"Madaxwaynuhu Goormuu Wax Cafiyaa" ?cali Guray .." Waa sawir kale oo muujinaya ku gabood falka sharciga iyo dulmiga iyo cadaalad darrada ka jirta Somaliland iyo heerka ay gaadhsiisan tahay".

0
Thursday January 15, 2015 - 22:41:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 780
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxwaynuhu Goormuu Wax Cafiyaa" ?cali Guray .." Waa sawir kale oo muujinaya ku gabood falka sharciga iyo dulmiga iyo cadaalad darrada ka jirta Somaliland iyo heerka ay gaadhsiisan tahay".

    Hargeisa(xogreebnews.com-Waa sawir kale oo muujinaya ku gabood falka sharciga iyo dulmiga iyo cadaalad darrada ka jirta Somaliland iyo heerka ay gaadhsiisan tahay. Labda xildhibaan ee Golaha Degaanka Borame ka tirsan ee maanta madaxwaynuhu cafiska u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Waa sawir kale oo muujinaya ku gabood falka sharciga iyo dulmiga iyo cadaalad darrada ka jirta Somaliland iyo heerka ay gaadhsiisan tahay. Labda xildhibaan ee Golaha Degaanka Borame ka tirsan ee maanta madaxwaynuhu cafiska u fidiyay,
Hargeisa(xogreebnews.com-Waa sawir kale oo muujinaya ku gabood falka sharciga iyo dulmiga iyo cadaalad darrada ka jirta Somaliland iyo heerka ay gaadhsiisan tahay. Labda xildhibaan ee Golaha Degaanka Borame ka tirsan ee maanta madaxwaynuhu cafiska u fidiyay, oo daraad aanu ku soo booqanay Jeelka Madheera waxa goor habeennimo ah laga soo taxaabay iyo hurda guryahooda oo aan wax dembi ah faraha kula jirin wax waaran ah oo loo geeyayna aanay jirin, taas oo dabcan sharci darro cad ahayd weliba dulmi cad oo loola badheedhay labada xildhibaan. Waxa loo diray todoba cisho oo rumaan ah oo iyaduna sharci darro ahayd hadana waxay Jeelka Madheera ka caweenayeen muddo ilaa 45 cisho. Maanta ayaa aad yar madaxwaynuhu ka dhigay niman dembiilayaal ah oo isagu uu cadiyay. Sharci ahaanna qofku wuxu dembiile noqdaa keliya marka maxkamad sharci ah horteeda lagaga cadeeyo ee xukun ku dhaco. Inta ka horaysa maaha dembiile ee waxa la odhan karaa waa eedaysane, in kasta oon labada xildhibaan xataa eedaysanayaal la odhan karin waayo wax dembi ah oo xeer ilaalintu ku soo eedaysayba may jirin. Madxwaynuhu wuxu cid ka cafiyi karaa xukun maxkamadeed oo ku dhacay hadii aan xildhibaanadan xukun ku dhacay daayoo aanay jirin xataa dembi lagu soo eedeeyay muxuu ka cafiyay waa yaab eh? Iska daa inaga eh madaxwaynaha laftiisa ayaan garanayn sua’aashan jawaabteeda. Lakiin waxay u egtahay in madaxwaynuhu ka xishooday RAALI AHAADA WAA LA IDINKU GEFAYE. Laakiin may ahayn inu ka xishoodo waayo waxa ka xun inu ka dhigo dembiilayaal maxkamadi xukun ku riday oo uu ka cafiyay sharcigana ku gefo kana been sheego. Ha la yaabin maanta Somaliland dulmiga iyo cadaalad darradu dad bay guul iyo wax lagu faano u tahay oo weliba taladii ummadduna ay iyaga gacanta ugu jirtaa waana nasiib darro jirta. Dhacdadani waxa ay mid uun ka tahay dulmiga iyo cadaalad darrada joogtada ah ee maalin kasta meel kasta iyo cid kasta ku dhacda.
Ugu dambaystii madaxwaynaha dhibanayaal markii horeba la soo qafaashay iyagoo xisaanad lahaa guryahoodana hurda wax dembi ah oo faraha ay kula jireena aanu jirin hadana todoba maaalmood oo rumaan ah la isaga diray yidhi waan cafiyay sidii oy dembi galeen oo maxkamadi ku xukuntay bal marka hore isaga xaalkiisa ka warama. Marka xigtana Wasiirkiisa madaxtooyada ee intaas oo dhan ogaa warqadana laga yaabo in uu gacantiisa ku diyaariyay waxay ka daaran tahay ka sheekeeya ma madaxwaynuhu jecel yahay baynu nidhaa mise qofku ilaa iyo xadkaa ayuu odayga neceb yahay? Intaa midna maaha ee waxan is leeyahay odayga ayaa isagaa jecel oo si xad dhaaf ah u aaminsan. Waxa nasiib darro ah inta uu HAA YIDHI SAXEEX HADANA MAYA IDHI SAXEEX HADANA HAA IYO MAYA KA WADA YEEDHSIIYAY
Cali maxamed Yuusuf (Cali Guray)
Gudoomiye xigeenka 3aad ee xisbiga UcidA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured