FAALLO: Xogta Musuq-maasuq Ee Wasiir Samaale + Shaqaaleynta Qabiileysan?

0
Friday January 16, 2015 - 00:38:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Xogta Musuq-maasuq Ee Wasiir Samaale + Shaqaaleynta Qabiileysan?

    Hargeisa(xogreebnews.com_Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxa ay ka mid tahay hay”adaha laf-dhabarta uu ah kaabayaasha dhaqaale ee Tiirka culus u ah dalkeena, inaago taas og-soon ayaa waxaa jirta dhacdooyin aan farxad gelin bulshada kuwaaso in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxa ay ka mid tahay hay”adaha laf-dhabarta uu ah kaabayaasha dhaqaale ee Tiirka culus u ah dalkeena, inaago taas og-soon ayaa waxaa jirta dhacdooyin aan farxad gelin bulshada kuwaaso inta badan lagu edeeyo wasiirka hadda jooga wasaaradda inuu shaqaalaha iyo dhaqaalaha-ba uu sidaa meel uu leeyahay oo kale ugu tagri fala

Hargeisa(xogreebnews.com_Wasaaradda maaliyadda Somaliland waxa ay ka mid tahay hay”adaha laf-dhabarta uu ah kaabayaasha dhaqaale ee Tiirka culus u ah dalkeena, inaago taas og-soon ayaa waxaa jirta dhacdooyin aan farxad gelin bulshada kuwaaso inta badan lagu edeeyo wasiirka hadda jooga wasaaradda inuu shaqaalaha iyo dhaqaalaha-ba uu sidaa meel uu leeyahay oo kale ugu tagri fala, wasiir samaale oo muddo laba sanno ka hor uu madaxweyne siilaanyo uu magacaabay, wasiirka maaliyadda Somaliland ayaa intaa badan faraha la galla hawlaha siyaasadeed ee dalka isagoo dayac aad u badani ka muuqdo shaqadda uu qaranku uu ig-maday.

Cabdi casiis maxamed samaale waxa dadka intooda badan uu yaqaanan sheikh, halka muddoonkii uu dalka madaxweynaha ka ahaa maxamed xaaji Ibraahin Cigaal mar af-duub lagu kaxaystay uu marxuumku soo daayeey kaaso uu ku sifeeyey inuu yahay nin caalim ah, xilligaas waxaa xigay wakhtigii uu doorashadda Baarlamaanka ku jiray markaaso wasiirkani uu fagaarayaasha kaga khudbadeyn jiray weedho Diinta uu badnaa wasiirka ayaa markii uu sii toosa uso gallay siyaasaadda noqdayna xildhibaanka waxaa lagu bartay is-bedel kaaso intaa badan aynu ku xasuusan karno inuu Ex-sheekhani ahaa mid debeda kaga yimmi dhaqankii wanaagsana ee hore loogu yaqiinay kuna salleeysna Diinteenna Suuban, samaale waxaa intiina badani si wanaagsan uu xasuusan tihiin hadaladdii ka baxsana mil-gaha,dhaqanka Diinta ee uu fagaarayaasha kaga hadli jirey isaago duraayna maamulkii wakhtigaas oo uu madaxweyne ka ahaa Daahir Riyaale Kaahin. Weedhahaas waxaay ahaayeen kuwo aanu qof diin haystaa ku hadal, waxaana markhaati cad inooga ah inuu noqday ninkani mid is-dooriyey hadalkii madaxweyne Riyaale ee ahaa sidan” cabdi casiis waxaan leeyahay Diintii iyo Kitaabaddi bal dib ugu Noqo waxaad ku hadlaysaa maha wax uu ku hadlo qof alle yaqaaniye.

Hadaba ninkii sidaas ahaa ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo uu magacaabay wasiir culus kaaso runtii dadka reer Somaliland ay tilmaameen inuu la ambaday wasiirkani, sababtuna tahay shaqadiisi oo uu daacad uu noqon waayey.

Sidaa oo kale waxa uu wasiirkan fid-moobay inooga markhaati ah qaabkii uu huriyey khilaafka Kulmiye oo uu ka dhigay dhul-gariir siyaasadeed oo dalka Ku dhuftay, waxaa kale oo jirta musuq-maasuqa baaxadda leh ee uu hantidii ummadda uu jeebadda ku sito wasiirkani sidaa uu doonaana uu isticmalaayo.

Xogaha musuq-maasuqa wasiir samaale, waxa ka mid ahaa inuu lacag dhan sideed-tan Kun oo Doollar lacag lagu qiyaasay uu lummiyeey shir dhowaan ka dhacay Hutel Mansoor sababta dhaqaalaha intaas le”eg lagu loofaraayo jawaabteeda waxaan u dhaafaya shacabka reer Somaliland.

Waxa kale oo jira inuu wasiirkani dawladda siilaanyo kusoo kordhiyeey dhaqan ku cusub dawladnimada, kaaso ah markii uu wasaaradda la wareegay waxaa shaqaalaha rasmiga ahaa ee ka hawl-gala wasaaraddu 500-oo qof halka laba sanno gudahood-nauu hadda kaga dhigay 2000 shaqaale.

Maxa xumma in ummadda la shaqaaleysiiyo balse dhibta jirta waxaa ay tahay wasiirka waxaa uu shaqaale qoray 1500- oo qof kuwaaso intooda badani ahaayeen kuwoo kaaso jeeda deegaankiisa oo keliya dhacdooyinka is-daba marinood ee ayaa ah mid aan haba-yaraatee aan shaqaaleynta la soo marin hay”ada qaranka uu xil-saaran shaqaaleynta ee lo yaqaan hay”ada shaqaalaha dawladda sababtu wasiir uu marin waayey ayaa dadka ka ag-dhowi sheegan inay tahay musuq-maasuqa iyo aqoonta dadka uu qoranaayo oo liidata iyo inay yihiin reer kaliya. Dhacdo kale oo dhowaan uu wasiirku ku shaqaaleynaayey dadkaaso jeeda deegaankiisa ayaa la sheegay inuu durba amar wasiirku bixiyey in lo bilaabo lacag mushaar ah shaqaalahaso tiradooda lagu sheegay inay yihiin 47- uu qoray bilowgii bishan aynu ku jirno halka 9 sagaal kale-na uu wasiirku todobaadkan shaqaaleysiiyey la soco…

Qalinlkii

Cabdi casiis Bashiir Nuur

info@xogreebnews.com

Tel: 4144434

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured