaday.

0
Saturday January 17, 2015 - 19:04:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Siilaanyo oo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen U Diiday Askar Ilaalo ah oo uu Dalbaday.

    Hargeisa(xogreebnews.com_Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa mudo laga joogo 8 bilood ayaa waxa uu xukuumada ka dalbaday inay siiso ciidan ilaalo ah,oo uu u baahan yahay,kuwaasi oo masuul ka noqda amaankiisa mad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa mudo laga joogo 8 bilood ayaa waxa uu xukuumada ka dalbaday inay siiso ciidan ilaalo ah,oo uu u baahan yahay,kuwaasi oo masuul ka noqda amaankiisa madaama oo uu masuul yahay,balse ilo wareedo lagu kalsoon yahan ayaa sheegay inay xukuumada siilaanyo

Hargeisa(xogreebnews.com_Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa mudo laga joogo 8 bilood ayaa waxa uu xukuumada ka dalbaday inay siiso ciidan ilaalo ah,oo uu u baahan yahay,kuwaasi oo masuul ka noqda amaankiisa madaama oo uu masuul yahay,balse ilo wareedo lagu kalsoon yahan ayaa sheegay inay xukuumada siilaanyo dalabkaasi murashaxa is hortaagtay,lamana garanayo sababta la isku hortaagay dalabka murashaxa ee ah ,in uu la siiyo ciidan ilaalo ah oo uu xaq u leeyahay.

Xukuumadii Rayaale ciidan xoogan oo amaankiisa ilaaliya ayey siisay Axmed Siilaanyo,xiligii uu ahaa mucaaradka,halka manta markii ay talada dalka la wareegtay diidan tahay inay ciidan siiso murashaxa madaxweynaha ee xisbiag cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,iyadoo la og yahay in wakhtigii doorashadu soo dhawaaday,isla markaana ay muhiim tahay in uu sugnaado amaanka murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID.

Hadii xukuumadu kaga dhabayso diidmadaasi,waxay noqonaysaa in ciidan uu samaysto ,waayo murashaxu cidlo ma joogo,isla markaana dee dad ayuu ka dhashay oo ilaalini,wixii ka yimaadana waxa masuul ka noqoni xukuumada siilaanyo,maanta guri kasta Somaliland hub ayaa yeela ,cidina cid kama adka,ee waxa heshiiska lagu yahay waa wada ilalinta sharciyadda dalka ee xaqa u siisay in uu helo ciidan ilaalo ah,madaama uu yahay nin u tartamaya jagada dalka ugu sareysa ee madaxtinimada Somaliland.

Xogreebnews.com-office Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured