Ciidamadii Sierra Leone Ee Ku Sugnaa Magaalada Kismaayo Oo Gebi Ahaanba Isaga Baxay, Kuna Laabtay Dalkooda

0
Saturday January 17, 2015 - 18:33:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii Sierra Leone Ee Ku Sugnaa Magaalada Kismaayo Oo Gebi Ahaanba Isaga Baxay, Kuna Laabtay Dalkooda

    Muqdisho(xogreebnews.com_Toddobaadyadii ugu dambeysay, ayaa waxaa qayb qayb Magaalada Kismaayo looga amba bixinaayay Ciidamadii Militariga Sierra Leone, ee qaybta ka ahaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com_Toddobaadyadii ugu dambeysay, ayaa waxaa qayb qayb Magaalada Kismaayo looga amba bixinaayay Ciidamadii Militariga Sierra Leone, ee qaybta ka ahaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.
Muqdisho(xogreebnews.com_Toddobaadyadii ugu dambeysay, ayaa waxaa qayb qayb Magaalada Kismaayo looga amba bixinaayay Ciidamadii Militariga Sierra Leone, ee qaybta ka ahaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.
Bishii December, ayaa waxay Dowladda Somaliya iyo Ururka Midowga Afrika ay isku waafaqeen in Ciidamada Sierra Leone, dib loogu celiyo Magaalada Freetown ee Xarunta Sierra Leone, markii la waayay ciidan kaloo bedel u noqdo, sababo ku aadan Sierra Leone oo si weyn uu ugu baahaayo cudurka Ebola.
Garoonka Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa barqanimadii maanta laga amba bixiyay cutubyadii ugu dambeysay ee Ciidamada Sierra Leone, si ay dib ugu laabtaan dalkooda.
Taliyaha Ciidamada Garoonka Magaalada Kismaayo Ismaaciil Kheyre Dhuxulow, ayaa wuxuu Warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in Ciidamada Sierra Leone, ay dib ugu laabteen dalkooa.
Dhuxulow, ayaa ku waramaaya inaanu jirin askari ka tirsan Ciidamada Sierra Leone, oo maanta baaqi ku ah Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Midowga Afrika, ayaa weli raadinaaya xoogagii bedelka u noqon lahaa Ciidamada Sierra Leone, inkastoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay diyaar u tahay inay booskaasi buuxiso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured