FAALADDA 4 AAD: Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

0
Friday January 16, 2015 - 13:36:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALADDA 4 AAD: Maanta Somaliland Waxay u Baahan Tahay Hogaamiye Aqoon,Karti iyo Aragti Fog leh Sida Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen.

    Qormadan waxaan jecelahay,in aan ku soo qaato sidee ayaa loo soo celin karaa,xidhiidhka xumaaday,ee diciifay ee Somaliland la lahayd bulshada caalamka guud ahaanba ,iyo sida kalsoonida shacabka ee hada luntay loo hagaajin karaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadan waxaan jecelahay,in aan ku soo qaato sidee ayaa loo soo celin karaa,xidhiidhka xumaaday,ee diciifay ee Somaliland la lahayd bulshada caalamka guud ahaanba ,iyo sida kalsoonida shacabka ee hada luntay loo hagaajin karaa?

Runtii waa su’aal is weydiin mudan, oo u baahan in dhinacyo badan laga eego,cida soo celin karta,iyo cida ku haboon, ee fahmi karta luuqada diblumaasiyadeed ee lagula hadlo aduunka,marka runtii dadku siyaabo kala duwan ayay wax u arkaan ,isla markaana uga jawaabi karaan,laakiin marka hore si aynu u fahano xidhiidhkii Somaliland iyo guud ahaanba beesha caalamku ka dhaxeeyey ,halka uu marayo maanta ,waxoogaa aan ka taabano.

Tan iyo markii xukuumada siilaanyo talada dalka qabsatay,waxa hoos u dhac weyni ku yimid xidhiidhkii saaxiibtinimo ee Somaliland la hayd beesha caalamka,iyadoo weliba arintaasi carqalad weyn ku keentay ictiraaf raadinta Somaliland,marka hadii aynu soo qaadano xidhiidhkii Somaliland iyo afrika ka dhaxeeyey sida uu ahaa iyo sida uu u kharibmay.

Dalalka afrika Somaliland xidhiidh adag ayey la lahayd, xukuumada siilaanyo ka hor,tusaale ahaan Somaliland waxay xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto dheer la lahayd dawladaha,Itoobiya,Kenya,Ugandha,Ruwanda,Tansaniya,koonfur afrika,Ghana,Sanbiya,Jabuuti iyo weliba dalalka kale ee afrika,iyadoo la ogaa sidii guud ahaanba dalalkaasi loogu soo dhaweeyey madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo dal dal u tegay oo si heer sare ah,madaxweynayaasha dalalkaasi u qaabileen,sumcadii iyo xidhiidhkii Somaliland iyo dalalka afrika ka dhaxeeyey wuxuu gaadhay in xitaa basaboorka Somaliland la ogalaaday in dalalkaasi lagu tago,waxay Somaliland sumcad weyn ku dhex lahayd dalalkaasi afrika,ee aynu soo sheegnay,marka wax kale iska daaye markii xukuumada siilaanyo talada dalka qabsatay wuxuu gaadhay in dawladii hormuudka ka ahayd xidhiidhka saaxiibtinimo ee itoobiya ay dhacday in ay xadka xidhato,markii xukuumada siilaanyo xumaysay xidhiidhkii ka dhaxeeyey iyo kalsoonidii dawladaha itoobiya ee inta badan taageerta shacabka Somaliland,iyadoo la ogaa sidii Raysal Wasaarihii Hore ee itoobiya MELES ZANAWI ugu doodi jiray Somaliland,markaa xukuumada siilaanyo wax kale iska daaye waxay lumisday taageeradii dalalka afrika ay u hayeen Somaliland,oo may dhicin xitaa in urur Gobaleedka IGADshirarkisii caadiga ahaa in uu ka soo baxo qodob madaxbanaanida Somaliland ka hor imanaya ,halkan shirkii ugu danbeeyey ee urur Goboleedka IGAD ku qabsatay Xarunta Dalkaasi somaliya ee Mugdishu qodobka 1 aad ee ka soo baxay shirkii urur goboleedka IGAD uu ahaa in ay midnimada somaliya ay MUQADAS TAHAY.

Hadaba su’aashu waxay tahay ,waa’ayo siyaasiga ku haboon ee soo celin kara kalsoonidaasi luntay,runtii maanta marka laga hadlayo mushkiladaasi iyo sidii loo daweyn lahaa waxay ila tahay oo weliba ila qaba fikirkan inta badan bulshada Somaliland ee leh,aqoon yahan,wax-garad,cuqaal,dhalinyaro,haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshda in maanta ninka ugu haboon ee hadii la doorto soo celin kara rajada luntay ee sahcabka in uu yahay murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,waayo waa nin aduunyada la soo shaqeeyey oo yaqaana habka loola macaamilo,waa nin leh,kalsooni buuxda,waa nin aqoonteedii leh,oo wuxuu ka soo baxay jaamacada aduunka ugu sareysay ee lagu magacaabo HARVARD UNIVERSITY ee dalka maraykanka,runtii waa nin kartideedii leh,waxa uu soo celin karaa taageeradii dalalka afrika ay u ahayeen Somaliland,waayo intaasi oo dalba wuu ka soo shaqeeyey oo wuxuu ku dhex leeyahay saaxiibo badan,waa nin garanaya hanaanka iyo protocol-ka madaxda aduunka lagu qaabilo,waa nin runtii bulshada reer Somaliland ay ku kalsoon tahay hadii madaxweyne loo doorto doorashada la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadkan 2015ka in uu yahay rajada ugu weyn ee shacabka reer Somaliland qabo ee u soo celin karta kalsoonida shacabka ee ay lumisay xukuumada siilaanyo,waayo waxa la og yahay tan iyo markii xukuumadan siilaanyo talada dalka qabatay,in la iska ilaabay oo meel lagu tiiriyey xitaa ka hadalka ictiraad raadintii Somaliland,taasina waxay ka mid tahay waxyaabaha shacabku uga kalsooni baxeen xukuumadan siilaanyo,taasi bedelkeedana waxay shacabku quudaraynayaan in ay arkaan Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo ay doorteen oo u soo celiya umadda rajadii ay ku naaloonaysay mudada dheer.

Akhriste marka aynu ka hadlayno dhinaca dalalka reer yurub iyo maraykanka runtii wax cad ayey ahayd sidii dawlaha maraykanka iyo yuruba ugu heelanaayeen taageerada Somaliland,iyadoo wadamadaasi Somaliland ay ka taageeri jireen dhinaca horumarinta arimaha bulshada iyo taageerida doorashooyinka iyo weliba hanaanka dawladnimo oo si dadban u taageersanaayeen,oo xitaa baarlamaanka ingiriiska ayaa lagu casumay madaxweynihii dalka mudane Daayir Rayaale Kaahin oo khudbad taariikhi ah ayuu ka jeediyey baarlamaanka ingiriiska Madaxweyne Rayaale,sida dawlada ingiriisku u taageersanayd Somaliland aad ayey u weyneyd iyo weliba dalalka kale ee reer yurub ayaa iyaguna sidaasi si la mid ah,qadiyadda Somaliland u taageersanaa,oo weliba maraykankuna Somaliland si gaar ah,ayuu ula macaamili jiray,balse waxaasi oo wanaag ahi,goorma ayey is bedeleen? .waxay is bedeleen markii xukuumada uu hogaamiyo siilaanyo talada dalka la wareegtay,dhamaan xidhiidhkii Somaliland iyo wadamadaasi u dhaxeeyey wuu daciifay,oo wuxuu marayaa meeshii ugu hoosaysay,marka cida kaliya ee soo celin kartaa waa murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen oo loo doorto madaxweynaha dalka,marka la gaadho doorashada 2015ka sanadkan,waayo iyadoo xidhiidhka Somaliland iyo ka dhaxeeya dalalkaasi oo adkaato waxay faa’iido u tahay dhamaan bulshada reer Somaliland guda iyo dibadba,Jamaal Cali Xuseen dalalkaasi kuu ka soo shaqeeyey oo dee dawlada ugu weyn aduunka ee maraykanka iyada wuxuu ku leeyahay saaxiibo aad u tiro badan,oo xitaa waxaynu ka warqabnaa sidii loogu soo dhaweeyey magaalada caasimada maraykanka ee WASHINGTON DC,halkaasi oo uu khudbad layaab leh,u jeediyey labada aqal ee CONGRESS-KA iyo SENATE-KA,iyadoo xildhibaano tiro badan oo labada aqal ahiba ay aad u soo dhaweeyeen murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,taasina waxay ka markhaati kacaysa sida Aqoon yahanku uu saaxiibo tiro badan ugu dhex leeyahay dalkaasi maraykanka,taasina waxay u suurto gelinaysa galaangalka uu u yeelanayo iyo sida uu dawlada marykanka uga keeni karo wax la taaban karo,marka Somaliland waa dadka ay u baahan tahay maanta Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,madaama oo maanta Somaliland marxalad adag oo kala guur ah,marayso,waana ninka ka saari kara dhibaadata dhinac kasta leh,ee maanta Somaliland haysata.

Marka muhiimadu waxa weeyi in maanta,shacabka reer Somaliland gartaan dantooda,isla markaana ka fiirsadaan cida ay taageerayaan ee ay codkooda siinayaan,waa inay noqotaa ayaa soo celin kara xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka guud ahaanba, ee hada liicay,ayaa dhaqaalaha dalka soo celi kara? Ee kobcin kara dhaqaalaha dalka oo aqoonteedii iyo fikradeedii leh,ayaa dalkan yar ee ay saboolnimadu daashatay ka saari kara? Ayaa umaddan cadaalad daradu hoyga u noqotay ka saari kara? ayaa dhalinyarada shaqo la’aantu ku habsatay ka saari kara? Ayaa ciidmada qaranka ee mushaharka aan ku filayn u kordhin kara? Ayaa musuq-maasuqa maanta dalka la hadhay wax ka qaban kara? Ayaa dalka u shaqeyn kara ee aan ka shaqeysan?

Su’aalahaasi iyo kuwo badan oo kale ayaa akhristayaal maskaxdiina ka guuxaya,markaa runtii murashaxa jagada madaxweynaha ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka Somaliland ee UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen waa nin lagu tuhmayo in uu yahay qof ka saari kara bulshada dhibatooyinkaasi aan la tiring kareyn ee is barkan ee bulshadii reer Somaliland ragaadiyey,balse waa waajib marka hore inay bulshadu fahamto isla markaana yaqiinsato dhibaatada haysa iyo sida looga bixi karo inay ka fikirto.

lasoco qaybaha danbe ee taxanahan.

Qore: Cali Maxamed C/laahi

Email:calicabdilaahi@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured