Siilaanyo oo Socod, Sara-joog Iyo Siigo Kaga soo Laabtay Boorama: Cabsidii Dilla + Ciirsigii Baki + Caraabihii Jiiraha + Cawa-darantii Boorama + Calool-xumadii Kulanka Iyo Calmashada Caweyska Wajaale

0
Friday January 16, 2015 - 17:52:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siilaanyo oo Socod, Sara-joog Iyo Siigo Kaga soo Laabtay Boorama: Cabsidii Dilla + Ciirsigii Baki + Caraabihii Jiiraha + Cawa-darantii Boorama + Calool-xumadii Kulanka Iyo Calmashada Caweyska Wajaale

    Hargeysa(xogreebnews_-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayey, ayaa Magaalada Boorama ee xarunta Gobollka Awdal ku tegay booqasho aan nooceeda hore looga baran hoggaamiyeyaashii hore ee S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews_-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayey, ayaa Magaalada Boorama ee xarunta Gobollka Awdal ku tegay booqasho aan nooceeda hore looga baran hoggaamiyeyaashii hore ee Somaliland soo maray, gaar Hargeysa(xogreebnews_-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayey, ayaa Magaalada Boorama ee xarunta Gobollka Awdal ku tegay booqasho aan nooceeda hore looga baran hoggaamiyeyaashii hore ee Somaliland soo maray, gaar ahaan xilliyada ay ku gudo-jiraan safaradda Gobollada iyo Degmooyinka dalka ay ku marayaan, ka dib markii Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu ku qaateen Magaalada Boorama muddo ka-yar Hal-saac, oo weliba inta badan kulamadiisu ahaayeen kuwo ku dhacayey qaab sara-joog ah. Arinkaas oo dadka reer Boorama qaarkood ku fasireen in Safarka Madaxweynuhu ahaa mid aan ka dhicin ciyaartii Goroyadda ee ahayd. “..Lugna Ciyaarta kula jir, Lugna bannaanka..”.


Sidoo kale, socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee Gobollka Awdal, ayaa bannaanka ama dibedda soo dhigay is-weydiino hor-leh, kuwaasoo qaarkood ay xambaarsan yihiin muuqaalo iyo darreeno ugub ah, sida talaabada ah Madaxweynaha iyo weftigiisu intii aanay gaadhin Magaalada Boorama inay ka weecdaan ama ka baydhaan Waddada/Dawga tooska ah ee tagga Magaalada, arinkaasoo isaguna noqday mid dadka deegaanka ku abuuray darreen odhanaya in Madaxweynihii qaranka u talinayey, haba-yaraatee aanu wax kalsooni ah ku qabin Gobollka Awdal iyo bulshada ku dhaqan toona.

Booqashada Madaxweynaha oo ahayd mid dhawrkii Maalmood ee u dambeeyey xoog loo hadal-hayey, isla markaana la filayey inay noqon doonto mid miisaankeeda leh, gaar ahaan marka la eego saluuga dhinaca saami-qaybsiga ee Duqeyda Gobollku ka dhawaajiyeen, iyo sidoo kale, kacdoonada siyaasiga ah iyo kuwa Mulateri ee deegaankaas ka jira, waxa uu u dhacay sidan:

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo subaxnimadii hore ee Shalay ka Jarmaaday Magaalada Hargeysa, ayaa ka hor intii aanay gaadhin Magaalada Boorama ee xarunta Gobollka Awdal, waxa ay u weecdeen dhinaca Magaalada Baki, oo qiyaastii 30-Km dhinaca Waqooyi kaga toosan Magaalada Dilla, oo ahayd halka ama goobta Madaxweynaha iyo weftigiisu ka baydheen Dawga Magaalada Boorama, sida lagu sheegay wararka naga soo gaadhaya Gobolka Awdal, waxaana Abaara Lixdii iyo Badhkii (06:30 PM) fiidnimo ee Shalay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha weftigiisu kaga yimaadeen dhinaca Gubban/Xeebta kaga toosan, waxaana wararku intaa ku darayaan in xubnaha weftigu ku sugnaayeen Magaalada Boorama qiyaastii waqti aan ka badnayn Hal-saac.

Iyadoo sidoo kale-na, Madaxweynaha iyo weftigiisu mudadii ay ku sugnaayeen Magaalada Boorama kulamo sara-joog u badanaa la yeeshay dadweyne aad u kooban. kuwaasoo sida la sheegay u badnaa dad si gaar ah loo sii abaabulay, isla markaana ku sugnaa goobo mu’cayin ah, oo u muuqdey kuwo iyana hore loo sii qorsheeyey. Intaa kadib Madaxweyne Siilaanyo oo dadka intooda badani ay filayeen in Faalka u baxay ee safarkiisa Boorama uu Burjigiisu yahay FADHI-WEYNE, waxaana dadweynaha reer Boorama fajac iyo ammankaag ku noqday sababta Burjigii socdaalka Madaxweynaha u bedeshay QAB-QABLAHA, isla markaana kelifay inuu Madaxweynuhu Hal-habeen ku dhixci waayo Magaalada Boorama, halka Madaxweynuhu guuraha u galay si uu u seexdo Tuulada Wajaale oo ah Magaalo ganasiga u qaaliban, balse aan ahayn degmo u dhiganta Magaalada Boorama, bulsho ahaan iyo bilic ahaa labada-ba. Taasina waxa ay noqotay dhacdo labaad oo cadho iyo xiisad hor-leh ku abuurtay dadweynaha reer Awdal, iyagu markii hore-ba isu arkayey kuwa Faraqa-ku-haysta dhibbaato ku filan.

Inkastoo ay jireen tallooyin safarka ka hor Madaxweynaha ay ujeediyeen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland iyo xubno kale oo isugu jirey siyaasiyiin, aqoonyahan iyo Culimo-aw-diin u dhashay Gobollka Awdal, kuwaasoo sida la sheegay Madaxweynaha usoo jeediyey inuu baajiyo safarka uu ku talo-jiro inuu ku tago Gobollka Awdal, kahor inta aanu wax-ka-qaban tabashada iyo cabashooyinka deegaanku ka tirsanayo Xukuumada uu gadh-wadeenka ka yahay, hase-yeeshee sida muuqta Madaxweynuhu aanu dhegg-jalaq u siin, hadana marka taa laga yimaado, waxa xusid mudan inaynu isweydiino laba arimood, kuwaasoo midka hore uu yahay safarka Madaxweynuhu ku tegay Gobollka Awdal, ma waxa ujeedadiisu ahayd inuu dadka deegaankaas ku dhaqan ka-sii-cadhaysiiyo.? Mise waxa uu ahaa mid uu doonayey inuu ku daaweeyo tabashada iyo cabashooyinkii laga tirsanayey.?.

Haddaba, sida ka muuqta safarka sida Tiixa-roobka oo kale, daqiiqadaha kooban Madaxweynuhu uu ku joogay Magaalo-madaxda Gobollka Awdal, iyo sidoo kale, marka laysu gee-geeyo ka baydhistii Waddada tooska ah ee tagta Magaalada Boorama, iyo weliba arinta ugu weyn oo ah ku dhixis la’aanta markii dambe ee Madaxweynuhu kaga soo guura-galay Magaalada, waxa loo fasiran karaa safarka Madaxweynuhu inuu ahaa mid markiisa hore-ba aan loogu talo-gelin in wax lagu daweeyo, hase-ahaatee, ku tala-galka dhabta ah ee u qarsooni uu ahaa in xadka uu kolkii hore joogay xamilka dadweynaha reer Awdal kor loo dhaafiyo halkii hore, taasoo haddii ay sidaa tahay loo macnaysan karo inay laba arin midkood dabada ku hayso. Waa mida horee, in Madaxweyne Siilaanyo iyo xuluufadiisu ay ku raaxaystaan qaylada iyo cabashada reer Awdal, sidaa darteed-na ay u dhacayaan arimahan cid waliba arimahab Somaliland la socotaa ay ka fajacsan tahay, iyo tan labaad oo ah inay jiraan waxyaabo aan weli soo bixin oo ummada ka qarsoon oo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ugu jira in xaalad siyaasadeed oo cakirani ka aloosamato Gobollka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan meel laga dhaafo loo heli doonin in talaabo kastoo guracan, ha noqdaan kuwo dhaqanka ku xun iyo kuwo siyaasada-ba aan ku wanaagsanayne, oo maanta uu ku sifoobo Madaxweyne Siilaanyo inay yihiin Taariikh xumo aan weligeed ka hadhi doonin, isaga iyo inta kale hareera fadhida, oo qaarkood ay la yahay inay beri ka noqon doonaan wax-kastoo xun oo Maanta dhaca.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured