Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Oo Cambaareeyey Falkii Shaqada Looga Eryay Garsoore Xuseen Bedel (Warsaxaafadeed)

0
Saturday January 17, 2015 - 18:53:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Oo Cambaareeyey Falkii Shaqada Looga Eryay Garsoore Xuseen Bedel (Warsaxaafadeed)

    Hargeysa(xogreebnews.com_Ujeedo/War-Saxaafadeed ( (Sida loo Eryey Garsoore Sare Xuseen Belel oo ahaa Gardoorihi Xayiraadda ka qaaday Wargeyska HUBAAL waxay inqilaab ku tahay Madaxbannaanida Garsoorka, Xorriyadda Saxaafadda iyo Demoqraadiyadda, Xizbig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Ujeedo/War-Saxaafadeed ( (Sida loo Eryey Garsoore Sare Xuseen Belel oo ahaa Gardoorihi Xayiraadda ka qaaday Wargeyska HUBAAL waxay inqilaab ku tahay Madaxbannaanida Garsoorka, Xorriyadda Saxaafadda iyo Demoqraadiyadda, Xizbiga UCIDna wuxuu ku baaqayaa
Hargeysa(xogreebnews_SOMALILAND Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka (UCID) Justice and Welfare Party
Ref/ UCID 1893 2015 Date: 17/01/2015
Head Office — Hargeisa
Ujeedo/War-Saxaafadeed ( (Sida loo Eryey Garsoore Sare Xuseen Belel oo ahaa Gardoorihi Xayiraadda ka qaaday Wargeyska HUBAAL waxay inqilaab ku tahay Madaxbannaanida Garsoorka, Xorriyadda Saxaafadda iyo Demoqraadiyadda, Xizbiga UCIDna wuxuu ku baaqayaa in Guddiga Caddaaladda Qaranku Arrintaas Si Deg-Deg Ah DibUga FiirsadaaN
Gudiga War-Faafinta iyo Xuquuqul insaanka ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID, wuxuu aad u Cambaareynayaa habka xil ka qaadista iyo shaqo ka joojinta ee Garsoore Xuseen Maxamed Jaamac Belel, isla markaana ay innqilaab ku tahay hannaanka Garsoorka iyo sugidda Caddaaladda Dalka,
Sida lagu faafiyey warbaahinta dalka, waxa Garsoore Belel shaqadiisii lagaga Eryey inay ahayd Go.aankii uu ka gaadhay Dacwaddii iyo Xayiraaddii saarneyd Wargeyska HUBAAL oo ay Xukuumadda Madaxwene Silaanyo ku Baabi,isay shaqadii iyo Jiritaankii isla waregeyskaas iyadoo ilaa hadda xaruntii wargeyska ay Ciidanka Booliiska ee ka Amar qaata Waziru Daakhilka WARANCADE iyo General FADAL ay sifo aan Sharciga meelna ka soo gelin oo xoog ah ku deggen yihiin.Xaruntii Wargeyska
Xizbiga UCID, markuu u kuur galay habkii loo maareeyey Kiiska wargeyska Hubaal, waxa noo caddaataay in Garsoore Xusein Belel uu mariyey hannaankii loo baahnaa Ee Geedi Socodka Garsoorka oo,Dhan.
Sida ku Cad Go.aanka Xayiraad ka qaadista Wargeyskan ayaa ka dhalatay kaddib markii la waayey Eed Dhammaystiran iyo in Xeer ilaalinta Maamulka Silaanyo oo Lahaa Dacwad Oogista ay soo Xaadiri waayeen dhamaan fadhiyadii Garnaqsiga,
Xizbiga UCID, wuxuu shacbiga, Golayaassha Qaranka iyo Beesha Caalamkana u iftiiminayaa in Shaqo ka Eriga Garsoore Sare Xusein Belel ay baal marsan tahay Madaxbannaanida Garsoorka dalka, Burburina Ay Ku Tahey Shuruucda dalka iyo Tiirarka Asaasiga ah Xuquuqda Aadanaha Ee la isla waafaqsan yahay,
Xizbiga UCID, waxa kale oo uu aad uga soo horjeedaa sifaha Garsoorahan loo Eryey oo Daliil Cad u ah in la inqilaabay Habkii shaqo ee Garsoorayaasha Caddaaladda Jecel, Xorriyadda Saxaafadda iyo burburinta Nidaamka Demoqraadiyadeed ee Ummaddani Qaadatay.
Ugu Sambayntii Xizbiga UCID wuxuu ku talinayaa in Guddiga Caddaaladda JSL si deg deg ah wax uga qabtaan Eriga Garsoorahan iyo Soo Afjarista Kiiska Curyaaminta Madaxbannaanida Shaqada Wargeyska Hubaal,Haatuf I.w.m oo ah laamo warbaahineed oo ay leeyihiin Muwaadiniin u dhashay Dalkan oo ilaa hadda dowladda Silaanyo loogu taag la. Yahay inay si macquul ah u soo ban dhigto waxa ay ku Eedaynayaan Wargeysyadan, Si deg deg ahna loogu soo celiyo Garsoore Husein Belel shaqadii uu qaranka u hayey xukuumadduna Joojiso bahdilka Garsoorayaasha Dhex-dhexaadka ah,
Xisbiga UCID waxaa uu wer-wer weyn ka qabaa Hadii Gudiga Cadaaladu Wax Ka Qaban Waayaan Arintan Iney Lumi-Doonto Kalsoonidii AxsaabtaQaranka Iyo Shacbi-weynaha JSL
Allaa Mahag leh
Xoghayaha War-Faafinta Xizbiga UCID
YUUSUF KAYSE ABDI-LAAHI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured